(GNA) Ninka sugaya dhaxalka Boqortooyada Ingiriiska Charles ayaa waxaa lagu sameenayaa baadhitaan awoodiisa, kadib markii ay soo baxeen dhaliilo lagu sheegayo in uu adeegsaday awood ka baxsan xilkiisa.
Prince Charles ayaa kamid ah dadka ugu dhaqaalaha badan dalka Ingiriiska, waxaana dhaqaalihiisa lagu tilmaa in ku dhaw 1 Bilyan oo dollar, wuxuuna Charles sidoo kale leeyahay dhulbaaxadleh, waxayna dadka qaarkiis ku eedeeyeen inuu awoodiisa u adeegsado dhanka xukuumada iyo maamulada dalkaasi Ingiriiska kajira.
Waxaa sidoo kale kamid ah eedaynta loo heysto in awoodiisa dhaqaale u adeegsado hirgelinta mashaariicda dhismayaasha ee deegaanada uu dhulka ku leeyahay, arrintaasi oo hada si rasmi ah loo baarayo.
Qaar kamid ah dadka sida weyn uga soo horjeeda Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku eedeeyey in Prince Charles uu sidoo kale si toos ah asbuuc walba ulla kulmo qaar kamid ah Wasiirada dowlada UK, isagoo talooyinkiisa ka siiya dhanka siyaasada, hase yeeshee siyaasiyiinta UK ayaa qaarkood sheegay in Prince charles xaq u leeyahay inuu talooyin ka dhiibto arrimaha siyaasada.
Baaritaanka dowlada Ingiriiska ku sameenayso eedeynmaha loo soo jeediyey Prince Charles ayaa muujineysa culeyska dowlada UK ka heysta shacabkeeda.
Diyaariye:Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com