Tixraac maqaalka lagu baahiyay TOGAHERENEWS ee ciwaanka looga dhigay Jawaab kusocota Xisaabiyaha d/hoose runtii maaha wax istaahila in loo jawaabo, balse waxaan odhan karaa waa qof uu ka hadliyay Jahli & xaasidnimo, sidoo kale Maahmaahda lagu qoray meesha ee ah (faras ama kujoog ama kajoog) maaha mid khusaysa waxan laga hadlaayay, balse waxaan kuugu bedeli lahaa (Qaar horaa ku wareeray wax kasheega dadkee hawareerin walaal) malaa waxaa kaaga wanaagsan inaad tacabkaaga & qoraalkaaga geliso wax intan dhaama
Waxaana wax aad loola yaabo ah waxyaabaha aan is qaban ee ka dhex-muuqda qoraalka maqaal ceebeedkan sida (Maqaalkaaad qortay ee Sahal & gaashaan-buur, & Maxaad ka tahay Ucid, & miyaad teegeersantahay Mayor-ka mise waad kasoo horjeedaa) qoraalkani wuxuu ka jurjumayaa aqoon gaabnaanta cida qortay ee aan wax nuxur ah ku fadhisiisan
Hadaba Mohamed Jaamacaw (Fake Name) waxaa ka haboon inaad hadaad wax qorayso ubadheedho magacaagana aad is ticmaasho Numberkaagana aad geliso laakiin kalsooni daro awgeed waata kugu keliftay inaad magacaagana qariso Number-kaagana aad qayb ka tagto, run ahaantii intan aad qortay midna kaagama jawaabayo waayo maaha wax laga jawaabo waxaana kaa muuqata indha la,aan & xaasidnimo qof weerar ah, iyadoo aradnaanta mihnada saxaafadeedna ay si cad ugu muuqato qoraalkaaga Jaahilaysan ee aad qortay, balse waxaan ku odhan lahaa umad aanany kuqaadin dhexdooda haku waalin ee shaqada xun ee been abuurka & diradiraalaynta ha meel kale karaadi C/shakuur-na waa Mayor-ka Berebra ana shaqaalihiisa ayaan ahay Macagiisuna hajiro, waxaana kaa maqan duruustii aqooneed ee waxgarasho weliba waxaan odhan karaa inaanad ahayn qof Normal ah oo xitaa maskax ahaan aanad u ahayn Noramal waayo maad qorteen waxaad qortay,
Gebagabadii waxaan kugula talin lahaa adoo caadaystay is qarinta isticmaalana magacyada beenta ah eeda koowaad waxaa leh cida wax kaa qortay ee soo gudbisa ee aan eegin qoraalkaaga & nuxurkiisa waxaanan usoo jeedin lahaa shabakada Togaherernews.com website-kiinu Malaga yaabaa inuu noqdo mustaqbalka dhaw mid astaan u ahaada anshax xumada oo cidana ay bookhan waydo,talo ahaan waxaan idiin soo jeedin lahaa ka waantooba waxyaabaha Personal Attacks ka ah ee qof aadame ah xuquuqdiisa wax loogu dhimaayo, iyadoo qof kastaa arkaayo qoraalada noocan ah inuu kamaqanyahay Nuxurkii Tifaftire ( waxaan kaga baxayaa anigu ma ihi nin qarsoon waxaan ahayna waa cadaan Mayor-kaygana inaan support-ro lana shaqeeyo waa mid aan ku khasbanahay sharciyan iyadoo laraacayo nidaamka Madax & shaqaalihii Ucid-na waa xisbi qaran meelna iskama soo gaadhno ee bal Mowduuca hadaladaadan kala dhantaalan is waafaji Jaahilow)
WABILAAHI TOWFIIQ
Cabdikhaalaq Cabdilaahi Maxamed