Monday, September 30, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo ka Shakiyay Saylici, xili uu doonayo inuu dalka kaga tago Safarkiisa Fransiiska


Hargaysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa C/raxmaan C/laahi ismaciil saylici ayaa xalay Qasriga Madaxtooyadda ku yeeshay kulan Casho ah, xili aanay wanaagsanayn wada shaqeyntooda dastuuriga ahi.




Kulankan ayaa cashada ka sekow, labada masuul  kaga arrinsanayeen sidii loo soo af-jari lahaa tabashooyin dhinaca Maamulka ah oo wali dhex miranaya, taasoo sababtay in Saylici afka iyo indhahaba ka xidho, ka dib markii Madaxweynaha iyo Wasiirradiisa awoodda badani camuumyahaha ka laliyeen tabashadiisa, una joojin waayeen.




Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in kulankaasoo ay Albaabadu u xidhnaayeen lagagana wada hadlayay loo bogsiin lahaa dareen ay Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Madaxtooyaddu ka qaateen Aamusnaanta Madaxweyne ku-xigeenka oo ay saxaafadda Somaliland beryahan aad u hadal haysay, ay ku wehelinayeen labadooda xubno ka mid ah wasiirradda ugu miisaanka culus ee Xukuumadda.




Ma jirto xog rasmiya oo ka soo baxday kulankaasi  oo Warbaahinta loo soo bandhigay, balse ilowareedyada aanu helayno waxay intaasi ku darayaan inay labada Masuul wax iska tuseen waxyaabaha xidhiidhkooda xumeeyay, isla markaana waxoogaa ka shawreen xaaladaha dalku marayo iyo halka ay ka kala joogaan.




Safarka Madaxweynaha dartii ayaa waxa maalmahanba socday Dedaalo la doonayay in lagu qanciyo Madaxweyne ku-xigeenka in uu talada Dalka la sii wareego si uu waajibaadka Dastuuriga ah ee Qaranka u sii guto, sidoo kale waxa lagaga hortagayay si aanay u dhicin mudada uu xilka sii hayo in uu ku talaabsado go’aano la mid ah kuwii uu ku dhaqaaqay safarkii ugu danbeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo talada kaga sii tagay, wakhtigaasi oo ay isku dhaceen wasiirka Madaxtooyadda.




Safarka Madaxweynuhu baxayo oo maalmaha soo socda ku beegan ayaan la ogayn Wasiirka madaxtooyadu ku wehelin doono iyo in kale, inkasta oo ay adagtahay inay Madaxweynaha iyo Xirsi dalka ka wada maqnaadaan, si aanay xulafada kale ee Xukuumadda ku jiraa uga sii faa’idaysan dano badan iyo hawlo badan oo ka baahsan Wasiir Xirsi iyo Kooxdiisa.




Cabdiraxmaan Saylici ayaa tan iyo Iidii Bishii Ramadaan saaxada Siyaasadda ee Xukuumadda ka maqnaa, waxaanu xataa joojiyay ka qayb-galka Xafladaha Qalin jabinta ah ee lagu soo casuumi jiray iyo Dhagax dhiga iyo furida  mashaariicda Xukuumaddu  Fuliso, halkaasoo u ahayd Fagaaraha uu kaga baano dhanka siyaasada iyo dareenkiisa shakhsiga ah.




Isku soo dhawaanshiyaha labadan masuul ee xalay dhacay, ayaan la saadaalin Karin inta uu sii jiri doono, balse dadka ka faalooda arrimaha siyaasada ku doodaya inaanu wax macno ah oo badan samaynayn ilaa haanta gunteeda loogu tago Khilaafka labada masuul sababta keentay, isla markaana Madaxtooyadu ka  badheedho xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ah ee ay salka ku hayso tabashada Saylici.




Dhinaca kale yooyootanka iyo wada shaqayn la’aanta labadan Masuul waxay imanaysaa xili wakhtigii Umaddu ay u soo dooratay uga hadhsantahay mudo 22 Bilood ah, isla markaana dhaliilo badan loo soo jeedinayo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Xisaabiyaha Dawlada Hoose Ee Berbera Oo Beeniyay Maqaal Lagu Qoray Magaciisa Lagana Been Abuuray


Xisaabiyaha dawlada hoose ee magaalada berbera Cabdikhakaaq Cabdillahi AwMaxamed(Cabdikhalaaq Awal bari) ayaa qoraal uu caawa soo gaadhsiiyay warbaahinta kala duwan waxa uu ku beeniyay maqaal been abuura oo lagu faafiyay qaar kamida shabakadaha Internetka ee wararka laga daalacdo isagana lagu magacaabay in uu qoray, maqaalkaas oo ciwaan looga dhigay(Qasnada Dawlada hoose berberi ma qaadi karto 54.000$ ee ku baxay xafladii shalay) maqaalkaas  oo Xisaabiyuhu kutilmaamay mid meel kadhac ku ah masuuliyada uu maamulka dawlada hoose ka hayo iyo shaqsiyadiisaba ayaa waxa uu Xisaabiye Cabdikhaalaq sheegay in uu yahay masuul katirsan masuuliyiinta Dawlada hoose ee berbera qoraalkanina aanau ahayn mi




isaga kasoo baxay cid  qortayna ay yihiin shaqsiyaad aan badheedhi Karin oo magacyada masuuliyiinta iyo dadka kaleba ku adeegta  kuna shaqaysta ceebayta dadka, waxa kaloo uu xisaabiyaha dawlada hoose ee berbera Cabdikhalaaq Cabdillahi AwMaxamed awal bari uu shabakadaha wararka ee Internetka udigay in aanay dabicin maqaalada been abuurka ah ee lagu soo qorayo magacyada masuuliyiinta iyo dadka kale ee ceeb ka saliimka ah islamarkaana ay fiira gaara uyeeshaan maqaalada loo soo dirayo ee been abuurka ah waxaanu Xissbiyuhu sheegay in aanu ka hadhi doonin cid qoraalkaas ku faafisay magaciisa sharcigana uu la tiigsan doono isaga oo xusay in uu ku raad joogo cidii maqaalkaas qortay dhawaana uu haayadaha sharciga hor gayn doono isaga oo sharaxaad ka bixinaya qoraalkaas iyo beenintiisa waxa uu yidhi?Waxan beeninayaa maqaalkan aan gacanta ku hayo oo magacayga lagu qoray iyada oo sharaftayda meel lagaga dhacay laygana been abuuray waxes aan la yaabanahay  ninkan qoraalkan qoray miyuu xanuunsanayaa maqaalkan waxa uu ku cambaareeyay Xafiiskaygii iyo Xaruntii aan ka shaqaynaayay waxaanu leeyahay Cabdikhalaaq ayaa qoray oo is eedeynaya taasina maaha wax dhici kara Mid kale Anigu waxan ahay masuul katirsan masuuliyiinta dawlada hoose shaqadayduna waa xafiiskaas xafladahan iyo waxan uu ka sheekaynayo maaha shaqadayda, markaa kolay hada waan ku raad joogaa cidii qortay maqaalkaas waanan aqoonsaday mana ka hadhayo haayadaha sharcigana waa la tiigsanayaa, waxes qolyihiin websiteyada idin leeyahay saaxiibyaal qoraalada magacyada dadka lagu been abuurayo iska hubsada oo markiiba ha daabicin.




Cida qoraalkan qortayna maaha mid ay aniga sharafkayga wax ku yeelayaan ee waa dad waxaas ku shaqaysta oo la yaqaan horena loo ogaa calaaya xaal waxan kuu gabagabaynayaa qoraalkayga Maqaalkaas Ciwaankiisu ahaa Qasnada dawlada hooose ee beriberi ma qaadi karto 54.000$ ee ku baxay xafladii shalay waa mid been abuura oo layga been abuuray xaqiiqadana ka fog cid kasta oo maqaalkaas akhrisatayna waxan leeyahay horeba rag magacyo beena sheegta oo dad sharafta leh maqaalo ceebayna ka qoraa berbera waa lagu sheegayaye haduun bay galeen qafladii lagu qaban lahaa waananu qabanaynaa sidhakhso ahna haayadaha sharciga ayaanu uhor gayn doonaa




Cabdikhalaaq Cabdillahi AwMaxamed(Cabdikhalaaq Awalbari)

SL: Laanta Socdaalka oo laga Xaday Kaydkii Sirta + Macluumadkii ku jiray iyo Sarkaal C.I.D-da ah oo 7 Casho la la’yahay Meel uu Jaan iyo cidhib dhigay


Hargeysa(GNA)-Faylal Sir ah iyo Macluumaad kale oo muhiim ah ayaa la sheegay in laga xaday  Xafiiska Laanta Somaliland Jimcihii la soo dhaafay, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo u dhuun-daloola xafiiskaasi.




Wargeyska Jamhuuriya oo ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa Hargeysa ayaa Maanta Bogiisa hore ku  daabacay in Macluumaadkaasi oo sida wargeysku sheegay sir badani ku duugantahay la waayay, ilaa hadana aanay jirin cid loo qabtay.




Wargeysku  waxa uu sheegay in la xaday Faylashii Xogaha laanta Socdaalka lagu kaydin jiray, gaar ahaana waaxda Sirdoonka,taasoo ay ku jireen Macluumaadkii ilaa bishii November ee sanadkii 2013, waxaanay  ilo-wareedyada Wargeysku soo xigtay sheegeen in baadhisi socoto, balse ilaa hada wax raad ah oo la hayaa aanay jirin.




Sida la sheegay Macluumaadka maqan waxa lagala baxay xafiiska Taliyaha Socdaalka, kaasoo la sheegay inuu safar dibadda ah ku maqanyahay, waxaana warku intaasi ku darayaa in Kiiskaasi Taliye ku-xigeenka Socdaalku amray in baadhis rasmiya lagu sameeyo.




Bishii Janaury ee sanadkan ayay hayd markii Xarunta Laanta socdaalka laga helay Walxo ka mid ah waayiradda Miinadda lagu qarxiyo, waxaana xiligaasi loo xidhay laba Nin oo Ciidanka ka tirsan, kuwaasoo muddo ka dib Xoriyadooda loo soo celiyay inta waxba lagu waayay.




Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dambi baadhista Somaliland ayaa la la’yahay meel uu Jaan iyo cidhib dhigay  muddo  hal todobaad ku siman, sida laga soo xigtay Saraakiisha laanta Dambi baadhista.




Sarkaalkaasi ayaa sidoo kale qoyskiisu xaqiijiyeen inaanay arag ilaa Isniintii Todobaadkii hore, waxaanay saraakiishu sheegeen in ninkaasi gaadhigii uu watay Xerada dhexyaalay ilaa wakhtigii cid ugu dambeysay.




Taliyaha Ciidanka C.I.D-da ayaa Axaddii shalay Wargeyska Haatuf u sheegay in Sarkaalkaasi la waayay meel uu jaan iyo cidhib dhigay, isla markaana Hay’adaha amaanku baadhayaan sababta uu ku maqanyahay.




Si kastaba ha ahaatee arimahan ayaa abuuraya xaasaasiyad dhanka amniga ah iyo in Cadowgu si fudud ku heli karo xogihii Hay’adaha ugu xaasaasisan qaranka, waxaana ka muuqda raadad muujinaya Maamul xumo sababi karta Halis waddanka cadowga ku soo hogaamisa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com   

Jamaal C. Xuseen :Dawladdu Intay 40 Baabuur Cashuurtii Danyarta ku kaxaysatay ayay tidhi waxaanu soo dhaweynaynaa Niman Sharciga ku gefay”.


Hargeysa(GNA)-Murashaxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa si kulul u naqdiyay ku-biiritaanka KULMIYE ee Maayarka Berbera C/Shakuur Maxamed Xasan (Cidin) iyo Xildhibaan C/Rashiid Maxamed Xaaji Yuusuf oo labadooduba ka soo baxay UCID, balse dhawaan u diga-rogtay Xisbiga Talada haya ee Kulmiye.




 Sidoo kale-na waxa uu si weyn u duray hannaanka loo maray xero-gelinta raggaas iyada oo la adeegsanayo cashuurtii danyarta oo lagu kaxaystay gaadiid badan.




Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay  qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Mareegta Facebook, kaasoo u dhignaa sidan




 “Ninka ku qudbadeeyay " Muuqayguna waa UCID, Maskaxdayduna waa Kulmiye" weliba dawladda intay 40 baabuur iyo 7 wasiir u soo kaxaystay inay tidhaahdo waanu ku soo dhaweeynaynaa oo xoolihii danyarta isticmaallaya ma wax caqliga suubani qaadan karo baa, ama sharciyadda waddanku ogoshahay. Ilaahayoow yaan caqliga lanaga caayin.




 Ugu dambayntii waxa uu Jamaal Cali Xuseen bulshada u soo jeediyay inay go’aan ka gaadhaan khudbadaha madashaas laga arkhriyay oo uu ku tilmaamay riwaayad lagu metelay Berbera.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com




 

Wasiir Cabdijibaar: Madasha Wada-tashigu waa Raad Abeeso”.


Burco (GNA)- Wasiirkii hore ee wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland ee dawladdii Cigaal, haatanna ah macalin wax ka dhiga jaamacadda Burco kuliyadeeda Caafimaadka, Dr. Cabdijibaar Maxamed Cabdi Siciid, ayaa dhaliil u soo jeediyay isbahaysiga madasha wada tashiga iyo toosinta, ee dhawaan lagaga dhawaaqay dalka.




Dr. Cabdijibaar Maxamed Cabdi Siciid waxa uu Madasha wadatashiga ku eedeeyay in ay ka soo hor jeedaa horumarka iyo taaabo galka qarannimada Somaliland, waxaanu ku tilmaamay ragga ku bahoobay isbahaysigani in ay yihiin kuwo hagardaamo iyo dibindaabyo la daba socday qarankani intii uu jiray Dr. Cabdijibaar Maxamed Cabdi Siciid waxa kale oo uu sheegay in xubnaha hormuudka u ah madasha wadatashigu ay yihiin rag ku saaqiday saaxadda siyaasadda Somaliland oo ma gudbayaal ah, kuna guuldaraystay in ay kasbadaan kalsoonida iyo codka shacbiga Somaliland.




Dr. Cabdijibaar waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi aanu kula yeenay khadka telefoonka isaga oo jooga magaalada Burco, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan:- “Marka aan qiimeeyo xaqiiqada marxaladaha kala duwan ee dalkeena Somaliland uu soo maray, waxaanay kala ahaayeen wakhtigii xorriyada oo dalku burburay, dadku dagaalo soo maray , wakhtigaas oo uu madaxweyne ahaa ALLE ha u naxariistee marxuum Cadbiraxmaan Axmed Cali.




Marxalad hub ka dhigis ah, dib u dejin iyo dhisid nidaamka dawladnimo, sida dastuurka iyo ururro siyaasi ah oo u tartama doorashooyinka, wakhtigaas oo ahaa xiligii uu dalka madaxweynaha ka ahaa ALLA ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Hirgelinta doorashooyinka oo ku timi bisaylka iyo baahida dadka iyo dalka, sida gooni isu taaga qarranka Somaliland, waa wakhtigii uu dalka madaxweynaha ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin. Marxaladdii waxqabadka, dib u dhiska iyo horumaru waa wakhtigan uu daslka hogaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.




Haddaba, waa maxay madashu, waa raad Abeeso, intaas oo marxaladood oo dalka iyo dadkuba soo maray, rag madasha ka mid ahi lugaha ayay jiidayeen qarannimada Somaliland.”




 




Gobanimonews Hargeysa
 




 Office Email: editor@gobanimonews.com

Maayarka barbari xaal ha siiyo shacabkii soo doortay


Al –cilmu nuur wa jahlu dalaam




Waxay si cawaja u fahmeen qodobo dastuurka kamida oo u ogalaanaya xildhibanka inuu ku biiri karo xisbi kale marka mudada la doortay ay uga hadhsantahay lix bilood ayay u qaateen markay lix bilood ku jiraan ucid inay u wareegaan kulmiye ___Sorry mudanayaal kuliyad ayaa idinku waajibtay




Sidaad la socoteen intiina xogagaalka ahi iyo intiina ku warhesha Tvyadaba waxaad ka dharagsantihiin in xaflad balaadhan oo dhinacya badan loo yagleelay Mayarkiirkii tacabka badani kaga baxay beeshu kasoo jeeday ,hadaba hadaan ku horeeyo qaabkii loo soo dhiraan dhiriyey soo dabitaanka lasoo dabay mayarka iyo xildhibaanka aan xishoonayn ee siduu marwadii maayarka  yahay isku daba dhajinaya .




Mudooyinkii danbe waxaa igu maqaalaa inuu maayarka dhawr safar oo uu u boqaalay caasiamda uu la majaalisay raga ay u shidantahay doontu oo ugu horeeyo xirsi waa waya aragnimo la’aanee ba ee waxa uu ku dhex milmay goobihii ay majaalisi jireen iyo xaflado ay gaar u leeyihiinba taasina waa ta kusoo dhiiri galisay inuu isku tuuro shidhka maxaa yeelay mar hadii aanay uba bilawmaynba meeqaamka dhabta iyo shuruucda ukala qoran muxaafidka iyo mucaaridka ___dhan marka la eego malaha gaf maayarka iyo familgiisu inay madax madax ugu biirana xisbi aanu tacab soo galin eedaasina waxay dusha ka saarantahay adeerkiisan hassan banaadiri ee lasoo taagnba hada wuu saxsanyahay wiilku taasina ay miisaankiisa siyasadeed hoos udhigi doonto maxa yeelay mar hadaad  weel siyaasadeed hassanaw samaysatay maxaa kuu diiday inaad si fiican uga midha dhaliso ,halkaana waxaad ka faadiysan kartaan habacsanaaanta ay leedahay markaad muxaafid ku waynaataa .




Hadaan usoo daadago xaflada iyo qaabkay u dhacday waxa laga xusi karaa shakhsiyaad gaar tsuaale ahaan xidlhibaan siciid cilmi rooble oo ah guulwade wayn ayaa hadana kuwan guulwadanimadoodii ka yaaboo gooni isaga baraxay isagoo laba qodob oo run aha conistutionka dalka u dagsan ku qoran qodabadaas oo gantaal iyo qiso ku reebay familigii kusoo biiray kulmiye ___qodabadaas oo cadaynaya ama baraarujinaya inaanu sharciga somaliland u dagsani aanu dhigayn inay xisbigooda ka diga rogan karin ,wakhtiga qudha ee dastuurku u ogalyahay waa marka mudada la doortay ay uga hadhsantahay 6 bilood ayay u qaateen groupkan ganacsatada ahi in marka lix bilood ay joogaan inay ka diga rogan karaan ___Miskiin yaa dalas halkaa guuldaro dastuur ayay kala kulmeen waxa uu cadeeyay xildhibaan rooble inay hada munaasibadan kusoo wareejinayaan uun tageerayaashoodii oo qudha taasi waxay ceeb ku tahay labada reer ee ay kasoo kala jeedaan in sidii adhiga saylada lasoo tumo taasna waxaan ku dhaafayn ceebtii groupkan kala kulmeen xaga sharciyada




Ta saddexaad tacabay dheh marhadii ina cidin uu lasoo taagan yahay waxaan ku biirayaa kulmiye ___ waxaanu xaal siinay Haaji muuse iyo odayaashii sharafta lahaa ee is xil qaamay iyo labadii xidig ee goobtaas ku wayay kuraastoodii




Garyaqaan :Ayaan Pen




                   Barbara




 

Jose Mourinho: Waxay u muuqataaa In John Terry helo Qandaraas Cusub Helo.






Jose Mourinho ayaa aaminsan in John Terry uu soo bandhigayo qaab




ciyaareed uu ku heli karo qandaraas cusub uu ku sii joogayo Chelsea.




 




Kabtankii hore ee England ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee xilli




ciyaareedka kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Tottenham sabtidii.




 




32 jirkaan ayaa ku dhibtooday inuu boos joogta ah helo xilli




ciyaareedkii hore intii uu joogay Rafa Benitez, halka sidoo kale




dhaawacyo ay la degeen.




 




Laakiin Terry ayaa xilli ciyaareedkan ciyaaray daqiiqad kasta oo ka mid




ah kulamada ilaa iyo haatan la ciyaaray, Mourinho ayaana sheegay inuusan




u baahneyn inuu ka walwalo mustaqbalkiisa Stamford Bridge.




 




“Waxaan qabaa inuu mar walba mustaqbal leeyahay marka loo fiiryo sida uu




u ciyaarayo haatan, waxa uu mustaqbal ku leeyahay halkaan, ama China ama




meel kasta uu doonayo inuu mustaqbal ku lahaado” ayuu yiri tababaraha Blues.




 




“Waxaana mar walba u sheegay tan iyo maalintii ugu horeysay inuusan




warbaahinta uga hadlin saxiixa qandaraas cusub islamarkaana uu ka hadlo




kaliya inuu si aad ah u shaqeynayo oo uu jir ahaan taam ahaanayo si uu




uga fogaado dhibaatooyinkii soo wajahay labadii sanno ee u danbeysay.




 




“Waa ciyaaryahan aad iyo aad u wanaagsan, ciyaartoyda aadka u wanaagsana




wax dhibaato ah kuma qabaan qandaraasyadooda.”




 

David Moyes Oo ka dhaga adaygay soo jeedintii Sir Alex Ferguson Ee Aheyd Inaanu Eryin Shaqaalihiisii Tababarka.






Bogga Hore Ee Isboortiga Ee Wargeyska The Sun Ee Maanta.




 




 




Wargeyska The Sun ayaa sheeganaya in tababaraha cusub ee Man United




David Moyes inuu iska dhegotiray baaqii Sir Alex Ferguson ee ahaa inuu




soo ceshado shaqaalaha tababarka ee kooxda ee uu Sir Alex ku heystay Old




Trafford.




 




David Moyes ayaase keensaday shaqaalihiisa u gaarka ah isagoo eryey




dhamaan shaqaalihii tababarka ee Man United ee la shaqeynayay macalinkii




ka fadhiistay ciyaaraha xagaagii Sir Alex Ferguson.




 




United ayaa haatan ku jirta kaalinta 12aad ee kala sareynta horyaalka




Premier League iyagoo leh 7 dhibcood lix kulan oo ilaa iyo haatan la




ciyaaray, waxaana xilliga isbedelka ah ee u dhaxeeyay macalinkii hore




iyo macalinkii cusub uusan noqon sidii ay filayeen jamaahiirta Old Trafford.




 




The Sun ayaana sheeganeysa in Ferguson uu u sheegay Moyes inuu ceshado




rag ay ka mid ah ahaayeen Rene Meulesteen, laakiin tababaraha cusub ayaa




ka dhaga adaygay taladii uga timid Ferguson, islamarkaana albaabka tusay




dhamaan shaqaalihii tababarka ee United.




 




 




 

Fernando Torres Oo Laga Yaabo Inuu Mutaysto Ganaax Afar Kulan Ah.


Fernando Torres ayaa laga yaabaa inuu wajaho ganaax afar kulan ah ka dib




markii uu wajiga ka xagxagtay Jan Vertonghan taasoo noqon doonta mid ka




sii cadheysiisa tababaraha Chelsea Jose Mourinho.




 




Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya inay ogaadeen in garsoore Mike Dean




uu jaalaha(huruud) koowaad ku siiyay Torres qalad caadi ah uu ku galay daafaca




Spurs Vertonghen, oo aysan aheyn jawaabtii uu bixiyay ee aheyd inuu




gacanta wajiga ka geliyay islamarkaana xagtay.




 




Caawiyayaasha Dean iyagana ma aysan arkin dhacdadaas, waxaana garsooraha




uu dhacdadaas ku dari doonaa warbixintiisa uu ka gudbinayo ciyaarta




maanta isagoo u gudbinaya waaxda FA-ga ee qaabilshan Edaabta.




 




 




Waxaana si degdeg ah markaas uga fariisan doona seddex garsoore hore oo




qiimeyn doona haddii xagashada uu sameeyay Torres ay tahay mid u qalanta




casaan toos ah.




 




Haddii ay sidaas go’aansadaan, Torres waxaa la ganaaxi doonaa seddex




kulan oo ay sii dheer tahay hal kulan oo casaankii uu xilli danbe




ciyaarta qaatay.




 




Weeraryahanka Chelsea ayaana markaasi ka dib seegi doona kulamada




Premier League ee Norwich, Cardiff iyo Manchester City iyo kulanka




Capital One Cup ee Arsenal, inkastoo uu u fasaxnaan doono inuu ka




ciyaaro tartamada Yurub.




 

Kiniinka Raggu U Isticmaalaan In Ay Hamadooda Ku Xoojiyaan Ee Afka Qalaadna Lagu Yidhaah ‘Viagra” Oo Si Khaldan Loo Isticmaalaa Oo Sababa Arimo Khatar Ah


(GNA) Nin u dhashay dalka Columbia ee Latin America ayaa laga jaray xubinta taranka, kadib markii uu si qaldan u isticmaalay kiniinka hamada kordhiya .




Sida uu qoray wargeyska Daily Express ayaa la sheegey in uu cuney kaniinka Viagra loo yaqaan, kana cuney xad ka badan intii loogu tagolagay, taasina waxa ay keentey in waxyeelo xooggan ay soo gaadho xubintiisa taranka.




 




Dhaqaatiir uu u tagay ayaa kula talisey in laga jaro si dhibaatada meesha ka dhalatay aaney ugu ffidin jidhka intiisa  kale.




Todoobaadkii hore nin kale oo 25 jir ah ayaa dalka Yemen u dhintey isla kiniinkaaa kadib markii uu si qaldan u isticmaalay.




Hadaba waxaa muhiim ah in kiniinkani aad la’isaga illaaliyo maadaamaa dhawaanahan ay soo bateen dadka isticmaala, waxayna dhaqaatiirta qabaa in aanan hal xabbo ka badan la isticmaalin, waaba haddii la isticmaalayo oo dantu ka maarmi weydo.”




dhaqaatiirta ayaa ku talinaya in aanu qaadan kareyn cida dhiig karka le ama kalyo xanuunka




taas oo sababi karta dhimasho hadaba waxa haboon in dadka dawooyinka iska isticmaalaa aaney habooneyn in dawo aanu dhaqtar soo qorin la,istimaalo. laga dhaxli karo xanuuno ka khatarbadan hadiiba aaneyn keenin in uu ku waayo naftiisa

Xanuunka Hargabka Siyaabaha Lagu Kala Qaado Iyo Sida Loo Daweeyo…


(GNA)Hargabka influwenzada oo dad aad u badan sariirta saara sanad kasta waxaa sababa fayrus la yiraahdo “influenza virus”, wuxuuna si fudud ugu faafaa qufaca iyo hindhisada xiliyada qaboobaha. Wuxuu hargabka caadiga kaga duwan yahay isagoo aad uga daran, qaataana waqti ka dheer. Calaamadahiisa oo si deg-deg ah ku bilowda waxaa ka mid ah:




 




 Xumad ama qandho sare, badanaa ka badan heerkulka  37.8 °C,    Qufac  Dhuun xanuun (sore throat)




  Duuf iyo san-cabudh   Madax-xanuun Murqo xanuun Daal iyo tabar dari




Talaalka: Wadamada reer galbeedka waxaa badankood si lacag la’aan ah looga talaalaa waayeelka ka weyn 65 sanndood, haweenka uurka leh iyo dadka qaba cudurada qaarkood.




Dawada Tamiflu waxaa loo isticmaalaa:  1) In lagu daweeyo hargabka influwenzada




2) In looga hortago inuu kugu dhaco kadib markii aad la kulantay qof qaba.




Wuxuu yareeyaa calaamadaha cudurkan iyo waqtiga uu qofka hayn karo iyo wiliba in uu sii keeno cuduro dheeraad oo nafta khatar galin kara. Haddii aad calaamadaha isku aragtid waxaa haboon inaad bilowdid 48 saacadood gudahood. Cudurkan waxaa qofka qaba kuu soo gudbin karaa markuu ku dhaco ilaa hal todobaad  markuu hayo.




Hargabka shinbiraha iyo kan influwenzada aad ayay u dhib badan tahay in la kala sooco maadaama ay calaamadahoodu isku mid yihiin hase yeeshee waa isku daawo oo labaduba waxaa lagu daaweeyaa kaniinika Tamiflu




. Antibiyootik waxba kama tarto sababtoo ah waxaa keena fayruus ee ma aha bakteeriyo.




Adeegan wuxuu ku haboon yahay inuu daboolo baahida dadka jooga wadamada aan laga helin daawadan, doonaya inay guriga isaga oo laato ama safraya. Kuma haboona dadka markaa qaba cudurkan gaar ahaan haddii ay waayeel yihiin ama ay qabaan cuduro kale. Dadkaas waayeelka ah ama nugul waxaa lama huraan ah inay dhakhtar la tashadaan si loo siiyo talada markaa ku haboon.




Sida Tamiflu loo qaato




Dawayn: Tamiflu ayaa shan maalmood la qaataa laba jeer maalintii, cunada kadib.




Ka hortaga inuu kugu dhaco (sida markuu ku dhaco qof guriga kula dagan): Tamiflu ayaa 10 maalmood la qaataa hal xabo maalintii quraacda kadib.




Dhakhtar la tasho




Hargab influwenzada wuu sii xumaan karaa kadibna wuxuu keeni karaa cuduro nolosha khatar galin kara, gaar ahaan dadka qaba cudurada sanbabada & neefta, wadnaha, kalyaha, beerka, neerfayaasha, ama uu hooseeyo difaaca jirkoodu, sonkorow, ama macaanka  haweenay uur leh, waayeel ka wayn 65 sano ama caruur ka yar 5 sano.




Dawooyinka kale:




Waxaa jira nooc hawo-mareenka lagu buufin karo (inhaler) oo loo isticmaalo haweenka uurka leh iyo dadka kalyaha ka jiran.




Tamiflu  Tamiflu 75mg kiniin 10 xabadood Tamiflu Tamiflu 75mg kiniin 20 xabo (laba jeer ama laba qof in ku filan)               




 Tamiflu: Tamiflu ayaa 5 maalmood la qaataa 2 jeer maalintii haddii uu markaa ku hayo. Haddiise aad ka hortag u qaadanaysid sida haddii uu ku dhaco qof guriga kula degan oo aad ka baqaysid inuu kuu soo gudbiyo; qaado hal kiniin maalintii 10 maalmood.




Diyaariye:ASKAR




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com

Wax Ka Barro Dalka Loogu Isticmaalka Badan Yahay Beedka


(GNA) Dalka philipiin oo kamid ah dalalka ku yaala qarada Aasiya ayaa waxaa uu noqday Dalka ay dadkiisa aad ay u isticmalaan cunista beedka, Digaaga kaas oo lashegay in ay malayiin dad ah ay cunaan.




Waxaana Qiyas la sameeyay lagu Ogaaday in dadka Reer philipiin ay beedka cunaan 60%,oo ubadan dadka dhalin yaradaa.




warbixinta ayaa sheegtay in ay dhaqaniyan ucunaan qaar ka mida dadka reer philipiin.




waxa kale oo ay sheegtay in ay ugu jecelyihiin  beedka marka uu sii dilaacayo oo uu isubadalayo diggaag in ay aad uxiiseeyaan.




 Baadhitankan ayaa Xusay in ay taasi ugu wacan tahay in ay aamin san yihiin cunista beedaka oo labadsadaa   ay u wanaag santahay ,dhanka Taranka oo ay qeyb kaqaadato.iyo bortiinka ugu badan inlaga helo.




Diyaariye: Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com

Coca Cola Oo Soo Saartay Heesta laga Lagu Furri Doono World Cup 2014:


(GNA) Shirkada Coca Cola ayaa maal galisay heesta ladoonayo in lagu furo ciyaaraha aduunka sanadka soo socda ka  dhicidoonta wadanka Brazil,




halka ciyaarihii aduunka ee sanadkii 2010 ka qabsoomay south Africa lagu siiyay heesta furitaanka fanaanka knaan ayaa Ciyaaraha aduunka ee sanadka soo socda sida ay shaacisay shariikada sameysa Coca Cola oo ah shariikada  aduunka ugu magac weyn Soobandhigtay hees




lamagac baxday The World is Ours” oo ah hees uu qaaday David Correy oo ah fanaan u dhashay dalka Mareykanka ayaa noqon doonto heesta lagu furayo amaba lagu aqoonsanaayo koobka adduunka ee sanadka 2014 ee lagu qaban doono Brazil.




David Correy ayaa rajeynaayo inay heestiisu noqon doonto mid ay la dhacaan taageerayaasha kubadda cagta sidoo kalena wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay malaayiin qofood oo ka kala yimi daafa caalamka hortooda inuu ku luuqeeyo  heestiisa.




Coca Cola oo maal gelisa Koobka adduunka ee FIFA ayaa ah shirkadda kaliya ee sameysa amaba doorato heesta World Cup-ka,




 sanadkii 2010 koobkii adduunka ee South Africa ayaa waxaa nasiib u yeeshay Knaan Warsame oo ah fanaan Somali-Canadian ah waxaana aad loola dhacay heestiisii Wavin Flag.




taas oo noqotay in mujtamac aduun weynuhu aad ay uyaqaanaan heestaa iyo knaan halka uu asal ka soo jeedo waxa la eegi doonaa in mujtamac caalamka mid ay heesta furitaanka ee la siiyay fanaanka da,yar David correy ay noqoto mid bulsha weynta caalamku ay dhagahoodu ka sii guuxdo iyo in lagu ilaabo furitaanka World-Cup-ka




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com




 

Hargeysa: Bilayska oo Xabsiga Dhigay Waddaad Taageeray Weerarka Westgate ee Nairobi, Al-shabaab-na amaanay!


Hargeysa(GNA)-Ciidamada Bilayska Somaliland ayaa Caawa Xabsiga Dhigay Sheekh Maxamuud C/laahi Geelle ah hoggaamiyaha Urur-diimeed la yidhaahdo Xisbullah oo sanadkii hore hargeysa lagaga dhawaaqay. Sheikh Geele ayaa laba maalmood ka hor mar uu warbaahinta ka hadlay Taageeray Weerarka dhawaan lagu qaaday Xarunta Westgate ee magaalada Nairobi, taasoo xaasaasiyad ka abuurtay Caalamka oo dhan. Cali Cumar Maxamuud oo sheegtay Afhayeenka Ururka Xisbillaah, ayaa Caawa warbaahinta u xaqiijiyay Xadhiga Sheikh Geelle, balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Hay’adaha dawlada oo la xidhiidha Kiiska lagu haysto iyo in cid kale lala qabtay. Sheikh Geele oo laba maalmood ka hor Warbaahinta ka hadlay ayaa soo dhaweeyey weerarkii dhimashada iyo dhaawaca badnaa ee dhawaan ay XarakadaAl-Shabaab ku qaaday dalka Kenya. Isagoo Al-Shabaab ku ammaanay tallaabadaasi ay ka qaadeen dawladda Kenya. Sidoo kale Sheekhu waxa uu si adag uga hadlay isla markaana uu uga hor-yimi Cashuurihii dhawaan golaha Wakiiladu ansixiyeen ee lagu kordhiyey Gaadiidka iyo Xoolaha. Dhanka kalena waxa uu bulshada Somaliland ku boorriyey in Shareecada Ilaahay la qaato oo la isku xukumo. Wadaadkan Caawa la taxaabay ayaa dhawr jeer oo hore ciidamadu xidheen, waxaana inta badan lagu bartilmaameesadaa Eedeymo adag oo uu dawlada warbaahinta u marayo, isagoo inta badan amaan u jeediya Ururka Islaamiga ah ee Alshabaab.




 




 Gobanimonews Hargeysa Office Email:
 




editor@gobanimonews.com

SL: Wasiirka kalluumaysiga oo Dadka Lacagta Haysta kula taliyay inay Maal-gashadaan Kalluumaysiga:


 Hargeysa(GNA)-Wasiirka WasaaraddaKalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax ayaa faahfaahin ka bixiyay Ujeedada safar ay Masuuliyiinta Wasaaradiisa oo uu hogaaminayay ku soo mareen Jiida Xeebaha Galbeedka Somaliland ee Lowyo Caddo ilaa Bulo-xaar. Cali Jaamac Faarax, ayaa sheegay in kormeerkaasi ahaa xogogaal u noqoshada Xaaladda Dhulka xeebaha ah iyo Tamarta dadka ku foogan Kalluumaysiga, waxaanu intaasi ku daray inaanu wali safarkaasi dhamaan ee ay halkaasi ka soo bilaabeen una sii gudbi doonaan dhinaca Bariga. “safarkaasi muu dhamaan , waxaanu ka soo bilownay Lawyo-caddo,Toqoshi baanu soo marnay,Saylacbaanu soo marnay, Ceel-gaal, Lughaya iyo ilaa Bulo-xaar ayaanu ku soo marnay, waxaanay ujeedadiisu ahayd inaanu wax ka ogaano heerka Kalluumaysiga iyo siday dadku uga faa’idaystaan, waxaanan kulamo la yeelanay dadka hawshaa ku foogan”ayuu yidhi Wasiirku mar uu maanta Waraysi siiyay Telefishanka Qaranka. Wasiir Cali Jaamac, ayaa intaasi ku daray “Runtii Dadkaa aanu la kulanay waxaanu ku boorinay inay ka faa’idaystaan khayraadka Badda, Bulo-xaar waxaanu kula kulanay shirkad Mashruuc wanaagsan halkaa ka wadda, waanan bogaadinaynaa Sharaa’iga noocaas ee Kheyraadka badda ku foogan, waxaanan Bulshada siiba dadka wax haystaa ay Maal-gashadaan Kalluumaysiga iyo ka faa’daysiga Kheyraadka Illaahay Waddankeena ku beeray”. Kormeerka Wasiirku kaga soo laabtay Xeebaha galbeedka waxa ku wehelinayay Saraakiisha sar-sare ee Wasaaradda oo uu ka mid yahay Agaasimaha Guud Maxamed Ilko-case, waxaanu qaatay muddo dhawr maalmood ah oo ay Jiidahaasi gaalaa-baxayeen.




Gobanimonews Hargeysa Office Email:




editor@gobanimonews.com

Ceerigaabo: Bilayska Sanaag oo Dhaawac ku qabtay Nin Shicib ah oo Maanta Toogasho ku dilay Askari Hawl-gal ku jiray


Ceerigaabo(GNA) Hal qof oo la sheegay inuu Bilayska gobolka Sanaag ka  tirsanaa ayaa la sheegay inuu  toogasho ku dilay  Nin Shicib ah oo Hay’adaha Amaanku raadinayeen. Deegaanka Ximan-gareen oo qiyaastii 20-km jahada bari kaga Beegan  xigta magaalada Ceerigaabo.




Dilka ayaa dhacay Xili Duhurnimadii Maanta ah, ka dib markii Ninka dilka geystay jidka u galay Kolanyo Ciidanka amniga ka tirsan oo isaga raadinayay, sida uu sheegay Badhasaabka Gobolka Sanaag oo warbaahinta uga waramay falkaasi.




 “Ninka boliisku doonayeen inay soo qabtaan ayaa dhexda u galay ciidanka waxana halkaas ku geeryoodey hal askari gacan ku-dhiiglihiina waa la qabtay”.




Axmed Muxumed Geele (Dacar) Badhasaab Gobolka Sanaag waxa uu intaasi ku daray “Ninkan waa laga soo dacwoodey waxayna bilayku u socdeen in ay meesha soo eegaan mana jirto cid dhaawacantay oo ilaa hadda taliyaha qaybtu ii sheegay”.




Dhinaca kale Saraakiisha amaanka ee Gobolka Sanaag, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Ciidanka Bilaysku gacanta ku soo dhigeen Gacan ku dhiiglaha Askariga dilay, kaasoo gelinkii dambe ee Maanta  isagoo dhaawac ah lagu qabtay hawl-gal Taliyaha qaybta Bilayska Gobolku hogaaminayay.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Ninkaasi Bilaysku u soo dhaadhiciyeen dhinaca Magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo oo lagu xidhay, iyadoo saarakiishu intaasi ku dareen in xaalada amaanka ee deegaankii uu dilka ku geystay Degenyahay.




Dhinaca kale Ciidamada amaanka ee Gobolka Sanaag, ayaa maalmahan si joogto ah u waday hawl-galo lagu sugayo amaanka Gobolka oo dhawaan Magaalo-madaxdiisa rabshado ka dhaceen.




Gobanimonews




Ceerigaabo Office




Email: editor@gobanimonews.com

In Ka Badan 30-Ruux Tahriibayaal ah Oo Raq Iyo Ruux Wali La layahay Xeebaha Australia.


(GNA) In ka badan 30 ruux oo kamid ahaa dadkii ay la quustay dooni ay saarnaayeen dad tahriibayaal ah kuna sii jeeday dalka Australia ayaa lagu soo waramaya in wali la la,yahay.




Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Australia ayaa maalintii labaad wali ku howlan raadinta dadkaasi wali ku maqan biyaha xeebaha dalkaasi.




Horay ayay ciidamada ilaalada xeebaha iyo kuwa gurmadka degdega ee dalka Australia waxay u soo heleen maydka 22 ruux oo kamid ahaa dadkii saarnaa doonida.




Dadka dhintay ee ay soo heleen ciidamada ayaa waxaa ku jiray todoba caruur ah sida ay xaqiijiyeen saraakiil amaan oo ka tirsan dowladda Indonesia.








 




 




 




 




Doonida ayaa la rumaysan yahay inay la socdeen dadka badan 70 ruux iyadoo qaar kamid ah dadkaasi nolol lagu soo helay halka walina tiro kamid ah ay ku maqan yihiin biyaha xeebaha dalka Australia.




Doonidan ayaa la sheegayaa inay ka shiraacatay xeebta koonfureed ee dalka Indonesia iyada oo waday dad tahriibayaal magan galyo doon ah kana kala yimid dalalka Lubnan iyo Yemen sida lagu sheegay war ka soo baxay dalka Indonesia.




Arrintani ayaa la sheegayaa inay dib u dhigi karto booqasho uu ku doonayay inuu ku tago dalka Indonesia Raisul wasaaraha cusub ee dalka Australia Tony Abbott isla markaasina uu ku doonayay inuu kala hadlo arrinta dadka tahriibayaasha ah ee ku qulqulaya dalkiisa madaxda dowladda Indonesia.




 




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobonimonews.com




 

Sunday, September 29, 2013

Jimciyada Gargaarka Kuwait Oo Ceel Biyood ka Qoday magaalada Boorama






BOORAME (GNA)-Jimciyada Gargaarka Kuwait ayaa maalintii shalay ahayd ku wareejisay Wasaarada Biyaha ee Gobolka Awdal ceel biyood ay ka dhistay degaanka Sheelaha ee degmada Boorama, waxana uu ceelkani ka kooban yahay taangi biyaha lagu kaydiyo, qolkii mishiinka la dhigayay, dar ay xoolahu ka cabaan iyo kiyoos ay dadku ka dhaansadaan.




Madashan ayaa waxa ka soo qayb galay saraakiil ajinabi ah oo ka socotay Jimciyada Gargaarka Kuwait, maamulka gobolka Awdal, madaxa Jimciyada Gargaarka Kuwait ee Somaliland Axmed Barkhad Good iyo masuuliyiinta shirkada SHABA.




Ugu horayn sarkaal ka socday Jimciyada Gargaarka Kuwait oo ajinabi ah ayaa waxa uu sheegay in ceelkan biyaha ah ee ay ka dhiseen degmada Boorama loogu talo galay inuu baahida dhinaca biyaha ah ee ka jirta Somaliland wax ka taro, waxana uu si gaar ah ugu mahad celiyay madaha Jimciyada Gargaarka Kuwait, oo uu sheegay inuu ka qayb qaatay dhismaha ceelkan.




Isuduwaha Wasaarada Biyaha ee gobolka Awdal Maxamed Cumar Dhimbiil Awliyo oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa u mahadnaqay Jimciyada Gargaarka Kuwait, oo ceelkan dhistay, waxana uu sheegay in xukuumadu ay ku faraxsan tahay in baahida biyaha ee jirta ay wax ka qabato iyada oo la kaashanaysa hayadaha ay gacan saarka leeyihiin, waxana uu intan daba dhigay in ceelkan ay ku wareejin doonaan SHABA oo ay ka rabaan inay daryeelaan ceelkan.




Badhasaab ku xigeenka Awdal Cabdi Nuur Sugaal oo isaguna ka hadlau halkaasi ayaa yidhi “Waxa aan Jimciyada Gargaarka Kuwait uga mahadcelinaynaa ceelkan ay noo qoday, iyo iyada oo wax ka qabatay baahidii ugu muhiimsanayd ee ahayd dhinaca biyaha oo aanay aadamuhu ka maarmin, waxana aan balan qaadaynaa inaan ilaalino oo aan daryeelno ceelkan la noo dhisay”




Cabdi Cabdilaahi oo ku hadalay magaca SHABA ayaa isaguna ka mahadnaqay ceelkan ay u qoday Jimciyada Gargaarka Kuwait, waxana uu carabka ku dhuftay in marka ceelkan lagu soo wareejiyo ay u guntan doonaan sidii loo ilaalin lahaa loogana dhawri lahaa dayca.




Jimciyada Gargaarka Kuwait ayaa labaatankii sano ee u dambaysay ka hawl galaysay Somaliland, waxana ay wax ka qabatay baahiyaha dhinacyada biyaha iyo caafimaadka ee Somaliland ka jirta iyada mudadaasi gacanta ku haysa cisbitaalka TB-da ee Hargaysa




Wariye Mustafe caraale




Caraale_143@hotmail.com




Borama office




 

Khaatumo: Wasiir Waran-cadde waxa uu Fulinayaa Riyadda Maamulka Xirsi ku-simaha Madaxweyne ka yahay, Maamul-na kuma fidin karo Buuhoodle”


Buuhoodle(GNA)-Afhayeen u hadlay Maamulka Khaatumo ee Buuhoodle, ayaa ka digay xiisad ka dhalata dhaqdhaqaaqyo somaliland ka waddo Deegaamada Buuhoodle, gaar ahaan Maamul fidin iyo Xoolo ay kala dhaceen Bulshooyinka Deegaamada Buuhoodle iyo Qorulugud oo ay Sheegtay in xal laga gaadhay.




Arintan ayaa daba socota hadal shalay ka soo yeedhay wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo sheegay inay dawladu ku guulaystay in Beelaha labada Deegaan u kala celiso Geelal dhawaan la kala dhacay, isla markaana Wasaaradda arrimaha guduhu hir-gelinayso qprshe maamul fidin ah oo Goboladda Bariga laga fulinayo.




Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Maamulka Khaatumo Maxamuud Sheikh Cumar Xasan, ayaa  laab la kac siyaasadeed ku tilmaamay qorshaha Wasiir Cali Warancadde sheegtay ee Maamul ku fidinta Gobolka Buuhoodle iyo Deegaamada kale ee Khaatumo ka arrimiso, isagoo dhinaca kalena  ku dooday inaanay macno badan samaynayn u kala celinta Geelasha la kala dhacay ee Bulshooyinka wada degen Gobolkaasi, iyadoo aan  Maslaxad nabad-gelyo la kala dhex dhigin Beelaha.




Maxamuud Sheikh Cumar Xasan, ayaa sheegay in Geelal loo kala celiyo Shacbiga Buuhoodle iyo Qorulugud, ay ka horayso xalinta dhibaatooyinkii ka dhashay  Colaadii Deegaamada kalshaale, Hagoogane, Maygaagle iyo Sool-joogto, isagoo waxaan dhacayn ku tilmaamay in Maamulka Somaliland lagu fidiyo Buuhoodle, balse Cali Waran-cadde ku riyooday arintaasi.




“Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland  Waran-cadde waxa uu sheegay inay ku guulaysteen in Beelaha buuhoodle iyo Qorulugud loo kala celiyo Geelal ay kala dhaceen iyo in Maamulka Somaliland lagu fidiyo Buuhoodle iyo Deegaamada kale ee Khaatumo, markaa horta marka hore iyadoo ay wanaagsantahay in wixii dhac ah ee Beelaha dhex mara la xaliyo oo loo kala celiyo, hadana waxaan leeyahay Waran-cadde meeshan Dagaaladii Kalshaalle, Maygaagle, hagooganeiyo Sool-joogto  colaadii ka dhacday, Dadbaa lagu laayay, qaarbaa lagu dhaawacay, Boqolaal qoysbaa ku agoomoobay, Baro kacbaa ka dhacay, Kufsi iyo dhibaatooyin kalaa ka dhacay, ilaa hadana wax laga wadda hadlay iyo meel lagu xaliyay toona ma jirto, walina way taaganyihiin, markaa Geel la dhacaybaanu celinay, wax macno ah oo ay samaynaysaa ma jirto, arintanina way kaa horaysay oo xilka waad ku cusubtahay ee haku dhex dhicin ayaan leeyahay”ayuu u sheegay Gobanimonews Maxamuud Sheikh.




Qorshaha Maamul fidinta ee Somaliland sheegtay ayuu sidoo kale ku tilmaamay Riyo “ Waran-cadde Maamulbuu ka tirsanyahay, xaggana maamulbaa ka jira, hadii la leeyahay labada Maamul haka wada hadleen dhibaatooyinkaa dhacay, waa arin, Beeluhu waa dad walaalo ah saacado kooban oo dagaal dhex maray kuma kala tegayaan, iminkana cidi ma dhex joogto, laakiinse ta uu leeyahay Maamulbaanu ku fidinaynaa Goboladda Bariga, waxaan leeyahay Somaliland haka baxdo Goboladda Khaatumo ee ay haysato”ayuu yidhi.




Agaasimaha Daakhiliga Maamulka  Khaatumo, waxa kale oo uu Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland ku dhaliilay in deg-deg siyaasadeed ku jiro, isla markaana uu ku goodiyayo inuu Waxqabad deg-deg ah ka dhigto faro-gelin uu ku sameeyo Deegaamada Barriga, taasoo uu uga digay,kula-na taliyay inaanu ku deg-degin arimahaasi “Wasiirku xilka wuxuu ku cusubyahay , waxaanu ku shaqaynayaa Siyaasadda Maamulka uu ku-simaha Madaxweyne ka yahay Ninka la yidhaahdo Xirsi, horena wuxuu uga mid ahaa wasiirradii fuliyay Isticmaarsiga Gobolka Sool, markaa waxaan kula talin lahaa inaanu ku sinbiririxan hawshan uu faraha la soo geliyo”.




Sarkaalkan u hadlay Khaatumo, ayaa intaasi raaciyay in wax lala yaabo ay tahay inay Somaliland Hindisto inay  mar kale doonayso inay qabsato Deegaamadii ay shacbiga ku Gumaaday, iyadoo aan wali waxba layska waydiin kuwii ku dhintay , dhaawicii iyo dhibaatooyinka kale ee ay Ciidamada Somaliland u geysteen “Colaadii deegaamadan ka dhacday waxay ahayd mid siyaasadeed, waxaanan ognahay inay Kalshaale Heshiisyo Shidaal ku soo gashay oo aanan wali sheegin, balse talaabadan cusub  uu sheegay waxaanu u aragnaa colaad hor leh abuuraysa ee hadii ay sidaa tahay waxaan leenahay dee iska keen horkeena awalba waad yeeli jirteene”ayuu yidhi isagoo Gobanimo u waramaya.




Hadalkan ka soo yeedhay Maxamuud Sheikh Cumar, ayaa ku soo beegmaya xili bilihii u dambeeyay Geelal la kala dhacay Xiisad ka dhex abuureen Beelihii sanadkii 2011-kii ku dagaalamay Deegaanka Kashaalle, oo aan ilaa hada Maslaxad lagu soo afjarayo colaadii dhex martay aan la kala dhex dhigin, isla markaana Khasaarihii kala gaadhay aan wali loogu kala xaajo qaadin.




Gobanimonews




Buuhoodle Office




Email: editor@gobanimonews.com




 

Dhalinyarada Da,doodu Udhaxayso 16 ilaa 25 jir Ee Sida Joogtada ah Udaawada TV-yada Oo La Ogaaday In Aynoqdaan Kuwa Ka Raaga Guurka.


(GNA) Daraasad cusub oo dhawaan ay sameeyeen culimo Jarmalka kasoo jeeda ayaa lagu qeexay in uu Telefishinku u keeno dhalinyarada ku milanta ee sida joogtada ah u daawata filimaanta iyo barnaamijyada kale.




Daraasadan ayaa daboolka ka qaaday in wiilasha iyo Hablaha da’da yar ee badsada ama si aan kala joogsi laheyn u daawada TV-ga in ay ugu danbeyn noqdaan kuwa ka raaga guurka, amaba aan xiiseyn sameysashada nolol qoys iyo mustaqbal.




Waxaana lagu sababeeyay arrintan dhalinyarada oo si weyn u qabatimada TV-ga una arka in uu yahay wax aaney ka maarmi karin, hadii ay guursadaana laga yaabo in ay fursad waafi ah u waayaan daawashada TV-ga maadaama qof cusub ay nolosha la wadaagayaan lagana yaabo in uu qofkaasi aanu jecleyn in laga mashquulo.




Sidoo kale arrinta muhiimka ah ayaa lagu tilmaamay in dhalinyarta TV-ga qabatintay aaney maskaxdoodu si qota dheer u fikirin, oo kaliya ay ka fikiraan nolol maalmeedkooda iyo jadwalka barnaamijyada Telefishinka uu siideyndoono .




Cod bixin dhalinyaro 5000 ka badan ayaa 60% noqdeen ragga kuwa ka raaga  guurka sababo ah TV-ga, oo uu ka dhigtay  saaxiib kiisa 1aad TV, halka ragga qaar guurka uu uga dib dhaco arrimo dhaqaale iyo sababo iyaga u gaar.




Dadka xiiseeya TV-ga ayaa noqday kuwo aan u arkin guurka wax muhiim ah, warbixinta ayaa sheegtay in ay adagtahay fursada uu ninka ragga ah ku baran karo ama uu kula haasawikaro  gabadh mar hadii uu waqtigiisa badan ku qaatay qolkiisa dhexdiisa, sidoo kalena hablaha ayaa iyaguna arintaan kala siman wiilasha.




warbixintu waxa ay intaa ku dartay in hadii ay yeeshaan dadka sifahaale guri ama reer ay noqdaan dad aan la qabsan noloshan taa oo ay micne uga dhegeen. qofkan waxa uu ku soo barbaaray in kalidii uu daawado tv-ga markaa waxa uu noqonayaa qof ay noloshiisan cusub la qabsan kari waayo taas oo ay sababto in uu ka burburo  reerkii.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com

Baadi goobka dadkii ku xanibnaa dhismihii ku burburay dalka India oo la soo gabagabeeyay


(GNA) Wararka ka imaanaya dalka India ayaa sheegaya in howlgalkii ay kooxaha gurmadka degdega ahi ku soo samatabixinayeen dadkii ku xanibnaa burburka dhismihii Jimcihii ku burburay magalaada ganacsiga India ee Mumbai ay soo gabagabeeyeen.




Saraakiisha kooxaha gurmadka degdega  ayaa sheegay in tira koob ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 60 ruux ay ku dhinteen dhismahaasi burburay.




Kooxaha ayaa sidoo kale sheegay in qaar kamid ah maydka dadkaasi ay ka soo saareen burburka dhismahaasi oo ka koobnaa afar dabaq kuna yaalay bariga magaalada Mumbai.




Saraakiisha caafimaadka dalka India ayaa iyaguna sheegay in kooxaha gurmadku ay burburka dhismahaasi ka soo saareen 33 ruux oo nool.








 




 




 




 




 




Sarkaalka ugu sareeya ciidamada waaxda ka jawaabida masiibooyinka dalka India Alok Awasthi ayaa sheegay in dhamaan dadkii ku hoos jiray dhismaha burburay tira koobkoodii la soo gabagabeeyay isla markaasina hawlgalkii baadi goobkada la soo afjaray.




Dhismahaasi ayaa guryo deegaan ah u ahaa in ka badan 20 qays oo shaqaale u ahaa waaxda iskaashiga dowladda hoose ee Mumabi.




Intii u dhaxaysay bilooyinkii April iyo June ee sanadkan ayaa in ka badan 100 ruux waxay ku dhimatay ilaa iyo shan dhisme oo ku burburay magaalada ganacsiga dalka India ee Mumbai halkaasi oo la sheegay in qaabka dhismaha guryaha uu aad u liito.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com




 

Sirdoonka ingiriiska oo raadinaya 60 Shabaab ah oo ingiriiska ku sugan,


(GNA) Sirdoonka dalka Biriten MI5 ayaa sheegay in gudaha waddankasi ay ka baadi gobayaan ku dhawad 60-qof oo Soomaali ah kuwasi oo xidhiidh dhow la leh kooxda Al-shabab.
Saraakil u hadashay wasarada arimaha dibada dalka Biriten ayaa shegay iyaga oo warbahinta la hadlay in ay jiraan liis cusub ay sirdoonka soo saren oo ay ku sheegayaan tiro Soomalia jihad doon ah oo shirqoolo ku maleegaya gudaha wadankasi.
MI5 waxa ay shegtay in hore liiska ay ugu jireen 40-qof oo Soomaali ah balse hada lagu soo biiriyay 20-kale. Baadi goobka shaqsiyaadkasi ayay tilmaamen inuu ka soconayo gudaha wadanka Biriten.
Dowlada wadanka Biriten waxa ay ka walac san tahay muwadinin kasoo jeda wadankasi oo xarakada Al-shabab ka bar bar dagalaya.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4hotmail.com




Gobanimonews.com




 

Dhagayso: Madaxweyne Siilaanyo Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey arday ka qalinjabisay Jaamacada Hargeysa.


Madaxweyne Siilaanyo Oo ka qayb galay qalin jabintii Hargeysa

Dhagayso: Odoroska Miisaaniyada 2014-ka Oo la horkeenay Golaha Wakiilada






[audio mp3="http://gobanimonews.com/wp-content/uploads/miisaaniyada-sanadka-2014-ee-golaha-la-horkeenay.mp3"][/audio]

Garyaqaan Muuse “Xubnaha loo Doortey Golayaashana Deegaanku Kuma Biiri Karaan Xisbi Kale sida uu dhigayo Xeer lr 14”.Akhri Sharci


Waxaa jira xeerar iyo shuruuc aynu samaysanay qaran ahaana aynu ku dabaqno qaabka adeegsiga sharci ee markaas jira iyo sida loo raacayo, oo ay qaranka cidi masuul uga tahay, Hadaba Waxaa La Gudboon Gudida Diwaan galinta iyo ansixinta Asxaabta Somaliland Inay Ka Hadlaan oo Go'aanka ugu haboon ee sharci ay ka qaadan xubnaha Golaha Deeganka ee Berbera oo Laba kamid ah oo midkood yahay gudoomiyihii Golahaasi ayku dhawaaqeen inay xusbiyadii Ay Xildhibaanimada deeganka Ka soo Galeen ka Digarogteen iyagoo u digarogtay xusbul xaakimka Kulmiye Maadama oo ay ku Gafeen Xeerka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada




oo aan u Ogolayn Xubnaha Golayaasha Deeganada ee Xusbigii Ayka Soo Galeen Xubinimada Deeganka Aanay Ka Bixi Karin Wixii Ka Horeeya 6da Bilood ee Ugu Danbeeya Mudo Xileedkooda Moyaane Sida ku Cad




{Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2000/2011 Xeer No.14}  




 




Qodobka 11aad:




Musharixiinta u Tartamaysa Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo deegaanka 




4) Mar kasta oo la furayo tartanka ururada siyaasada ee G/Degaanka lix bilood ka hor, muddanaha ka tirsan Golaha Wakiilada ama Golayaasha Degaanka waxaa u bannan inuu furan karo Urur siyaasaded oo cusub ama uu ku biiri karo urur/xisbi siyaasadeed ee uu doono.




 




Waxay Markii Hore ee aan xeerka wax Ka Bedalka lagu samayn ay ahayd sidan




 




Qodobka 4aad




9)  Ururka siyaasadeedka loo ansixiyo xisbi, kuma biiri karo Xisbi kale doorashada ka hor, sidoo kale waa iney xeerkiisa ku caddaataa inaan laga saari Karin/eryi Karin xisbiga xubin ama xubno loo doortey Golayaasha sharciga ah, xubnaha loo doortey golayaashana aanay ku biiri Karin xisbi kale.




 




Markale Hadii aad eegtid Isla xeerkan Waxa Lagu Cayimay Mudada Ay Xisbi ku Galayaan Xubnaha Golayaasha Deeganka ee Urur/Xisbigii Ayka Soo Galeen Golaha uu Ku Hadhay Tartankii Doorashadii Golayaasha Degaanka




 




Qodobka 24aad: Xisbiga Dhaca ama UrurkaU Gudbi Waaya Xisbi




1. Xisbi kasta/Urur oo ku guulaysan waaya doorashada Golayaasha deegaanka waxay ku biirayaan iyaga iyo Xubnahooda golayaasha deegaanka ee ay ka helaan degmooyinka dalka saddexda xisbi qaran ee soo baxay kay doonaan, waxayna qoraal ahaan ugu gubinayaan Gudidda Diiwaangalinta mudo aan ka badnayn hal bil (30 maalmood).




 




Hadaba Waxaa Ayaan daro ah In Aan La Ixtiraamin ama aan lagu dhaqmin xeerarka iyo shuruucda dalka.




Gudida Diwaan galinta ururada Ayaa Marar hore Uga hadlay Talaaboyin ayqaaden xusbiyada Mucaaridka ahi Siiba xusbiga UCID, Iyagoo aan haynin wax ay u cuskadaan oo sharci ah. Balse Waxa Aynu eegi tan oo ah mid xeerka ay ku shaqeeyan Ku Cad Sida ay Uga Ficil Celiyaan ama Ay Uga Go'aan qaatan, Iyadoo uu Xiligoodi shaqo uga hadhay wax ka yarTodobaad




 




Qalinka:- Garyaqaan Muuse Yuusuf




 

SL: Xukuumadda oo Bilowday qaadista Cashuurta dheeraadka ah ee Xoola Nool oo sanadka 4 Milyan oo Neef ka Dhoofayaan Dekedda Berbera


Berbera(GNA)-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw-daahir Cabdi, ayaa sheegay inay Dekedda Magaalada Berbera sanadkan ka dhoofayaan xoolihii ugu tirada badanaa oo gaadhay ilaa 4 Milyan (4000,000) oo Neef oo isugu jira noocdayada xoolaha nool ee dibadda loo dhoofiyo.




Nooca ugu badan ee Xoolahan ayaa ah Adhi, maadaama lagu jiro wakhtigii Moosinka Xajka ee Suuqyada Sucuudiga Xoolaha loo dhoofin jiray, isla markaana Ganacsatada adhiga dhoofisaa aad uga faa’idaystaan.




Dekedda Berbera ayaa mashquul badan ku jirta Maalmahan, sida ay sheegtay warbaahinta dawladu, waxaana laga raray xoolo aad u tiro badan oo loo dhoofinayo waddanka Sucuudiga oo ah laf-dhabarta Sayladaha Carabta ee Xoolaha Somaliland.




Wasiir Cabdi Aw-daahir Cali, ayaa Ganacsatada xoolaha dhoofinaysa ugu baaqay inay  ka qayb-qaataan horumarinta Waddooyinka dalka oo dhawaan Xeer Takiilfeed laga soo saaray Xoolaha nool loogu daray Cashuurro ka baxsan tii hore looga qaadi jiray “Ganacsatada waxaan leeyahay ka qayb-qaata horumarinta waddankiina oo iska bixiya Kharashka yar ee xoolaha la saaray”ayuu yidhi Wasiirku.




Maalintii shalay ayay ahayd markii xubno ka mid ah Ganacsatada xoolaha dhoofisaa Magaalada Burco oo ay ku taalo Saylada ugu weyn ee Geeska afrika ay shir-jaraa’id oo ay ku qabteen ku sheegeen inaanay bixin Karin Cashuurtaasi  dheeraadka ah ee lagu soo rogay.




Laakiinse cabashadooda ayaa ku soo beegantay xili xukuumaddu dhaqan-gelisay Xeerka Takaaliifta waddooyinka, isla markaana Dekedda ka bilowday qaadista Cashuurtaasi oo Neefka Adhiga ah laga qaadayo $0.50 Dollar, Geelana $2 Dollar, Lo’dana $1.5 Dollar, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiisha Laamaha Cashuurta ee Dekeddaasi.




Lacagaha lagu soo rogay Xoolaha dhoofaya  ayaa la sheegay inay Wasaaradda Maaliyaddu qabanayso, taasoo ku shubaysa Dakhliga ka soo xeroodda  Buug-xisaabaad gaar ah (Acounts),oo ay Wasaaradda madaxtooyadu leedahay “haa Lacagtaa waa la bilaabay, waxaana qaadaysa Maaliyadda oo ku shubaysa accounts gaar ah oo loo sameeyay” sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Saraakiisha Dekedda Berbera.




Si kastaba ha ahaatee, bilowga qaadista lacagtan ayaa meesha ka saaraysa jiritaanka rejo laga qabo inay xukuumaddu dheg u jalaq siiso cid kasta oo ka soo horjeeda, lacagaha lagu jideeyay Xeerkaasi .




Gobanimonews




Berbera Office




Email: editor@gobanimonews.com  

Telefishanka caanka ah TV-CBC ee dalka Kanada yaa barnaamish ka diyaariyey laba wiil aad u da yar oo xukuumadda Somaliland mid 10 sano oo xadhiga ku xukuntay mar ay dalxiis u tageen magaalaga Hargeisa


29.09.2013 (GNA), -Toronto telefishanka ugu caansan dalkan kanada ee CBC, yaa so bandhigaya sawirada laba wiil oo haysta dhalasha kanadiaanka asal ahaana kasoo jeeda Somali, oo dhawaan xukuumadda Somalilaan ay jirdil iyo xukun degdega ku ridaya oo mid 10 sano oo xadhig ah waa sida TV- CBC uu sheegay ee dalkan Kanada.




 




Halakn Guji full history





Xuseen M. Bisad Oo Sheegay Inuu Mayarka Berbera C/shakuur Ciddin Ku Wacad Furay Bulshadii Reer Berbera Ee Soo Doortay


London, (GNA)-Xuseen Maxamed Bisad oo ah ninka Labaad ee ugu dheer Aduunka kana tirsan xisbiga UCID, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay. maayarka Berbera C/shakuur Ciddin in uu ku biiraan xisbiga Kulmiye, waxaa tilmaamay inuu ku wacad furay taageerayaashii xisbiga UCID ee sida xooga iyo xaamasada lahayd xiligii doorashadii ugu soo baxay ee maalkooda iyo dhiigooda ku bixiyay suurtagalna ahayn codkoodii manta ku biiriyo xisbiga Kulmiye.


20 Soomaali ah oo lagu xidhay Magaalada Kampala


(GNA) Wararka ka imaanaya magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa sheegaya in ku dhowaad 20 qof oo Soomaali ah lagu xidhay halkaas labadii casho ee la soo dhaafay.




 Cabdinuur Axmed Xalane oo xubin ka ah guddiga jaalliyadda Soomaalida ee dalka Uganda ayaa sheegay in dadkaas lugu soo qabtay howlgallo ay sameeyeen ciidamada ammaanka ee dalkaas, waxaana lagu eedeeyay inay dalka ku joogaan sharci-darro.




cabdinuur ayaa tilmaamay in ay dowladda kala hadleen sii deynta dadkaas oo laga yaabo inay mutaystaan ganaax lacageed, wuxuuna Soomaalida Uganda u soo jeediyay inay qaataan sharciyadooda, ay na la shaqeeyaan ciidamada sugaya ammaanka.




Ciidamada Uganda ayaa la galiyay heegan, wixii ka dambeeyay weerarkii dhowaan lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi, iyad a oo dadka shisheeyaha ah ay dowladda ku wargelisay inay qaataan sharciyada ay ku joogaan dalka.




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com

Saturday, September 28, 2013

AXkaamta Zakada


(GNA)1= Kitaabu Zakaat,
2= Hordhac
3= Zakada oo ladiido xukumkeeda,
4= Yaa zakadu kuwaajibtey,
5= Shuruuda nisaabka(ama zaka goyska)
6= Maalka zakada lagadhiibaa waa laba qaybood,
7= Zakada maalka ilmaha yar ,
8= Qofka deynka qaba,
9= Qofkii dhintay asagoo laguleeyahay zako,
10= Shardiga niyada zakada marka labixinayo,
11= Zakada gudashadeedu waa waqtiga ay waajibto,
12= Qofka zakada bixinaya oo looduceeyo,
Qaybta 2aad
13= Xoolaha zakadu kawaajibayso,
14= Zakada Dahabka iyo Fiddada ,
15= Nisaab ama zakagoyska dahabka iyo qaddarka kawaajibaya ,
16= Dahab iyo fido malaysu geyn karaa?
17= Zakada maalka deynta kumaqan,
18= Haweentu waxay isku qurxiso oo dahabka iyo fiddada ah,
19= Zakada meherka haweenka,
20= Zakada ijaarka guryaha,
21= Zakada ganacsiga ,
22= Goormay noqotaa hantidu ganacsi ama tijaaro ,
Qaybta 3aad
23= Zakada beeraha iyo waajib nimadeed,
24= Noocyada lagaqadi jirey zakada waqtigii rasuulka,
25= Noocyada anlaga qaadi jirin zako,
26= Nisaabka zakada miraha,
27= Malasii cuni karaa miraha beerta intaanay soogo’ in beertu,
28= Mirihii oo laysu geeyo noocyadoodii
29= In lagubixiyo zakada wax wanaagsan,
30= Malabka zako malaga rabaa ?
Qaybta 4aad
31= Zakada Xoolaha Nool,
32= Zakada Geela,
33= Zakada Lo,da,
34= Zakada Ariga,
35= Xoolaha oo lakalasaaro,ama lakulmiyo,
Qaybta 5aad
36= Zakada Rikaaska ,
37= Rikaaska waajibnimada zakada lagu xiray sifadiisa,
38= Rikaaska waxa kawaajibaya ,
39= Cida khumusku kuwaajibayo,
40= Xagee lagubixinayaa ama yaalasii nayaa khumuska,
41= Waxa baddakasoo baxa zakadiisa,
42= Maalka faa iidada ah zakadiisa,
43= Zakadu inay kuwaajibeyso qofka naftiisa ,
44= Maalka oo dhamaada markay zakadu waajibtey kadib,
45= Zakadii oo dayacantay markii lasoocay,
46= Malabixin karaa qiimo udhigma hadii lawaayo noocii zakada,
47= Zakada maalka lawadaago,
48= Zakadoo laga cararo xukunkeeda,
Qaybta 6aad
49= Cidda Zakada lasiinayo,
50= (1-2) Fuqarada iyo masaakiinta,
51= Qiyaasta lagasiinayo miskiinka zakada,
52= Mulkiilaha anheli karin wax kufilan baahidiisa,
53= (3 )---Dadka zakada kashaqeeya (caamiliin)
54= (4)----kuwa quluub tooda lasoo dumayo,(mu alafatulquluub)
55= (5)----Adoomaha xorayntooda,(wafiriqaabi)
56= (6)---kuwa deymoobey (Alqaarimuuna)
Qaybta 7aad
57= (7)-- Jidka Alle (Fii sabiilillaahi)
58= (8)---Musaafirka (Ibnu sabiil)
59= Zakada oo loo qaybiyo dhamaan cida mutaysatay ama qaar kamida
60= Dadka zakadu xaaraam katahay,
61= Qofka maalqabeenkaa maku badbaadi karaa dhiibid zakada ?
la soco
qoraalkii muuse fralaab

Hogaamiyaha Kooxda Al-shabaab oo Fariintii ugu Cuslayd u diray Shacbiga iyo Dawladda Kennya






 




Hogaamiyaha Kooxda Al-shabaab oo Fariintii ugu  Culus u diray Shacbiga iyo Dawladda Kennya




“Hada Waxa Aan U Sheegayaa Dadka Iyo Dawladda Reer Kennya Inay Laba Kala Doortaan,Inay Ciidamadooda Somalia Kala Baxaan Iyo Inay U Diyaar Garoobaan…….“Gudd,Al-Shabaab (In-Godane)




 




Hogaamiyaha Kooxda Al-Shabaab, Mukhtaar Abdirahman Abu Zubeyr ayaa markii ugu horeysay si toos ah dadwaynaha reer Kenny  iyo dawladdooda Fariin Weerarkii Westgate ka dib ugu soo diray.




Horjoogaha AL-Shabaab  Axmed Cabdi (Godane) ayaa fariintan iskugu jirta hanjabaada iyo waanada ugu sheegay in aanay dadka reer Keenya qaadi Karin weeraro la mid ah kii Westgate ama kabasii culus oo ay ku waayi karaan danahooda,dhaqaalahooda iyo Wiilashoodaba sidaasi darteed loo baahan yahay inay ku qasbaan inay dawladdii ay doorteen ee Cashuurtooda Mashuhaarka u siisa ay Ciida Somaaliyeed kala baxaan hadii kale Weerarada Kooxda Al-shabaab ay ka cuslayndoonto koo Westgate ee u danbeeyay.




 




Guddoomiye Axmed Godane oo ugu horeyn sababaynaaya weerarka ay kooxdiisu ku qaaday Keenya guul taariikhi ahna  ku tilmaamay weerarkaasi waxa uu yidhi“Toban Cisho ka dib markii ay u dabaal degeen 12-kii  Weerarkii 11/9/2001  ee Mujaahidiinta Muslimka ahi ku qaadeen Maraykanka,waxa weerar ay mujaahidiintu ku xardheen dhiigooda oo ay ku aarsanayaan iyagoo dadkooda metelaya kaas oo taariikhda ku xusan ay ku qaadeen Nairobi,waxanay Mujaahidiintu tuseen tamardarada Kennya ay leedahay iyago Mujaahidiintu arintan kaga jawaabaya dagaalka ay Gaaladda iyo dawladda Kennya ku qaadeen Ciida umadda Muslimka ah iyo Xasuuqa ay Ciidamadda Kennya ka geysteen gudaha Somalia ee ay dadka tamarta daran ee masaakiinta ah u gaysteen”




Horjoogaha ururka Al-Shabaab, Mukhtaar Abdirahman Abu Zubeyr oo hadalkiisa sii wata ayaa reer Kennya laba kala dooran siiyay waxanu yidhi “Hada waxa aan u sheegayaa dadka iyo dawladda reer Kennya inay laba kala doortaan ta hore waa inay Ciidamadooda ka jooga Somalia ay kala baxaan iyo ta labaad oo ah inay u diyaar garoobaan Weeraro ka culus kana daran kii hada ay ku qaadeen Mujaahidiinta Al-Shabaab Westgate waxana hubaal ah in ay Kennya wixii imika ka danbeeya u diyaar garowdo Dhaqaale burbur iyo Barakac dalkooda iyo dadkooda aanu gaadhsiindoono”




Mutaar Abdiraxmaan Abu Zubeyr oo dadka reer Kennya si gaar ah ula hadlaayay waxa uu yidhi “Waxa aad qaybka tihiin dagaal aana loo baahnayn in aad qaybka ahaataan,waa dagaal aad ku waayaysaan  danahiina aad ku waayaysaan dhaqaalahiina aad ku waayaysaan Wiilashiina,waxa Xasuuqa iyo gumaadka aan loo meeldayaynin noo gaysta Ciidamadiina,waxaanad ogaataan in aad idinku doorateen Siyaasiyiinta ,waxa aad tihiin kuwa iyagu  Ciidamadda UHURA ah Muslimiinta Kismaayo  iyo qaybo kale Xasuuqa ka wada waxa aad taageertaan go’aamadda ay dagaalka ku galaan idinka ayaa ku taageersan,waxana aan huba in dalkiina Kennya aanu awood u lahayn dagaal daba dheeraada oo uu nala galo waan idin kala talinayaa”




Wariye Mr Hudle




Shabachudle@gmail.com




Gobanimonews@gmail.com/Hargeysa office/Somaliland

Deegaan Ka Tirsan Degmada Lughaya Ee Gobalka Awdal oo Cabasho Waxbarasho La?aan Ah Ka Imaaneyso


Degaanka Riiga Kalawle waxa uu ka tirsan yahay degmada Lughaya waxana uu wax ka yar 18km u jiraan xarunta degmada ee Magaalda Lughaya, degaankan waxa ku nool caruur aad u tiro badan oo baahi u qabta waxbarasho dhamaystiran, sidaas oo ay tahay hadana kaabayaasha waxbarashada ee degaankaasi waxa ay yihiin kuwo gabi ahaanba baaba? ah.




Degaanka waxa ka jira dugsi hoose oo ay dhigato caruur aad u badan, waxana dugsiga degaankaasi uu ka samaysan yahay caws, qoryo iyo laamo laga soo gooyay geedka loo yaqaan MOROH-da kuwaas oo aanan celinayn cadceeda iyo dabaysha waqtiga gagaaga ah ka dhacaysa Lughaya.




Xildhibaan ka mid ah xildhibaanada Lughaya oo laga soo doortay degaanka riiga Kalawle Cilmi Faarax Sugaal ayaa ka waramay in baahida waxbarasho ee degaanka taaalaa ay aad u badan tahay waxana uu yidhi ?Waxa aan waalidku marka ay doonayaan inay arday keenaan dugsiga shuruud uga dhiganaa inay soo goostaan laamaha geedka Morohda, si aan dugsiga ugu sii dhisno, waxa aan aad uga xunahay in degaano badan oo ay xukuumadu ka dhistay dugsiyo aanay ku jirin degaankan, waxa noo muuqata in la dayacay degaankan, balse waxaan xukuumada iyo hayadaha deeqaha bixiya ka codsanaynaa inay noo dhisaan dugsiyo waxbarasho?




Macalimiinta wax ka dhigta dugsiyadan ayaa waxa ay tihiin kuwo aanan qaadan wax mushahar ah, waxana ay dalbadeen in la siiyo mushahar oo ay xukuumadu ku baraarugto baahida waxbarasho ee taala degaankaasi.




Sidoo kale Sul. Abshir Maxamed Ducaale oo ka hadalay arintan ayaa yidhi ?Waxa aan marar badan maqalnaa in la leeyahay dugsiyada aada, fariintani waxa aan u malaynayaa in loogu talo galay dhulka magaalooyinka ah oo kaliya, halkani waa baadiye, mana haystaan caruurtani dugsi ay wax ku dhigtaan, waxana aan qurbo jooga iyo xukuumadaba ka dalbanaynaa inay dugsigan soo dhisaan?




Si kastaba ha ahaatee hadii waxbarashadu ahayd xaq iyo xuquuq aasaasi ah oo ay caruurtu leedahay, hadana caruurta degaankan Riiga Kalawle ee Lughaya waxa ay dareen san yihiin in la dayacay oo aanay dadka degaanka ee qurbaha ku nooli u hagar bixin, sidoo kalena ay marar badan xukuumada oo sheegata inay wax ka qabatay baahida waxbarashada uu hadalkaasi yahay mid ku kooban magaalooyinka isla markaana aanan soo gaadhin degaanka Riiga iyo degaano kale oo la mid ah




Wariye Mustafe caraale




Caraale_143@hotmail.com




Borama office

Human Rights Watch oo Kenya uga Digtay Dhibaatooyin ka dhan ah Dadka Somalida ah oo cabsi amaan soo foodsaartay


Nairobi(GNA)-Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa uga digtay dowladda Kenya inay dhibaato u geystaan shacabka Soomaaliyeed  ee ku dhaqan dalkeeda,kaasoo lagaga aar-gudanayo  weerarkii Kooxda Alshabaab ka fulisay  Xarunta Ganacsiga ee Westgate.




Soomaalida ku dhaqan xaafada Islii oo ah halka ganacsiga ugu ballaaran ku leeyihiin gudaha Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa la soo dersay cabsi iyo wal wal la xidhiidha in la bartilmaameedsado, isla markaana saameyn ay ku yeelato  weerarkii Westgate lagu qaaday.




 
HRW ayaa ka hadashay sheegashada Al-Shabaab ee weerarkii Westgate oo ay ku dhinteen dad ka badan lixdan ruux sida dawladu sheegtay ,waxaanay tibaaxday  in laga yaabo in siyaasiyiinta iyo shacabka Kenya ay sameeyaan aargoosi ku wajahan Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi.




Bayaan ay Hay’addu soo saartay waxay ku sheegtay wax  walba laga fili karo shacab Kenya oo ay dhibaateeyaan Soomaalida ku dhaqan dalkaas sidii dhacday sanadkii 2012kii oo ay dad ka caraysnaa weerar lagu qaaday gudaha dalka Kenya ay weeraro iyo dhac u gaysteen goobo ganacsi oo ku yaala xaafada Islii ee magaalada Nairobi.




Human Rights Watch ayaa dowladda Kenya ka codsatay uguna Baaqday in ay la hadasho Siyaasiyiinta dalkaas waxayna Hay’adu sheegtay inay siyaasiyiintu jeedin karaan hadalo kicin kara Shacabka reer Kenya, ayna markaas ka dib dhici  karaan Rabshado ku baaha dhamaan dalka Kenya.




Sabtidii todobaadkii hore ayay ahayd markii weerarka lagu qaaday dhismaha Westgate oo xudun dhaqaale u ahaa waddanka Kenya, waxaana halkaasi in ka badan shan maalmood dagaal ku dhex marayay Dagaalyahano Al-shabaab sheegatay iyo Ciidamada Kenya oo gacan ka helaya Ciidamo shisheeye ah .




Weerarka westgate ayaa dhirbaaxo xanuun kulul ku noqday dawlada Nairobi iyo gabi ahaanba duwalka Caalamka eek u foogan la dagaalanka waxa ay ugu yeedheen Argagixisadda.




Somalida ayaa ah qoomiyaddaha ugu badan eek u nool dalka Kenya ee waddamada Jaarka ah ka soo jeedda, waxaana xeryaha qaxoontiga ee dalkaasi ku jiraa Boqolaal kun oo ka cararay Colaadii ka aloosnayd somaliya 22 sanadood.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com

Nabad-sugida Somaliya oo Madaarka Muqdisho ku qabtay 12 Nin oo Dibadaha uga yimi inay Kooxda Al-shabaab ku Biiraan, kuwo kalena raadinaya


Muqdisho(GNA)-Ciidamada Nabadda Sugida ee Somaliya ayaa la sheegay inay shalay Madaarka Magaalada Muqdisho ku qabteen ilaa 12 Dhalinyaro ah oo ka yimi Debedaha oo doonayay inay ku biiraan Xarakadda Al-shabaab.



Sida ay Gobanimonews ku heshay xogo hoose dhalinyaradan oo isugu jira Somali, Carab iyo ajaanib kale, ayaa qorshoodu ahaa inay Muqdisho u sii dhaafaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay doonayeen sida la sheegay inay weeraro la mid ah kii westgate lagu qaaday ka fuliyaan.



Hay’addaha amaanka ee Muqdisho ayaa la tilmaamay inay warka ku saabsan Kooxdaasi ka heleen qaar ka mid ah Waalidiinta Ragaasi dhalay oo dibada ka soo hadlay, ka dib markii ay waayeen xubno ka mid ah Wiilashan dibada ka yimi ee Al-shabaab ku biiri rabay.



Ma cadda ilaa hada meesha lagu xidhay, in sii daayay iyo waxa laga yeelayo kooxdaasi oo wararka qaar sheegayaan inay tiradoodu intaasii badnayd markii ay dibada ka yimaadeen, wax war ahina kama soo bixin laamaha amaanka somaliya, balse warku wuxuu intaasi ku darayaa in la raadinayo kuwo kale oo ka mid ahaa ragaasi.



Cabsida laga qabo dagaalyahanada Ururka Alshabaab , ayaa  isa soo tarayay tan iyo markii ay weerarka fajicisada abuuray ka fuliyeen dhismaha Ganacsiyeedka Westgate ee Magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku dileen in ka badan 100 qof, boqolaal kalena dhaawacyo ka soo gaadheen, ka dib markii Sabtidii todobaadkii hore ay gudaha u galeen Koox hubaysan oo ururka Al-shabaab ka tirsani.



 Gobanimonews



Muqdisho Office



Email: editor@gobanimonews.com

SOM: Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka oo Khilaaf ka dhex qarxay iyo Qoraalo ay isdhaafsadeen oo Cadho dhaliyay


Muqdisho(GNA)-Khilaaf ayaa la sheegay inuu ka dhex qarxay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Dalka Prof,  Axmed Cismaan Jawaari, kaasoo ka dhashay Heshiiskii dawlada Federaalka ah iyo Jubaland dhexmaray bishii hore.




27 Bishii Agoosto ee Sannadkan ayaa Magaaladda Adis-Abab waxa Heshiis ku kala Saxiixdey Maamulkii Axmed Madoobe iyo Dowladda Fedeeraalka taasoo Dowladu Sheegtey in lagu soo Afjareyo Colaad Muddo ka taagneyd Magaaladda Kismaayo,kaasoo ay ay ka hor yimaadeen inta badan Beelaha Degga Gobolada Jubooyinka oo Sheegey in Heshiiskaas uu ahaa mid aan lagala tashan Dadka Deegaanka, waxaana diidmada hormuud u ahaa Beelaha Digil iyo Mirifle oo Odoyaashoodu oo  Sheegeen in Dowlada ay Heshiis kula gashey Deegaan ay leeyihiin Beelaha Digil iyo Mirifle.




Diidmadaasi ka sekow Odayaasha Beelaha Digil iyo Mirifle waxa kulan ay si Deg Deg ah isugu yimaadeen oo ka dhacay Magaaladda Baydhabo ku sheegeen in ay Kalsoonidii kala laabteen Dowladda Federaalka, iyagoo Xildhibaanadda iyo Wasiirrada Beelaha dawlada kaga jirana  u soo jeediyey in ay Deg Deg u yimaadaan Magaalada Baydhabo si looga arrinsado Heshiiskii ay wada gaareen Dowlaada Federaalka iyo Maamulka Axmed Madoobe, oo ay u arkaan in Xaquuqa ay lahaayeen lagu Duusiiyey,iyagoo Magaaladda Baydhabo lagu qabtey Banaanbax Looga soo horjeedo Heshiiskii Magaaladda Adis-Ababa.




Codsiga Odoyaasha Beelahaasi waxa u Hogaansamey inta badan Xildhibaanadii iyo Wasiiradii Dowladda Federaalka ku lahaayeen waxaana maalmo yar ka dib magaalada Baydhabo gaadhay Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, kuwaasoo kulamo la yeeshay Odeyaasha Dhaqanka ee Gobolka Bay.




Kulamada ay wada yeesheen Madaxda dhaqanka iyo Masuuliyiinta Dawladu ayaa laga soo saaray go’aamo u dhignaa sidan:





  1. In la dhiso Dawlad G oboleed ka kooban lix da Gobol l kuwaasoo kala ah : Shabeeladda Hoose Jubada Hoose, Jubadda Dhexe , Bay, Bokool iyo Gedo. si da ugu Dhaqsiyaha badana loo Dardar galiyo Dhisida Dawlad Goboleed ka Koonfur Galbeed .


     




    2. In Heshiiska Xukuumada Federaalka Soomaaliya ay la gashay Ergadda ka socotay Kismaayo ee ay kula gashay Magaalada Ad d is Ababa Bishii A g o o s t o 2 7 , 2013 uu yahay mid aan marnaba la aqbali Karin, kaasoo ah mid aan Waafaqsaneyn Dastuurka iyo Shuruucda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, isla markaana Xuquuq - Duudsi Bareer ku ah Shacbiga Deegaanada Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo. Sidaa daraadeedna si toos ah loo diido Xukuumaddana lagula Taliyo in ay dib ugu fiirsato.




    3. In Beesha Caalamka iyo Dowldaha Deriska ah ee Goobjooga ka ahaa Gorgortanka Heshiiskan kor ku xusan waxaa laga codsanayaa iney fiiro gaar ah u yeeshaan Baaqa Qowmiyadan iyo iney Dib u eegis ugu noqdaan Heshiiskan oo aan ka Turjumeynin Xuquuqda Dadka Deegaanka.






Soo saarida Go’aamadaasi, waxa la sheegay in labada Masuul ee ugu sareeya dawlada federaalka ahi isdhaafsadeen qoraalo muujinaya inay isku khilaafsanyihiin Heshiiska dhex maray Dowladda Federaalka iyo Maamulka Axmed Madoobe uu Khilaaf ku dhex Abuurey Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.




Waxaana la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheikh uu Guddoomiye Jawaari ka codsaday inaanu Baydhabo qaban ka hor intaanu weftiga ku tegin, taasoo bedelkeeda  la sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanku ka diidey.




Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa Warar aan la xaqiijin oo Madaxtooyada somaliya laga helay ay sheegayaan inuu Warqad u direy Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud,  taasoo uu ugu bandhigay sida ay uga soo horjeedaan Heshiiskii Magaaladda Adis-Abab ee Dhex marey Dowladda Federalkaa iyo Maamulka Axmed Madoobe.




Prof Jawaari ayaa la sheegay inuu Warqadiisa ku sheegey in Heshiiskaas uu ahaa mid u gaar ah dad  kooban, una hogaansamayn Qododbada ku jira, balse bedelkiisa  ay siyaasi ahaan ay ayidayaan dareenka Odayaashooda dhaqanka.




Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha ku war geliyay in isaga iyo Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle gaadheen heshiis o Nuxurkiisu ahaa in laga soo Horjeesto Heshiiskii Adis-Ababa, islamarkaana Lix Gobol loo sameeyo Maamul Goboleed la Magac baxay Koonfur Galbeed, taasoo la sheegey in Madaxweyne Xasan Shiikh uu ka Carooday.




ma cadda halka uu ku dambeyn doono Khilaafkan soo kala dhex galay labada Masuul, balse sida cad qaylo-dhaanta lagaga soo horjeedo Heshiiska Addis-ababa ayaan ku koobnayn Beelaha Digle iyo Mirifle, waxaana jira qaar badan oo ka mid ah Bulshooyinka Gobolada Jubooyinka, Gedo iyo Shabeelooyinka oo ka soo horjeeda Heshiiskaasi.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com




 

SL:Madaxtooyada oo Gaadiidleyda Cashuurta ka Gaddoodsan sababaysa iyo Mucaaridka oo Dhaliilaha Xukuumadda Mar kale soo Faqaya


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa la sheegay inuu maalmaha soo socda kulan la yeelan doono Guddiyada Iskaashatooyinka Gaadiidleyda somaliland oo si weyn uga soo horjeeda Cashuuraha Xeerka Takaaliifta waddooyinka, kuwaasoo uu doonayo inuu ku qanciyo inay aqbalaan, bixiyaana lacagaha lagu soo rogay si waddooyinka loo dhiso.




Sida ay Gobanimonews warka ku heshay, Tani waxay ka dambeysay diidmo taagnayd tan iyo markii Golaha wakiilladu ka doodayeen Xeerkaasi oo Maalintii Salaasada la ansixiyay, ka dibna isla habeenkiiba Madaxtooyadu dhaqal-gelintiisa soo saartay, isla markaana af iyo adinba u qaaday cidii isku dayda inay ka hortimaado, sida Xisbiyada Mucaaridka ah oo Bilays la dul-dhigay maalintii la ansixinayay.




Gaadiidleyda oo laba maalmood ka hor intaan xeerka la meel-marin cabasho la hortegay Golaha wakiillada ayaa hadal iyo hugunba laga waayay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana la sheegay inay doonayeen inay shaqo joojin iyo Mudaharaad wada socda sameeyaan.




Balse sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo aqalka Madaxtooyada ku dhadhow Wasiirka Madaxtooyada ayaa la sheegay inuu u ogolaaday xubno ka socda inay la kulmaan maalmaha soo socda ee todobaadkan soo gelaya, waxaana la hadal hayaa in kulankaasi dhici doono maalinta Axadda ama Isniinta soo socota.




Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Ururadda gaadiidleyda, oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino jiritaanka warkan iyo waxyaabaha ay wasiirka kala hadli doonaan ayaanay noo suurto gelin, ka dib markii ay ka jawaabi waayeen Telefoonaddooda gacanta oo aanu ka wacnay.




Dhinaca kale, labada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo UCID oo muddooyinkan dambe xukuumadda dhaliilo la daba joogay, isla markaana laga hor-istaagay Mudaharaad ay todobaadkii dhamaaday bulshada ugu baqeen, walina aan gudbin codsi kale oo ay ku dalbanayaan, ka dib markii wasaaradda arrimaha guduhu ku war-gelisay inay soo dalbadaan saddex cisho ka hor maalinta isu baxa, ayaa maalinta Sabtida ee Berri mar kale dibada soo dhigaya Dhaliilo xukuuamdda ay u soo jeedinayaan.




Warar lagu kalsoonyahay oo aanu ka helnay Saraakiil labada Xisbi ka tirsan, ayaa sheegaya in kulamo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay yeesheen Hogaanka labada xisbi laga sameeyay Gudiyo ka kooban min afar xubnood oo labada dhan, kuwaasoo si wada jir ah u qaban doona Shir Jaraa’id oo ay kaga hadlayaan arrimo badan.




Arrimaha ay ka hadli doonaan waxa ka mid ah Jawaab ay ka bixinayaan eedeymo dhinaca xukuumadda uga yimi labadii maalmood e la soo dhaafay, gaar ahaan wasiirka Warfaafinta iyo Wasiir u dawlaha Maaliyada iyo dhaliilo kale oo ay ka soo jeedinayaan xeerka Takaaliifta horumarinta waddooyinka.




Waxa kale oo la sheegay inay cadeyn doonaan maqfikooda ku aadan dhismaha waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidha ee Laamidda laga dhigayo  iyo horumarinta waddooyinka dalka oo dhan,taageerina doonaan mashruucaasi, isla markaana qaadhaan lacageed oo ay ku darsanayaan ay ku dhawaaqi doonaan, balse arinta ay ka soo horjeedaan ay tahay Cashuuraha xad dhaafka ah ee Bulshada la saarayo.




Dhinaca kale, Labada Xisbi Mucaarid oo sida la sheegay dawladu u diiday in lagu casuumo Xaflad qalin jabin ah oo Maalinta Axadda ka dhici doonta jaamacadda hargeysa, taasoo loo qabanayo  arday halkaasi ka dhamaystay Culuum Jaamacaddeed, ayaa sida la hadal hayo soo qaadi doona u cabanaanta xukuumadda ee dhaliilaha Mucaaridka, dareenkooda ku aadan arintaasi lafteeda oo markii ugu horaysay waddanka ka dhacday.




Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo muddo saddex sanadood iyo laba bilood ah talada haysay, ayaa u muuqata inay waajahayso mucaaridad ka xoog badan tii Dawladii Rayaale, xili muddo 22 bilood ahi uga hadheen xukunka, taasoo hadii ay isbedel siyaasadeed ku keeni waydo xaalkeeda ka dhigaysa mid allow sahal ah .




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Hargeysa: Arday Baratay Isgaadhsiinta oo Urur samaystay


Hargeysa(GNA)Ardayda kulliyada Cilmiga Isgaadhsiinta ee Jaamacadda Gollis, ayaa Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay Urur ay ku bahoobeen, si aqoonta ay barteen ugu horumariyaan dalkooda.




Ururkan, ayaa lagaga dhawaaqay xaflad balaadhan Jimcihii lagu qabtay Hudheelka Maansoor, taasoo ay soo qaban-qaabiyeen Ardayda ururka samaystay oo ka kooban kuwo hada Jaamacadda wax ka barta iyo kuwii ka qalin-jabiyay.




Munaasibaddan oo ay dhinaca kale Wasaaraadda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ku soo dhaweysay Urur Isgaadhsiineedkan ardayda wax baratay, waxa ka soo qayb-galay Wasiirro ,waalidiin,maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Gollis iyo ardaydii kuuliyadaasi ka qalin jebisay.




Eng:Shukri Cismaan Caabi oo ah ardayadii ugu saraysay sannadkan jaamacadda Gollis dhinaca hablaha ka qalin jebiyey  oo halkaasi ka hadashay ayaa ka warantay sababta ay ururkan u hindiseen, waxaanay sheegtay inay talaabadan ku kaliftay markii ay daraaseeyeen Baahida loo qabo in si abaabulan looga qayb-qaato horumarinta Isgaadhsiinta Dalka.




Shukri ayaa dhinaca kale ardaydakula dardaarantay inay wataan cilmigaasi ee aanay halkaasi kaga hadhin,waxa kale oo ay ka hadashay siday ugu dhiiradeen hablo ahaan inay dhigtaan cilmigan oo ahaa mid aad u adag.




Sidoo kalena Eng:Axmed Yaasiin Maxamed, Eng:Siciid Cabdi Xasan oo ka mid ah Macalinta Ardaydan wax soo baray, Ismaaciil Maxamed Axmed oo ka socday Maktabada  Qaranka (Somaliland National Library) iyo Ayfan Jakson oo kamid ah macalimiinta ajaanibka ah ee jaamacadda Gollis wax ka dhiga ,gaar ahaana kuuliyaddan Isgaadhsiinta, sheegayna in aad ula yaabaya markii ugu horeysay ee uu Somaliland yimi sida ay dadkani wax u bartaan iyo xaaladaha kala duwan ee lagu jiray, ayaa dhamaatood ka sheekeeyey Muhiimadda Cilmiga iyo sida uu qofka wax bartay uga aragti iyo nolol fiicanyahay ka aan wax baran.




Xafladan oo intii ay socotay ardaydu ku soo bandhigeen soo jeedin ama (Presentation) ay kasoo diyaariyeen cilmigii ay mudadda soo baranayeen,kuna qaateen macluumaad ku saabsan Sateliteka iyo siyaabaha loo adeegsado iyo  fiber Optic-ga iyo faa’idooyinka uu Somaliland u lee yahay, waxa hadalo ka jeediyay  Mustafe Shukri oo ka socday Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMCABLE, Sayid Abibakar  oo ka socday shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland ee Nationlink iyo Khadar Cabdiraxman Cabdilaahi oo Somtel ka socday, kuwaasoo da’yarta Cilmiga Isgaadhsiinta baratay soo dhaweeyay, kuna tilmaamay aqoonta ay barteen mid waddanka faa’ido badan ugu fadhida.




Eng:Maxamed Kayse oo ah Afhayeenka ururkaasi ayaa isna  sheegay in ururkani loo aas aasay markii ururkan loo baahday ,sidoo kalena ay ku talo jiraan in ay xubno ka noqdaan aqoon yahan badan oo caalamka ku kala nool iminkana ay kamid yihiin,isaga oo sheegay in ururkani hiigsanaayo in 2025 u Somaliland ka kaco dayax gacmeedkii ugu horeeyey .




Wasiirka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal oo ka mid ahaa Wasiirrada xafladan ka qayb-galay ayaa hadal uu ka jeediyay ku sheegay in xilligii xilka loo magcaabay oo ahayd 26/6/2013 aanu wax qalab ah oo dhanka isgaadhsiinta ah ugu iman wasaaradda .




Waxa kale oo uu wasiirku meesha ka saaray hadalada ah in aan shirkadaha isgaadhsiinta dalku cashuur bixin ama ay lunsadaan cashuurta,isaga oo taas waxba kama jiraan ku tilmaamay,sheegayna inay horumar badan gaadhsiiyeen dalkan ,waxaanu ugu dambayn ardaydaasi kula dardaarmay inay noqdaan kuwo ay aqoontu ka muuqato.




Sidoo kale waxa uu sheegay in boostii dhowaan la kicin doono oo hawsheedii lagu jiro,isaga oo u balan qaaday hablaha ka qalin jebiyey kuliyadaasi isgaadhsiinta oo dhamaa ilaa Toddoba hablood inuu shaqaalaysiin doono loona baahan yahay.




Ugu dambayn waxa xafladaasi soo geba gebeeyey Wasiirka Wasaaradda  Qorshaynta Qaran Dr Sacad Cali Shire,kaasoo bogaadin iyo hambalyo u soo jeediyay Ardayda, isla markaana sheegay inay tahay tacliintan isgaadhsiintu mid qayb weyn ka qaadata dhaqaalaha dawladaha ama dalalka caalamka.




Dr. Sacad Cali shirre ,waxa uu sidoo kale sheegay in ardaydaasi shaqooyin kale laftooda ay qaban karan, sida iyagoo noqda macalimiin, isagoo geesta kale  tilmaamay inay hay’adaha dawliga ahi aad ugu baahanyihiin  cid aqoontan oo kale leh.




Ugu dambayn Ururkan ayaa  shahaado sharafyo halkaasi ku guddoonsiiyey  masuuliyiintii iyo martisharaftii iyo maamulka jaamacadda Gollis, iyadoo dhinaca kale arday ka mid ah kuwii ugu sareeyey iyo kuwii xafladaasi soo qaban qaabiyey iyaga shahaadooyin la siiyay.

‘Farruurooy Adiga Lagu Nac, Lagaana Noqay’Q. Faadumo A. Maxamed


Waxaan halkan ka salaamayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, labada gole l qaran iyo shacbigeena wanaagsan meel ay joogaanba. Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa goboladda iyo degmooyinkii madaxweynuhu dhagaxa dhigay, gaar ahaan waddada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo.




Madaxweynaha Somaliland waxaanu ugu mahad naqaynaa jahaynta iyo ku dhaca uu sameeyay, runtiina wuu u hiiliyay ummaddiisa, waxaan ahay gabadh yar oo 16 jir ah, aabahay iyo hooyaday waxay ku dhinteen kuna muqmadoobeen shil baabuur oo waddada Ceerigaabo ka dhacday, aniguna aan ku jajabay, markii aan bogsaday dani waxay igu khasabtay in aan iskuulkii ka baxo, jaaryad nimana ku shaqeeyo, si aan u quudiyo labadii caruurta ahaa ee iga yaraa iyo ayeyday. Waxaan ku xamdi naqayaa, dawlad-nimada, nabadgelyada iyo caafimaadka aan haysto.




Waxaa layaab leh ka dad iyo xoolaba buuxa ee gurigiisa ay shanta gaadhi ku jiraan, ee haddana habeen iyo maalinba balaayo doonka heeganka u ah, waa halkii heestiiye ‘Dadka kii dhargow daran’.




Maalintii madaxweynaha Somaliland uu waddada dhagax dhigay ee aan Telefiishanka ka daawaday khudbadihii madaxweynaha, wasiir xirsi iyo wasiir caddaani, waxay i xasuusisay daqiiqadii shilku dhacay ee aabahay iyo hooyaday oo hilbo ahi ay hortayda yaaleen, qiiraddii wasiir Caddaanina waxay iga keentay oohin aan ilaa maalintii labaad aan ooyayay aniga oo aan oomati afka saarin.




Wasiir Caddaani gaadhi ayaa kula qalibma isla halkii uu anaga nagula qalibmay, dareenka iyo dhibka ayuuna ila qabaa. Isla markiiba waxaa bilaabmay abaabul ballaadhan oo ay mucaaridku wadaan, kaas oo ay doonayaan in nay wiiqaan dedaalada ay xukuumaddu ugu jirto dhismaha waddooyinka dalka. Waxaan miciinsaday  Salaad iyo duco, markii aan itaal kale waayay. Wixiiba waxa igaga daran, mucaaridka sida Tabliiqa xaafadaha wareegaya ee leh mudaharaada, oo leh subuxii ku mudaharaada Baarlamaanka, aniga oo arkayay in la iigu tallo galay haddana in xabbada ugu horaysaa ee RRU-du ay madaxa igaga dhacdo aniga iyo ciyaalka kale.




Waan kala garan waayay, oo waxaa ii soo baxay sawir ah shabaabta ciyaalka adeegsata iyo ka leh caruurta mudaharaada in aanay waxba u dhaxayn. Mucaaridku waxa ay Telefiishanka ka leeyihiin, waxaanu faraynaa xildhibaanada golaha nagaga jiraa in ay diidaan xeerka waddooyinka, mana oga goor isugu dambaysay iyaga iyo xildhibaanadooda. Waxay qaateen laaluuush iyo haddalada meel ka dhaca ahna xaal baan ka siinayaa xildhibaanada golaha Baarlamaanka.




Waxaan maqli jiray mawtal qafle dadka dila, waxaan ogaaday maanta in uu jiro mawtal qafle siyaasadeed oo qofku aanu dhimanayna noolaanayna, waa mawtal qaflaha xisbiyada mucaaridka ah maanta ku dhacday, isla markaanna laga maanta laga wada matagayo.




Mucaarad-nimadu cay maaha, shicibkuna waxa uu idiinka fadhiyaa, marka aad leedihiin dhismihii Airporta ayaa la musuq maasuqay waxaa la idiinka fadhiyaa in aad Injineero soo kaxaysaan oo aad soo caddaysaan xajiimaynta beenta ah ee aad waddaan.




Waxaan si sharaf iyo maamuus leh kaaga codsanayaa madaxweyne, waxaa jira safaaraddo badan oo halbawle ah oo aynu uga baahanahay wakiillo aqoon iyo khibrad leh, waxaan mar labaad kaa codsanayaa in mujaahid Cali Guray oo had iyo goor aan ku arko warbaahinta nin adag oo karti lehna ah, wax waynna inaga tari doona ictiraaf raadinta iyo iska caabinta cadawga dibadeed in aad u magacawdo safaaradda koonfurta Suudaan.




Odayaasha goluhu waa mujaahidiin sharaf leh oo tacab baddani kaga jiro qaranka, dulqaadkaa iyo odaynimadaas ku wad, shacabkuna waa ka marag. Waxaan si gaar ah uga codsanayaa shacabka Somaliland, waddada dhibta intaa leegi ay iga soo gaadhay in hiil iyo hooba lala garab istaago.




Maqaalkan waxaan ku gunaanadayaa sheekadan yar ee gaaban. Gabadh farruuran oo aad u cay badan ayaa lagu yidhi farruurooy gabadhii kaa waynayd ee Ceebla waa la soo doonay, waxaan ku jawaabtay waan filayay, afartan Geela, Faras iyo qorina waa laga bixiyay, faruuro waxay ku jawaabtay waan filayay. Haddana waxaa lagu yidhi Bushaaro Bushaaro, Farruuro adigana waa lagu soo doonay, iyana waan filayay ayay tidhi. Waxa lagu yidhi Farruuro adiga lagu nac oo lagaa noqay, waxay tidhi iyana waan filayay.




Farruuro waxaa lagu yidhi, wax walba waxaad tidhi waan filayay ee bal sharax, waxay tidhi waan filayay in walaashay Ceebla la soo doonayay oo walaashay waa gabadh qurux, sharaf iyo xishood ILLAAHAy ku mannaystay oo waan filayay in la soo doonayo, in Geel, faras iyo qori laga bixinayana waan filayay.




Marka la yidhaahdo waar gabadhaa wanaagsan ee Ceebla gabadhi ma ka yartahayna waan filayay, marka faruurtayda iyo caydayda la arko in la iga noqonayana waan filayay.




Maanta dawladda iyo shacbiwaynaheedu waa isku dan isna fahme, dawladduna mar dambe yaanay mucaaridka u jawaabin anaga oo shacabkii ah ayaa dantayada ilaashanayna una jawaabayna mucaaridka been abuurka ku caan baxay.




Wasiirrada xukuumadda Somaliland-na waxaan leeyahay idinka ayaa u dhexeeya madaxweynaha qaranka iyo shacabka reer Somaliland ee jecel qarankooda, waxaan idiin soo jeedinayaa oo aan idinku bogaadinayaa in aad haagaajisaan oo aad si wacan u adkaysaan xidhiidhka bulshada iyo xukuumadda.




Qalinkii: Faadumo Axmed Maxamed Cabdillaahi




Hargeysa




Somaliland




 

Nairobi: Bileyska Interpol oo Wali Raadinaya haweeney u dhalaty dalkan Ingiriiska oo lagu xidhiidhinayo Weerarkii Westgate


27.09.2013 (GNA)-Nairobi dawladda Kenya ayaa codsatay in la soo qabto haweeneydaasi oo da'deeda lagu tilmaamay ilaa 29 jir. Samantha Lewthwaite, waxa la sheegay inay tahay garoob uu hore u qabi jirey nin ka tirsanaa afar qof oo hore uga geystey dalkan Ingriiska falal argagixisnnimo oo isqarxin ah, bishii July ee sannadkii 2005.






Waxana in muddo ahba lagu xidhiidhinayey ururka al-Shabaab oo la rumysan yahay inay u gashay falalkaasi ka dhacay London intii ka danbaysay. Haatan, odhaah ka soo baxday bil;eyska caalamiga ah ee Interpol, waxay sheegeen inay codsi ka heleen booliska Kenya in haweeneydaasi la baadigoobo oo la soo xidho.




Khubarada baaritaanka caalamiga ah ayaa sii wada baaritaanka dhismaha, oo sadex meelood meel ka mid ah ay burburtay intii uu socday weerarka lagu qaaday kooxda maleeshiyada Soomaalida ee al-Shabaab.




Dhinaca, kale waxa maanta lagu jiraa maalintii ugu danbaysay saddexdii cisho ee baroordiiqda ahaa ee laga xusayey dalka, waxaase sii socda aaska dadkii ku dhintay weerarkii xarunta dukaamada




Westgate ee magaalada Nairobi oo ugu yaraan lixdan iyo todoba qof ay ku dhinteen.








 




 




 




www.gobanimonews.com

Friday, September 27, 2013

SL:Mawaadin Wacad ku Maray inuu Isku Gubayo marka la waydiiyo Cashuurta Gaadiidka la saaray!Akhri qormo Cilmiyeysan oo Cashuurihii la kordhiyay.


“ANIGU GEERI AYAAN KA XIGAA CASHUURTAASI MAALINTA LA I WAYDIIYO ANIGA OO WATA BAABUURKAYGA, FADLAN MARKA AAN DABKA ISKU QABTO INTA AAD II MUDAHARAADI LAHAYD  MAANTA OO AAN NOOLAHAY AYNU U HIILINO KUWA AY SAMAYNAYSO, MUWAADIN WAA INAAD KA DHIIDHIDA XEERKA TAKAALIFTA WADO MARISTA LAGU KORDHIYAY, HADDII AAD DIIDI WAYDO WAX KA XUN AYAA LAGUGU DHAQAN GELIN, VOTE-KA XILDHIBAANADANA WAA LA IIBSAN INDHAHAAGA OO SHAN AH AYAAD ARAGTAY XILDHIBAANADII DIIDANAA OO LACAG LAGU BEDELAY MABDA’OODI !!!,”Sidaasi waxa Qormo uu warbaahinta u kala diray ku bilaabay  Cabdiraxmaan Jiciir oo ah Mawaadin u dhashay Somaliland.




 




Waxa aan ahay muwaadin Hay’ad u shaqeeya oo wata Baabuur waxa aan awood u leeyahay in aan iska bixiyo marka loo eego musharka I soo gala bishii $1,300, balse waxa aan diidanahay oo qoraalkan igu kelifay oo aan si weyn aan uga dhiidhiyay saamaynta ay ku yeelanayso danyarta dhibaatada dhaqaale la daala-dhacaysa, waxana u qaadan waa igu noqotay markii aan eegay arrimahan hoos ku qoran aad ayaan uga xumaaday;




 




1)      Markii aan arkay;  saamaynta ay ku yeelanayso ilaa islaanta suuqa fadhida maadama aynu ogsoonahay transportation saamaynta uu ku keeno korodhka maciishadda oo basku ku darayo kii raacayay, gaadidka waaweyni Joonyadii saarayaan, waxaan aad ugu qoslay aqoon gaabnida Wasiirkii hore ee Cadalada oo cadadkii 25 Sept., 2013 ee Jamahuuriya ku qoray qofka baabuurka raaxada wataa miyaanu $20 awoodaynin waa maan gaab aan eegaynin saamaynta ay arrintani ku yeelanayso dhaqaalaha dalka iyo islaanta suuqa fadhida ee nolosha la daaladhacaysa, keliyi ujeedada iiga soo baxday hadalkiisa waa nacamlaynta uu ku doonayo in dib loogu magacaabo Wasiir waa wax laga xishoodo in uu sidaasi u hadlo meel ayaanay taariikhda ugu qornaanaysaa, miyaanu ogayn ka helaya in 90% ay ka badan yihiin kuwo aan kuba qadayn ama labo litter oo shidaal ah aad arkayso iyago oo raadinaya.




 




2)      Markii aan Television-ka ka daawaday; Mudanayaashii aynu dooranay ee aynu ku aaminay maasiirkeena, gaar ahaan kuwii laga duubay cajladaha codkoooda ku muujiyay in ay diidan yihiin oo la laaluuushay oo rayigoodi si fudud loo bedelay, kuwaasi ayaynu masiirkeeni ku aaminay ka waran miyaanay beritona waxa ka daran inagu ansaxinayn iyagoo eegaya danahooda gaarka ah, waxa aan War-baahinta kala duwan u sheegaya in ay ka gaabiyeen doorkoodii hab-qoraalnimo (marka laga reebo Wargeysaka Geeska oo aan ku arkay  2 qof oo ay magacaabeen magacaabay), iyadoo aan meesha ka arki waayay  in aad bulshada u soo bandhigtaan magacyadda xil-dhibaanadii badnaa ee TV-iga laga daawaday ee doodooda ku muujiya diidamada ee hadana gacanta taagay si ay bulshaddu uga taxadirto mustaqbalka una noqdaan tuke baal-cad oo masiinkii umada siistay duwan yar, si ay taariikhdooda ugu suntanaato fadlan doorkiina qaata war-baahintaa madaxa-banaaneey oo soo qora magacaydooda iyo nin kasta doododiisu waxa ay ahayd waxa aad ka helaysaan hadal qoraalkii (Minutes) laga qoray ama TV duubayay haddii kale aniga idiin doono si aan ku soo heloba maalkaygana u quudhaya.




 




3)      Markii aan si cilmiyaaysan u darsay; cashuurihii la kordhiyay intii u dhaxaysay sannadihii laga soo bilaabo markii talada uu qabtay Xisbiga Kulmiye (Madaxweyne Siilanyo) 26 June, 2010 illaa 2013, bal u fiirso qaabka korodhsiimada waalida ahi u socotay; Sannadkii 2010 waxa ay ugu yimaadeen marka aan eego lix biloodka baabuurkayga 78,424/SL.SH , Sannadkii 2011 oo ay kordhiyeen waxa ay ka dhigeen 138,912/sl.sh kaasi oo ah korodh dhan 60,488/sl.sh ama 43% una dhiganta $10 lixdii bilooda ama $20 Sannadkii (waa wakhtigii ina Xaashi Cilmi korodhsiimdaasi waanan u garaabaya korodhsiimadaasi madaama ciidamada iyo shaqaalah loo kordhiyay musharka). Sannadkii 2012 oo ina Xashi wasiir ka ahaa kuna wareejiyay Cabdicasiis lama kordhin. Sannadkii 2013 oo wasiir Samaale soo ban-dhigay waxa uu ka dhigeen 227,835/sl.sh (207,835/=Sl.sh + 20,000/=sl.sh oo ah stamp duties) kaasi oo ah korodh dhan 88,923/sl.sh ama 38% una dhiganta $14 lixdii bilood ama $28.




 Hadaba is waydiintu maxay tahay inta la kordhinayo tan cusub ma la is waydiiyay $28 saannadkii 2013 sababta lacagtaasi wadooyinka loogu samayn waayay, caqliga saliimka ahi uma dul qaadanayo korodhsiimo aan sabab lahayn oo saamaynaysa bulshada danyarta ah. Bal u fiirso tusaalahan; Manager (CEO) ayaad shirkad ka tahay waxa aad doonaysa maal-gelin cusub in aad ka hesho Board-ka iyo saamilayda shirkaddda leh si aad faa’ido u samayso, waxa aad u soo ban-dhigaysaa qorshahaaga sababta aad u kordhinayso iyo faa’idada soo kordhaysa ee la helayo lacagta aad u baahan tahay si ay kugu ansaxiyaan qorshahaaga. Aqoon la’aanta iyo indho la’aanta Golaheena Wakiilada haysata marka la kordhinayo Miisaaniyada waxa ay xaq ugu leeyihiin in ay dawladdu soo raaciso plan lagula xisaabtamo oo xusaya waxa lacagtaasi la kordhinayo lagu qabanay, keliya qudbad sannadeedka Madaxweynaha oo keliya ayay dhegaystaan oo aan xanbaarsanayn micno badan. Sidoo kale lacagtan korodhsiimada ah ee uu soo ban-dhigay wasiirka firfircoon ee Madaxtooyada (1996 from Geel-jire to Wasiir) oo leh dano siyaasadeed oo fog oo ah damaca kursiga waxa ay ahayd in ay wadiiyaan qorashaha lacagtan uu ku fulinayo soona samaysto qorshe (plan) malo-awaal ah oo sheegaya inta waddo ee uu doonayo in uu dhiso, lacagta ku baxaysa inta ay tahay iyo inta sannadood ee ay soconayso si loogu xisaabtamo. Aqoonda Xildhibaanada aynu dooranay marka laga reebo 8 aan u codayn iyo Guddomiyaha oo aan codayn waa taasi indho la’aanta wax walba ku ansaxinaysa duuduubka ee danaha gaarka ah eeganaya, waxaasina waxa ay fuulayaan oo dhibaato ku yihiin dhaqaalaha danyarta la daala-dhacaysa nolosha waayo qofka baabuurka wataa kirada uun buu kordhinayaa, ku darsoo Wasiiradda iyo Xildhibaanada kordhiyay u fiirso baabuurtooda Wado maris la’aan ayay ku wataan badankoodu.




 




4)      Marka indhahayga saaray; Sida loo cabudhiyay dadkii doonayay in ay mudaharaadaan ee loo dhigay xafiisyaddii Ururada Mucaridka iyo Barlamaankiiba Ciiidamo badan  oo xoog ku muquuniyay afkaartoodii ay xaqa u lahaayeen dadku in ay soo ban-dhigaan, taasi oo aan u arko in ay ka daran tahay cabudhintii aynu ka dagaalanay ee Siyaad Bare, beritona waxa ka daran la arki doono haddii aan laga hor iman dhaqanka noocaasi ah.




 




5)      Marka xaqiiqsaday; taab-gaabnida mucaaridkan afkuun ka nool ee TV-iga uun ka hadlaya, maxa u diiday kuwa hadlaya in ay soo hor-kacaan dadka oo ay shafka xabada u dhigaan si dadku ugu dhiiradaan mudaharaadka, foolxumo ayayna ku tahay in ay ka baryayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxa uu xaqa muwaadinku u leeyahay, mar hadii loo diiday wixii sharcigu u jiideyay (Mudaharad Salmi ah in ay qabsadaan).




 




6)      Waxa aynu ogayn; korodhsiimaddii Diyaaradaha lagu fuliyay ee tiijaabada inagu ahayd baarlamaanku sida duudubka ah ee indho la’aanta ah ugu ansaxiyay Wasiirka Duulista in qofkasta oo dhoofaya ama soo degaya laga qaado $10 oo maan-gabnimadiisa uu ku sheegay qalab casri ah oo la inagu caawiyay in lagu repair-garaynayo ama lagu illalinayo, bal u fiirso muu keenin qorshe uu ku soo ban-dhigayo waxa lagu qabanayo lacag dhan qiyaas ahaan $2.3 Million sannadkii (bal u fiirso tusaalahan; 3 diyaaraddood Daalo, Africa, Juba iyo diyaaradaha UN-ta iyo kuwa kale oo aan 1 diyaarad ka soo qaaday waa; 4 diyaaraddood x 400 qof celcelis ahaan markiiba keena ama qaada marka la isu geeyo X 3 jeer oo ay duusho todobaadkii X 4 goor bishii x 12 bilood sannadkii = 230,400 oo qof x $10 cashuur ah = $2,304,000 (labo milyan iyo saddex boqol iyo shan kun oo dollar). Ma is waydiisay waxa loogu ansaxiyay qaar kale oo badanina way soo socdaana haddii aan laga hor-tagin




 




7)      Markan yiqiinsaday; sida ka fiirso la’aanta ah ee madaxweynuhu deg dega ugu saxeexay ee aanu cidna u joojinaynin, cidna aannu dan ka gelaynin, oo ah ‘’la isu-joojin-maayo, waar ma guri uu leeyahayba, mise dadkayga dhoohan’’.




 




8)      Markii aan malo-awaalay; in ay jiraan qorshayaal kale oo lacag lagu ururin karo oo lagu baajin karo qorshaha saamaynta ku yeelanaya danyarta (fadlan eeg talabixinta ugu danabaysa oo kuu faahfaahinaysa sida loo abuuri karo dhakhi kale oo aan samayn ku yeelanayn dan yarta, keliya dadka lacagta haysta ee baabuurta raaxada wata ee awoodi kara ku koobnaanaysa)




 




Arrimahaasi kor ku xusan markii aan arkay waxa aan kuu cadaynayaa in aan Geeri ka xigo maalinta la joojiyo Baabuurkayga ee la I waydiiyo cashuurtaasi, iyadoo aan balan qaadayo in aan Dab iyo Petrol isku qaban doono, si aan u badbaadiyo danyarta nolol xumada la daaladhacaysa ee aanay jirin cid ka naxaysa, dayaceena kuwii ay xilka u doorteen (Golaha Wakiilada). Sidaasi awgeed, haddii aad tahay Muwaadin dhab ah intii aad marka aan dhinto is ciilkaanbiyi lahayd oo aad ii mudaharaadi lahayd waxa aan ku soo jeedinayaa in aad face-book magaciisu yahay; Muwaadin Somaliland oo maqaalkan aan geliyay aad taageerto, fulisidna qodobadan;




 




1.      Saxaafadda kala duwaan ee aan qoraalkan u diray waxa aan ka codsanayaa in ay qoraalkan daabacan oo weliba geliyaan head Letter-ka Joornaalka, Website-kooda iyo Facebook-goodaba si loo abaabulo mudaharaad la mid ah kii ka dhacay Taxriir square ee Masar.




 




2.      In dhammaan dadka isticmaala Facebook ay ila abaabulaan mudaharaadkan gelyaana bartooda facebook si loo arko cududeena, maadama aad ogtihiin in cudud ciidan lagu hor-joogsaday Mudaharaadkii waa in ay ogaadan in aanay inaga xeelad badin kari makastan meesha isugu timid ee jeebka buuxsanaysa, waa in aynu cududeena ku tusnaa Face-book oo aynu ka dhabaynaa fulinta hadafkeena.




 




3.      In Xisbiyada Mucaaridka ahi ay shir jaraa’id qabtaan ay ku abaabulayaan kuna taageerayan fikirka la isku abaabulayo face-book magaciisu yahay Muwaadin Somaliland, isla markaana geliyan barta ay ku leeyihiin Face-book xisbiyada Mucaaridku.




 




4.      In dhammaan muwaadintu ay ka soo kalahaan ama habeenimadaba u sii hoydaan Khayriyadda oo ay ka soo banana-baxaan xaafad kasta oo Hargeysa ka mid ah oo balanteenu noqoto maalinta Salaasa 1 Octobar, 2013 in ay isugu yimaadaan Khayriyadda oo ah bar kulanka mudaharaadka (u fiirso boolisku ma daad ayay celin karaan ka yimid xaafad kasta oo Hargeysa ah), halkaasi oo aynu fadhiyi doono illaa inta dawladdu ka noqonayso, wax socod ahna ma samaynayno si aanay u dhicin in tuugtu inagu dhex dhuumato oo ay wax boobto ama rabshado dhacaan.




 




5.      In Gobolada iyo degmooyinka iyaguna khayriyadahooda isugu yimaadaan, kuna muujiyaan dareenkooda fadhiyaana oo aan loo kala tegin inta Xukuumaddu ka noqonayso go’aankaasi.




 




6.      Mudaharaadku si uu u noqdo mid awood leh waa in ay hormud ka noqdaan Hogaamiyayaasha iyo xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiyada mucaaridka ah iyo 8 xildhibaan ee diiday ansaxinta kuwaasi oo baal-dahab ah kaga jira sumcadoodana kala han weyn in shilimo yar dhaafsaddan, waana in aanay iska joogin guryahooda ee ay hogaamiyaan mudaharaad salmi ah oo bulshada ka qayb qaadanayso lamana ogola in la dhaafo khayriyadaha si looga taxadiro meherado la boobo, Khayriyaddaha ayaynu fadhiisanaynaa inta dawladdu ka noqonayso go’aankaasi.




 




7.      In Iskaashatooyinka Gaadiidlaydu qayb ka qaatan mudaharaadkan sida;  Basaska, Taxi-sida, Baabuurta waaweyn, isla markaana ay dhigaan Baabuurtooda labda haad ee Wadooyinka mihiimka si loo xanibo isu-socodka oo loo dareemo culayska ay leedahay arrintani




 




XALKU (Solution) Muxuu yahay?; marka aad dhaliil sheegto waxa haboon oo ay ku qurux badann tahay in aad raacisid oo aad xalka (solution) tusto cida aad dhaliilayso sidaasi ayay ku quman tahay. Sidaasi darteed waxa aan soo jeedinayaa in dawladdu si deg deg ah uga noqoto xeerkan uu madaxweynuhu degdega u saxeexay, isla markaana dhinac kale uga wareegto oo  wadooyinka ay sheegayso ku dhamaystirto qaabkan;




 




1.      Lacagtii la kordhiyay 2013 ee dhamayd $28 (calaa baabuur marka aan kayga eego kuwo ka qaalisanina ay jiraan) oo Xukumadu aanay golaha Wakiiladda u soo ban-dhigin 2013 waxa ay ku qabanayso iyo sababta ay u kordhinayso kuna magacaaban Wado maris, taasi ayaa ku haboon in ay wadooyinka ay sheegayso waxa kaga qabato madaama ay wado-maris tahay, waxaanay ku haboonayd oo ay Baarlamaanku Il-duufeen in ay kala xisaabtamo meesha ay geysay lacagtaasi hore ee loo ansaxiyay inta aanay mid kale duuduub ku ansixin.




 




2.      In Xukuumada iyo Dawladda hoose iska kaashadaan qorshe ah in la soo rogo cashuur tan ka fudud oo aan bulshada saamayn ku yeelanayn lana yidhaaho;  ~Parking Taxation~  oo laga heli karo $30 Million (soddon million oo dollar), taasi oo ah mid laga qaadayo dadka hantida haysta ee baabuurta wata ee ka adeeganaya Super Markets waaweyn 500/sl.sh qofkii wax iibsanaya waxba yeeli mayso, dadka danyarta ahna ma saamaynayso, waxa aan qiyaasay celcelis ahaan 1,000 Meheraddood oo dalka oo dhan ay istaagaan 1,000 baabuur meheradiiba lacagta ka soo gelaysaa waa $30 Milliion, tusaale ahaan Meherada Maka Al-mukarama oo sharaabka laga cabo inta baabuur ee istaagi karta keligeed 1,000 baabuur x 500/sl.sh x 30 cisho x 12 Bilood x 1,000 Meheradood dalka oo dhan = 180,000,0000,000/sl.sh una dhiganta rate-ka 6,000 USDOLLAR $30,000,0000 (Soddon million oo dollar), caqliga saliimka ahi taasi ayuu ina siinayaa in ay tan dhaanto saamaynaysa maceeshada guud ahaan iyo islaanta suuqa fadhiisata ee la daala-dhacaysa korinta ubadka qaar agoonta yihiin.




 




3.      In Wadada Ceeri-gaabo oo ay maqaar saar ka dhiganayso loo furo A/C qaadhaan loogu ururinayo oo ay maamulaan, xubno ka kala socda; Xukuumada, Xisbiyada Mucaaridka, Culimada waaweyn, Aqoonyahanka iyo Ganacsatadu oo cid kasta oo qaadhan ka qayb qaadanaysa ku soo shubto diyaar ayaan u ahay in bil kasta aan bixiyo $10 inta ay ka dhamaanayso wadada Ceerigaabo.




 




Gebo-gabo; Muwaadinka dhabta ah fadlan gal facebook ah;  Muwaadin Somaliland oo sii faafi qoraalkan oo ah abaabulka mudaharaadka. Waxa aad mooda in ay iga xanibeen oo facebook-aasi aanay ciddi geli karinoo aanay request samayn karin fadlan nin kastoowba kaaga ku baahi adigoo mahadsan si aynu u helnoo taageero buuxda inta kao horysa maalinta la isu soo baxayo




 




Qore Abdiraxmaan Hassan Jiciir ————




muwaadin.somaliland@outlook.com




Hargeisa, Somaliland.