[caption id="attachment_92176" align="alignleft" width="300"] qaar ka mid ah Xildhibaanada[/caption]
	Garoowe(GNA)-Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, waxaanay soo ajiibeen go’aankii Madaxtooyada Puntland Xidhiidhka ugu jartay Dawladda Muqdisho.
	Weftigan xildhibaanada ah oo ka kooban ilaa lix Xildhibaan waxa hogaaminayay Xildhibaan Abshir Faarax.
	Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Gaas, ayaa Khamiistii todobaadkii hore ku dhawaaqay go’aan ah in Maamulkiisu xidhiidhka u gooyay wada shaqayntii kala dhaxaysay dawladda Federaalka ah, isagoo saluugay hanaanka wada shaqayneed iyo maamul ee xamar ka jira.[caption id="attachment_92177" align="alignleft" width="300"] Madaxweyne Gaas[/caption]
	Kaddib markii weftiga heer Xildhibaan si weyn loogu soo dhaweeyay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Miuqdisho,oo ay kaga hortageen xubno ka midda Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, Ururrada Bulshada iyo Saraakiil kale oo aqalka Madaxtooyada ka tirsan waxay Xafiiskiisa kula kulmeen Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), oo uga mahad celiyay aqbalaada Baaqii uu u diray khamiistii dhaweyd.
	’Sharaf weyn ayay ii tahay maanta inay igu soo booqdaan xarunta madaxtooyada Puntland wafdi ka socda Baaralamanka Soomaliya gaar ahaan xubnihi matalayay dowladda Puntland ‘’ ayuu yiri Madaxwayne Gaas.
	Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale  Xildhibaanada uga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen baaqii uu ugu yeerayay xildhibaanada Puntland ugu jira Dowladda Fadaralka Soomaaliya .
	Xildhibaan Xasan Abshir Faarax iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf oo iyana si wadajir ah ula hadlay warbaahinta ayaa kamahad celiyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyayPuntland oo ay deegaan ahaan ka soo jeedaan.[caption id="attachment_92178" align="alignleft" width="300"] Xildhibaan Abshir Faarax[/caption]
	Waxaanu yiri‘’Markii aanu maqalnay baaqii aad soo jeedisay Puntland dadka kaga jira in la yimaado waanu soo dhaqaaqnay runtii waxna ma aanan sugin ilaahayna nabad buu nagu keenay ‘’.
	Khilaafka soo kala dhex galay Maamulka Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa salka ku haya arrimo badan oo dhanka wada shaqaynta iyo iskaashi heer federal ah, waxaanu khilaafku sii xoogaystay inta laga warqabo kaddib dilkii Marxuumad Xildhibaan Saado Cali Warsame oo sida la sheegay ay isku maandhaafeen hogaanka dawladda dhexe iyo kan Maamulka Garoowe.
	Gobanimonews
	Garoowe Office
	Email: editor@gobanimonews.com
	 
