Hargeysa(GNA)-Guddida Fulinta ee Solja ayaa sheegay inay Xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii Ururkaasi Xasan Maxamed Yuusuf, kaddib markii sida ay sheegeen uu ku kacay waxyaabo ka hor-imanaya Sharciga Ururka.
Shir-jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen Xafiiska Ururkaasi ilaa tobaneeyo xubnood oo ka mid ah guddida Fulinta, ayaa waxay ku xaqiijiyeen in Guddoomiye Xasan Maxamed Yuusuf ka hor-yimi Xeer-hoosaadka Ururka iyo shuruucda hogaamineed, isla markaana uu khilaaf kala hor-yimi magacaabista Guddida qabanqaabada shirweynaha shanaad ee Ururka oo lagu wado inuu bishan qabsoomo.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Guddoomiye, hase ahaatee xubnaha sheegay inay xilka ka qaadeen waxa hogaaminayay ku-xigeenkiisii iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Maxamed Cabdi Curad iyo Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.
Guddida Fulinta ee Solja waxay sheegeen in Guddoomiye ku-meel gaadh ah ay u doorteen Mustafe Sheikh Cumar Geedi oo ka mid ahaa Guddida fulinta ee Ururkaasi, sida uu Shirka jaraa’id kaga dhawaqay Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) oo ka mid ah Guddida Fulinta.
“waxaanu caddeynaynaa in maanta laga bilaabo guddida fulinta ee Ururka SOLJA Shir ay saaka isugu yimaadeen xilkii kaga qaadeen Guddoomiyihii Ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, waxaana xilkaasi si ku-meel gaadh ah loogu dhiibay Mustafe Sheikh Cumar Geedi oo hore uga tirsanaa Guddida fulinta ee Ururka”ayuu yidhi Caloolay.
Hogaanka sare ee Ururka Solja ayaa khamiistii magacaabay laba Guddi oo iska soo horjeeda, kuwaasoo ay laba garab oo hogaanka Ururku u kala jabeen u xilsaareen qabanqaabada shirweynaha Ururka.
Guddoomiyha Ururka ayaa magacaabay shan xubnood oo uu ka mid yahay Maxamuud Cabdi jaamac Xuuto, taasoo ay xubnaha kale ee hogaanka ururka iyo Guddida fulintu ku tilmaameen magacaabis sharci daro ah.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com