[caption id="attachment_92181" align="alignleft" width="300"] Askarta Alsabaab oo hubaysan[/caption]Kismaayo(GNA)-Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada-hoose ayaa sheegaya in dagaal aad u xooggan oo u dhexeeya ciidamada maamulka kumeel gaar ka ee Juba iyo kooxda Al-shabaab uu ka socdo deegaan wax yar u jira Magaalada.
	Dagaalka oo maalintii labaad ka socdo deegaanka Cabdilla-Biroole ayaa la sheegayaa inuu ka bilawday geel sako ah oo Al-shabaab ay doonayeen inay ka qaadaan dad reer miyi ah, taasoo ay dadka reer Miyigu ka soo horjeesteen.
	Kaddib khilaaf ka dhex dhacay Alshabaab iyo dadka reer Miyiga ah oo diiday inay bixiyaan Geella, waxa bilaabay dagaal u dhexeeya xoogga alshabaab iyo dadka deegaanka oo dagaal kala hortegay.
	Ciidamada maamulka Juba iyo kuwa AMISOM ayaa shalay ku biiray dagaalka kaas oo illaa iyo hadda ka socdo deegaanka uu ka bilaabmay.
	Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalku u dhexeeyo, walina wax khasaare ah lama soo sheegin, hase ahaatee dad goob-joogeyaal ah ayaa Ideecada BBC-da u sheegay inay dad badan ka qaxeen goobaha Dagaalku ka socdo.
	Alshabaab iyo Jubaland ayaa horey ugu dagaalamay Deegaamada Gobolka, sanadkan gudihiisa.
	Ciidanka Maamulka Jubaland ayaa bilihii la soo dhaafay tayadooda kor loo qaaday si ay ammaanka Gobolka gacanta ugu dhigaan.
	Hub iyo saanad kale oo milateri ayaa laba bilood ka hor soo gaadhay Milateriga Jubaland , kaasoo ahaa shixnadii ugu horaysay ee sanad milateri ah ee ay helaan Maamulka dhawaan la dhisay ee uu madaxda u yahay Sheikh-axmed Madoobe.
	Ciidamo kale oo ka tirsan kuwo dawladda Federaalka iyo Amisom, ayaa iyaguna ku sugan Gobolka oo gacan siinayay ciidanka Jubaland iyo Maleeshiyaadka deegaanka ee iska difaacaya Alshabaab.
	Dadka deegaanka ayaa ku waramaya inuu dagaalku sii socon karo wakhti aan qiyaas lahayn .
	Xiisadda ayaa u muuqata mid dariiqa u xaadhaysa in Dagaalyahanada Ururka Alshabaab laga sifeeyo Gobolka oo ka mid ah Gobollada ay aad ugu awooda yaryihiin Kooxaha Alshabaab.
	Gobanimonews
	Kismaayo Office
	Email: editor@gobanimonews.com
	 
