Saturday, August 2, 2014

Xildhibaan kale oo lagu dilay Muqdisho


[caption id="attachment_85429" align="alignleft" width="300"]Xasan Sheikh Maxamuud oo Tacsi Xasan Sheikh Maxamuud oo Tacsi [/caption]




Muqdisho(GNA)-Dablay hubaysan ayaa ku toogtay degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsanaa Baarlamanka Dawladda Federaalka Soomaaliya, salaadii Duhur markii laga soo baxay Jimcihii Maanta.




Xildhibaanka ayaa la toogtay isagoo ka soo baxay Salaadii Duhur oo uu ku tukaday  Masjidka Marwaazi ee Degmada Xamar Weyne, halkaasoo markii uu ka soo tegay ee uu raacay gaadhigiisa raacay ay Toogteen Niman hubaysan oo Ururka Alshabaab ka tirsan.




Xarakadda Alshabab ayaa sheegatay Dilka Xildhibaanka oo noqonaya kii saddexaad ee Magaalada Muqdisho lagu dilo 30 maalmood gudahood.




Afhayeenka dhinaca Hawl-galada ee Alshabaab Sheikh C/Caziiz Abuu Muscab  ayaa idaacadda Afka ururka ku hadasha ee Andalus u sheegay in ciidankooda  gaarka ay meel aan ka fogeyn Villa Somalia ku dileen Aadam Sheekh Madeer.




"Ciidanka Mujaahidiinta ayaa gudaha Muqdisho ku dilay Xildhibaan Katirsan Murtadiinta dawaaqiidda ee sharci dajiyayaasha sheegtay waana sii socan doonaan howlgallada lagu ciribtirayo cadawga”ayuu yiri Abu Muscab.




Al Shabaab ayaa  sheegtay in ugaarsiga xildhibaanada iyo saraakiisha DF-ka uu yahay hadaf mashruuc ah ayna dhankooda ka go’antahay in umadda laga hor leexiyo kuwa ciidamada shisheeye u sharciyeeyay qabsashada dalka Soomaaliya.




"Allaha idin barakeeyo ayaan leenahay ciidanka mujaahidiinta ee wilaayada Banaadir ka howlgala Nimankan xildhibaanada ah ee sharci dejiyaasha sheegta waxaan u beegsanaynaa way caddahay waa Niman sharcigii ilaahey sharci gacan ku sameys ah oo gaalo soo agaasintay ku bedelay waana sii wadi doonaan laynta qolooyinkan cadawga dalka kusoo hoggaamiyay”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Abu Muscab.




Xildhibaan Aadan Madeer ayaa ahaa Guddoomiyaha guddi-hoosaadka Maaliyadda ee Baarlamanka Soomaaliya, waxaanu ahaa dadka sida weyn uga soo shaqeeyay dib u dhiska iyo nidaamka dawladnimo ee Soomaliya.




Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhambaal tacsi ah u diray Xildhibaanka la dilay, waxaanu tilmaamay in mar uun sharciga la horkeeni doono kuwa ka dambeeya dilalka xildhibaanada iyo dadka shacbiga loo geysanayo.




“ Waxa uu ahaa nin howl-kar ah oo wax badan u soo qabtay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed, , Waxaa uu ahaa nin Dowladnimadda aad u jecel." ayuu yiri Madaxweynahu.




Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in cadaaladda mar la horkeeni doono kooxahii ka dambeyey dilka Xildhibaanka iyo dilalka kalaba.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@hotmail.com