Friday, August 1, 2014

Herve Renard Oo Loo Magacaabay Tababaraha Xulka Ivory Coast.


Tababaraha Faransiiska ah ee Herve Renard ayaa loo magacaabay inuu noqdo tababaraha cusub ee xulka qaranka Ivory Coast.




Hervé-Renard-500x407




Renard ayaa jagadan ka badalaya Sabri Lamouchi, oo shaqada ka tagay kadib tartankii koobka aduunka, Waxaanu tababarahan reer France shaqada xulalka ku soo noqonayaa kadib sagaal bilood oo    uu soo laylinayay naadiga France ka dhisan ee Sochaux.




 




Macalinkan 45 jirka ah oo laba goor soo maray shaqada tababarenimo ee xulka Zambia ayaa qarankaasi u horseeday inay ku guulaystaan horyaalkii qaramada qaarada Afrika ee 2012-dii.herve




herve-500x281herve-500x281




 




Guusha koobka qaarada Afrika ayaa u horseeday in lagu aamino xulka Maroodiyaasha Afrika lagu naanayso taas oo uu kaga adkaaday ragii kula tartamayay oo kala ahaa Frederic Antonetti iyo tababaraha Portuguese ka ah ee Manuel Jose.




Herve_Renard_CAN_2012-500x363