Saturday, August 2, 2014

3 qof oo ku dhintay Dagaal ka dhacay Garbahaaray


garbohaaraGarbahaarey(GNA)-Maleeshiyaad hubaysan ayaa ku dagaalamay Magaalada Garbahaaray maalin kaddib markii Madaxweybaha Soomaliya halkaasi uu booqday khamiistii shalay.




Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhintay Dagaalkaasi oo ahaa mid foolka fool ah, waxaanu u dhexeeyey Maleeshiyaad ciidanka dawladda ka tirsan iyo kuwo kale oo deegaanka ah.




Warbaahinta qaar ayaa sheegtay in ilaa shan ruux oo kale ku dhinteen Dagaalkaas.




Dadka dhintay waxa ka mid ah nabad-doon ka mid ahaa Golaha dhaqanka ee Deegaanka oo xabaddu haleeshay, isagoo ku kala dhex jira dhiayacyada dagaalku dhex maray.




Ciidamo ka tirsan kuwa Dawladda oo Gobolka ku sugan ayaa kala dhex galay markii dambe kooxaha dagaalamayay, kuwaasoo ammaanka la wareegay, isla markaana ay u suuro gashay inay xaalada nabad-gelyo ku soo dabaalaan.




Degmada Garbahaaray iyo Deegaamada hoos yimada ee Gobolka Geddo ayaa waxa jira abaar aad u ba’an oo dad iyo duunyaba saamaysay.




Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo shalay markii uu booqday hadlay ayaa Hay’addaha Gargaarka iyo Umadda Soomaaliyeedba ugu baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadku dhaqan Gobolka gaar ahaan deegaamada uu booqday oo uu ku soo arkay xaalad bina-aadanimo oo aad u qalafsan.




Gobanimonews




Kismaayo Office




Email: editor@gobanimonews.com