Dareenka Dhalinyaro rag iyo dumar isugu jira oo  dalkoodii ay naceen iyagoo jecel ku soo laabtay..
	 [caption  id="attachment_85345" align="alignleft" width="300"] Laanta Socdaalka Somaliland oo lagu soo wareejiyay tahribeyaal[/caption]Wajaale(GNA)-Dawladda itoobiya ayaa dad Tahriibeyaal ah ku soo wareejisay Somaliland, kaddib markii laga soo qabqabtay soohdinta u dhaxaysa dalka Suudaan iyo meello kale.
	Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxyaabaha ay iska kaashadaan waxa ka mid ah ammaanka, xakameynta Tahriibeyaasha iyo arrimo kale oo ganacsigu ka mid tahay.
	Saraakiisha Laanta socdaalka ee degmada Wajaale ayaa maanta lagu soo wareejiyay 31 qof oo isugu jira Dhalinyaro rag iyo dumarba leh, kuwaasoo doonayay inay ku safraan jidka halista badan ee Saxaraha u dhexeeya Libiya iyo suudaan iyo waliba badda u dhaxaysa Yurub iyo Afrika oo ay doonyo macbal ah kaga gudbaan.
	Kun qof dad gaadhaya oo Soomaali ah ayaa sanad kasta u tacabira Yurub, iyagoo beegsada safar halis badan oo ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmaan, waxaanay qaar ka mid ahi silic ugu dhintaan badda ama saxaraha u dhexeeya Sudan iyo Libiya.
	Dadka ay dawladda Itoobiya maanta soo wareejisay ayaa badankoodu waxay u dhasheen Somaliland, waxaana xubno ka mid ah oo hadlay sheegeen inay talo xumo ku safreen markii hore balse ay waayo aragnimo badan kala kulmeen socdaalkooda.
	“dhalinyarada reer Somaliland waxaan u sheegaynaa inaanay dalkooda ka tegin oo aanay naftooda ku haligin dariiqaas dhibta badan. Annagu intii aanu dhexda ku sii jirnay waxaan la kulanay dhib badan, waxaanu isdilnay cawaamiin oo qaar naga mid ah waxyeelo badan ayaa soo gaadhay”sidaasi waxa yidhi nin ka mid ah Dhalinyarada tahriibta laga soo celiyay.
	Ninka oo Magaalada Wajaale Warfidiyeenada kula hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay in dalkiisii lagu soo celiyo isagoo nabad qaba.
	Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhowr jeer ka wada hadlay sidii loo xakameyn lahaa dhalinyarada tahriibaya ee isaga gudbaya xadka labada dal, isla markaana ka safraya xagga Somaliland.
	Maaha markii ugu horaysay ee koox tariibeyaal ah laga soo celiyo Itoobiya, kuwaasoo dib loogu soo waabiyay dalkooda Somaliland, balse hadana sii socoshada Kooxaha safraya ee Saxaraha ku sii jeedda ayaa arrin wali taagan oo aan maaro loo helin.
	Inkasta oo aan tiro koob rasmi ah oo la hayaa jirin, hadana dadka reer Somaliland ee sanadkii 2013-kii tahriibay ayaa kor u dhaafaya Boqolaal dhalinyaro u badan oo isugu jira Haween iyo rag, ka mid ah xooggii dalka u soo kacayay, kuwaasoo qaar badan oo ka mid ahi Silic iyo saxariir badan kala kulmeen jidka, qaarna naftooda ku waayeen Badda iyo Saxaraha libiya.
	Dhibaatooyin kale ayaa la soo dersay Tahriibeyaasha, tan iyo markii qul-qulatooyinka siyaasaddeed ka bilaabmeen dalka Liibiya oo ahaa marinka ugu weyn ee ay Tahriibeyaasha Afrika uga gudbaan Qaarada Yurub.
	Gobanimonews
	Gabiley Office
	Email: editor@gobanimonews.com
