Maamulka gobolka Togdheer iyo ka Degmada Burco oo si wada jir ah u dhagax dhigay mashaariic iyo jawaabta ay ka bixiyeen eeddeyn
[caption id="attachment_92192" align="alignleft" width="300"] Maamulka Gobolka iyo ka degmada burco[/caption]Burco(GNA)-Maamulka Gobolka Togdheer iyo ka Degmada Burco ayaa Maanta si wada jIr ah u dhagax dhigay Laba Garoon oo kuwa Kubada Gacanta ah iyo Dayr wayn oo lagu wareejinayo taalada sheekh Bashiir ee Magaalada Burco.
Mashaariicdan oo ay hirgalinayso dawlada Hoose ee Magaalada Burco ayaa waxa ka hadlay dhagax-dhigooda Badhasaabka Gobolka Togdheer,Maayarka Magaalada Burco,Ku Xigeenka Maayarka iyo Xildhibaano ka mid ah Golaha Degaanka Burco.
Masuuliyiintan ayaa ka jawaabay eedayn loo soo jeediyay dawlada hoose ee Burco oo la xidhiidha arrimo dhul dan guud ah.
Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo ugu horayn Goobahaas dhagaxdhiga ka hadlaya ayaa yidhi''halkan waxaa loo qoondeeyay oo dawlada hoose ugu talo gashay in laga dhigo garoon Ciyaareed,Dalku sidan ma ahaanayo wax abaynu u qabanaynaa Burco toban kiiloo mitir oo wado ah oo laamiaga madaxtooyada Hor marta oo kale ah ayaa la samaynayaa,tobankaas wado kharash bay u baahanyihiin kharashkaas ay u baahanyihiin qayb madaxtooyada ayaa bixinaysa,qaybta kalena markii aanu isla eegnay, waxaanu isla garanay in meeshii la odhanjiray iskuulkii siyaad la wayneeyo oo mool wayn oo suuqa laga dhiso. halkaa Booliska iyo Golahaa sheekh bashiir,sadexdaas meeloodba waa la gadayaa (iibinayaa) oo laba suuq oo sidan ay iminkan yihiin si ka bedelan ah ayaa laga dhigayaa” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Togdheer.
“hargaysa ayaa lala yaabi jiray marka la yidhaahdo shacabka ayaa la iibinayaa waxa baa laga qabanayaa,hindiya laynku siduu ahaa waad garanaysaan ,dalku hadii la yidhaahdo sidaa u yahay waxba laga qaban maayo ma soconayso waa la dhisayaa,oo waa la qurxinayaa hadii aynu lacag u wayno dhulkiisaynu isugu celcelinaynaa.”ayuu hadalkiisa raaciyay Guddoomiye Diiriye.
Maayarka Burco Maxamed Yuusuf Cabdi(Maxamed Muraad) ayaa isna sheegay “Maanta waxaynu dhagax-dhigaynaa garoono ciyaareed oo kubada Gacanta oo laba ah si dhalinyaradu ay ugu jeestaan oo anana aanu soo dhawayno oo baahiyahooda wax ka qabano”.
“Hawsha la leeyahay Burco baaskit Bool ayaa la iibiyay,maagaladu meel kaliaya ayay lahayd meel kubada gacmeed lagu ciyaaro meeshiina iskuulkaas cabdale nuuri ka dhisanyahay weeye,halkan laga hadlayaa ee la sheegayaa dadka ka hadlayaa waa dad aan Burco garanayn,ee waa hanuunnintii ama xaruntii xaafada oo waxa laga xukumi jiray xaafada sheekh bashiir,sheek bashiir taalo ayaa lagu magacaabay taaladiina waxaanu u dhagax-dhigaynaa in la qurxiyo oo la dayro,ninka shweekh bashiir dan ka lihi halkaas xashiishka aanu uga taag la’anahay ee la dhigayo wax hanagala qabto.”ayuu yidhi Maayir Muraad.
Maayar Ku xigeenka Mgaalada Burco Muxumad Xasan Jaamac(Xoday) oo isaguna goobahaas dhagax dhiga ka hadlaya ayaa yidhi''Ujeedadayadu waa si isboortiga Gobolku uu u helo jaanis badan waayo goobtii labaad ee Kubada baaskitka ah ayaanu dhagax-dhigaynaa,markaanu dhamaynona Wasaarada Ciyaaraha ayaanu ku wareejinaynaa,degmadayada inaanu hor umarinaa waxay muhiim u tahay Bulshada”.
Xildhibaan Rashiid Faarax iyo Shiine faliidh oo ka mid ah Golaha Degaanka oo iyana goobaha dhagax-dhiga ka hadlaya ayaa sheegay inuu taageersanyahahay wixii Horumar ah isla markaan ay tani tahay wax wanaagasan oo la taabankaro horseed u tahay.
Xubno ka mid ah Asxaabta mucaaridka ah iyo bulshada reer Burco ayaa khamiistii la soo dhaafay eeddeymo la xidhiidha dhul la iibiiyay u jeediyay Golaha deegaanka ee Burco iyo Badhasaabka Gobolka Togdheer, kuwaasoo ay ku eeddeeyeen inay iibiyeen Dhul dan-guud ah.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office
axmedmm9@hotmail.com