[caption id="attachment_90399" align="alignleft" width="300"] Cabdiwali Sheikh kamuu hadlin khilaafka cusub[/caption]Muqdisho(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya  Cabdiwali Sheikh Axmed Maxamed ayaa hanbalyo ku aaddan sannadguuradii 16aad ee ka soo wareegtay asaaskii  maamulka Puntland u diray shacabka iyo xukuumadda Garoowe.
	Puntland ayaa shalay looga dabaal-degay xuska sanad-guurada 16-aad ee aasaaska Maamulkaas oo la dhisay 1998-kii, xilli ay todoba sannadood kaddib Gobollada kale ee Koonfurta Soomaaliya ka socdeen qul-qulatooyinkii bilaabmay markii ay bur-burtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya.
	 Mudane Cabdiweli sheikh Maxamed Axmed oo Jimcihii shalay Warsaxaafaddeed soo saaray ayaa shacabka Soomaaliyeed ee reer Puntland u rajeeyey horumar iyo nabad waarta, isagoo sheegay in 1-daA ugust ay shacabka Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed tusayso sida bulsho isu tagtay ay u dhisi karaan nidaam dowladeed oo shaqaynaya, iyagoo ku dheggan midnimada Soomaaliya.
	Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Puntland ay horseed u tahay Dowlad Soomalaiyed oo mid ah oo ku dhisan nidaamka Federaalka waafaqsan, waxanu xusuusiyey shacabka Puntland in ay mar walba ka sii shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka dalka si loo gaaro dhammaan himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.
	Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka hadlayey munaasibadda 1-da August waxa uu yiri:
	“ Waxaan shacabka iyo Xukuumadda Puntland oo ugu horreeyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ugu hanbalyeynayaa munaasibadda 1-da August oo ku aaddan sannadguuradii 16-aad ee markii la dhisay Maamulkaasi. Dadka reer Puntland waa dad nabad jecel, waxaana ku aammanayaa horumarka dhan kasta ah oo ay sameeyeen mudadii ay jirtay Puntland”ayuu yiri.
	Waxaanu intaas raaciyay“Waxaa wax lagu faano ah sida dimuqraadiyada ku jirto oo maamulka Puntland ku soo dhaqmayey 16 sano ee la soo dhaafay, waxaa xusid mudan doorashadii ugu danbaysay oo runtii muujinaysay bisaylka dimuqraadiyadeed ee ka hanaqaaday Puntland”
	Bogaadin Khilaaf waajahday
	Bogaadinta Reysal-wasaaruhu u diray Shacbiga iyo dawladda Puntland ayaa ku soo aadday xilli dhamaadkii todobaadkii la soo dhaafay uu Madaxweyne Cabdwali Maxamed Gaas uu caddeeyay in Maamulkiisu xidhiidhka u jaray Dawladda dhexe ee uu Madaxda ka yahay Reysal-wasaare cabdiwali.
	Go’aanka Maamulka Cabdiwali Gaas ayaa lagu sababeeyay arrimo ay ka mid yihiin heshiis saddex geesood ah oo arbacadii todobaadkii la soo dhaafay ay wada gaareen qaar ka mid ah maamulad ka jira gobollada dhexe ee soomaaliya, kaasoo hal maamul laysugu geynayo sida heshiiska lagu gaaray.
	Bayaan Garoowe ku beyaamiyay xidhiidh u jarista Muqdisho oo ka koobnaa 7 qodob ayaa laga soo saaray shir ay isugu yimaadeen dhinacyada dawladda ee Maamulkaasi khamiistii la soo dhaafay.
	Puntland ayaa sheegtay : 1-Dawada Puntland waxay ka soo hor jeedaa heshiska maamul usamaynta Gobolada dhexe kaa soo khilaafsan dastuurka dawlada federaalka.
	 
	2-Waxay dawlada puntland aad uga xuntahay ka qaybgalka Xunbnaha Beesha caalamka iyo in ay marhkaarti ka noqoto heshiis khilaafsan dastuurka Dawlada federaalka.
	3-Waxay dawlada Puntland nasiibdaro u aragtaa in madaxdiisare ee dowlada federaalka ay horsed ka noqdaan heshiis ka hor imaanaya Dastuurka dawlada federaalka ah iskana horkenaya Bulshada somaliyeed.
	4-Dawlada Puntland waxay wada tashi ugu yeeraysaa Xubnaha kaga jira Goloyaasha dawlada dhexa ee ka soo jeeda deeganada Dawlada Puntland muddo 15 casho gudahood, ugu dambeyn 15 August 2014.
	5-Dawlada Puntland waxay dib ugu yeeraysaa xubintii uga wakiilka aheyd Gudiga dib u eegista Dastuurka Marwo Caasha Geele Diriye.
	6-Dawlada Puntland waxay go aan ku gaartay inay gabi ahaanba joojiso wixii xiriir iyo wada shaqayn ah ee ay la lehayd dawlada dhexe ee federaalka.
	7-Dawlada Puntland waxay cadaynaysaa wax ala wixii dhib ah ee ka yimaada heshiiskaas aan sharciga ahayn ee mamul u samaynta Gobolada dhexe ee lagu sheeganayey qayba ka mid ah Deegaanada Puntland ay mas uul ka tahay dawlada federaalka ah.
	Reysal-wasaareha Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhambaalka uu u soo diray Garoowe aan kaga hadlin mawqifka xukuumaddiisa ee la xidhiidha go’aanka Puntland.
	Gobanimonews
	Muqdisho Office
	Email: editor@gobanimonews.com
