Daawo Muuqaaladii foosha Xumaa ee ciyaartii Xulalka N Ireland iyo Mexico ee Koobka Milk Cup, Ciyaaryahan Ciyaaryahan kale oo dhulka loogu tuuray Si Ula Kac ah ugala daba tagaya madaxana Laag isla Kala jiidaya oo ku dhufanaya.
Ciyaartii xulalka Mexico v Northern Ireland ee Dadoodu 19 jirada ka hoosayso oo ku tirsanayd koobka Milk Cup, Arbacadii dhex martay ayaa isku bedeshay xaalad dagaal iyo mashaqo kadib markii badi ciyaaryahanadii labada qaran dagaal qadhaadhi dhex maray ciyaartuna ka socon weyday fawdo xoog leh oo hadhaysay.
Muuqaalkii ugu xumaa wuxuu dhex maray laacibiinta reer Mexico ee Raul Monala Gudino, Carlos Arreola, iyo laacibiinta xulka Northern Ireland ee Robbie McDaid kuwaas oo dagaal qadhaadh kadib garoonka lagaga saaray kaadhka casaanka ah.
Arinkale oo fool xun ayaa iyana dhacday wax yar uun ka hor dhamaadkii ciyaartii, markaas oo ciyaaryahan reer Mexico ahi uu isku dayay inuu Madaxa laag xoog badan kaga dhufto mid kamid ah xidigaha Ireland, arintaas oo sababtay in garsoorihii ciyaarta dhex dhexaadinayay go’aan sado in ciyaarta la soo af meero iyadoo xulka woqooyiga Ireland ay ku hogaaminayaan 2-1.
Ceebtii ugu weynayd ayay ahayd kubada cagta , kadib fawdadan ka dhalatay kulanka dhex marayay labada xul ee midna qaarada Latin America ka soo jeedo midna qaarada Yurub, ciyaartaas oo 4 ciyaaryahan kaadhka casaanka ah loo taagay kahor intii aanu garsooruhu dhamaadka ciyaarta soo dedejinin.
Daawo:
[video width="480" height="480" mp4="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/3C24477F6C1106385042223132672_14067567416926bfab8fac6.mp4.mp4"][/video]