Tababaraha naadiga Chelsea, Jose Mourinho ayaa ku adkaystay in aanu Fernando Torres dhaafaynin xayn-daabka kooxda Chelsea ee uu ku negaanayo xili ciyaareedka 2014-15 , xataa haddii kooxdu ku guulaysato soo xero gallinta weeraryahnka sida weynloogu xidhiidhinayo ee naadiga Paris Saint-Germain, Edinson Cavani.
Weeraryahanka reer Spain oo aan loo bogin qaab ciyaareedkiisa xiliyadii u dambeeyey oo dhan ayaa loo badinayay inuu sanadkan ka baxayo xerada Stamford Bridge, laakiin wariyaha shabakada ciyaaraha ee Sky Sports , mr O’Rourke ayaa ka soo xigtay tababare Mourinho Hadalkan, “Torres wuxuu joogayaa kooxda woqooyiga London.” waxaanu wariyuhu hadalkaas ku qaybiyey bartiisa Twitter.