Friday, August 1, 2014

Goorma ayaa Kastankii Kalabeydh loo soo Raray Banka Wajaale Halkeyse Mareen Ciidanka Turbataariyadu.


waxaney igu yidhaahdeen maxaad laamiga uga soo dagtey,waxan ugu jawaabey muwaadin ayaan ahay doonaya




waxa aan shaki ku jirin in ay sameysantey shabakad isku xidhan oo jaad cashuuradda iyo khudrad cashuurayaasha oo dhinaca iyo masuuliyiinta kastamada Kalabeydh.Wajaale iyo jeekinka Abaarso.Shabakadan oo ku heshiisey in ay sameeyaan nidaam lagu lunsanayo Dakhli aad u farabadan.waxad arkeysaa habeenkii haddi aad soo marto jidka u dhexeeya Kalabeydh iyo Togwajaale Gaadiid dabada iskula jira meel aan ka fogeyn jidka.una jirta qiyaas laba boqol oo mitris,Gaadiidkaasi oo ay ka mid yihiin kuwa Jaadka ka keena Ethiopia Iyo kuwo khudrada keena,maaha arin qarsoodiya gaadiidkan ayaa mara jid rafa oo maqaaxida inanta koonfur




ka soo gala,haddii salaad subax hargeysa ka soo baxdo waxad arkaysaa gawaadhi is eryaneysa oo jidka laamiga u kala borotamaaya,hadaba networkan ayaa ah mid sii balaadhey labadii habeen ee u dambeysey waxan isku dayey in aan ku leexdo gaadiidkaasi si aan u hubiyo shidanaaba shidan markii aan ku dhawaadey ayaa waxa iga horyimid qaar ka mid ah shaqaalaha Kastanka Kalabeydh,waxaney igu yidhaahdeen maxaad laamiga uga soo dagtey,waxan ugu jawaabey muwaadin ayaan ahay doonaya in uu xaaladaha deegaanka iyo ammaankaba wax ka ogaado,balse waxa ay iigu jawaabeen hawshaada maaha ee iska noqo,waxan wargaliyey maamulaha kastanka Togwajale wuxuu iigu jawaabey ilaahey haddaad taqaanid sheekadaasi cid kale ha u sheegin,hadaba waxa wax lala yaabo ah  lunsiga cashuurtan iyo dayaca ka muuqda xarunta wasaarada ee Togwajaale maaha wax loo dulqaadan karo,waxad arkeysaa dadkii wax loo cashuurayey oo banaanka qoraxda iyo roobka taagan ,dhismaha kooban ee ku yaala xataa suuli malaha Baarkin gaadiidka la dhigto malaha,waa meel loo soo shaqo tago oon dib wax loogu celin,Wasiir Samaale waxan leeyahay dib u xasuusa hadaladaadii wakhtigii Kaambeynka waxa ka mid ahaa Halkani Ma Garoonkiiba,looma baahna kormeer duhur la yimaado ee hoos u dhaadhac,dadka dakhliga in soo galinaayana aynu u samayno meel ay roobka ka galaan




Wabillaahi towfiiq




By Mustafa sh