Abwaan Nimco Gabaydo oo laga joojiyay Gabay ay fariin ugu dirayso Marxuumka iyo Sheikh Aadan Siiro ku Taliyay in la daryeello qoyskii uu ka tegay + 7 Wasiir oo markii u horaysay ka qayb-galay xuskiisa afartii sanno ee u dambeeyay
Hargeysa(GNA)-Munaasibad Balaadhan oo lagu xusayey sanad guurada 12aad ee ka soo wareegtay Geerida Madaxweynihii hore ee Somaliland Alle ha naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa caawa lagu qabtay Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, taasoo ay ka soo qayb-galeen todoba ka mid ah Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda, xubno tiro yar oo ka socday Asxaabta Mucaaridka iyo Marti-sharaf isugu jira Goleyaasha dawladda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Xafladan ayaa waxa qabanqaabaddeeda iska lahayd Marwada uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo sanad kasta Xafladan oo kale qabata Saddexda Bisha May oo ku beegan Maalintii uu ku geeriyooday marxuumku Magaalada Pertoria ee Dalka Koonfur Afrika.
Hase ahaatee xafladan ayaa ahayd caawa mid ay Xukuumaddu aad uga dhex muuqato oo ka gedisan munaasibadihii hore, taasoo aanay door ka qayb gal oo muuqda ku lahayn Asxaabta mucaaridka oo inta badan sanadihii hore habeenkan oo kale xukuumadda kaga firinfircoonaa xaflada.
Xafladan ayaa ahayd mid aad uga dhowrsoonayd Dhaliilaha Xukuumadda, isla markaana dadkii ka hadlay oo u badnaa dadkii ay soo wada shaqeeyeen Marxuumka ee Goleyaasha dawladda ku jira ay aanay soo hadal qaadin dayaca qoyskii uu ka tegay iyo Taariikhdiisii.
Sheikh Aadan Siiro iyo Abwaan Nimco Gabaydo
Hase ahaatee Sheikh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey oo ka mid ah Culimo-awdiinta dhanka Siyaasadda iyo arrimaha Bulshada ku soo qaada mawaadiicda Diiniga ah ee uu qabto iyo Gabadh Abwaanad ah oo Magaceeda la yidhaahdo Nimco Gabaydo, ayaa hab suugaaneed iyo hadal caadiyaba dhaliilo ugaga soo jeediyay xukuumadda sida loo dayacay Taariikhda Marxuumka iyo Qoyska uu ka tegay.
Sheikh Aadan Siiro ayaa xukuumadda u soo jeediyay inay waxtar muuqda u fidiso qoysaska uu Marxuumku ifka kaga tegay, kuwaasoo uu sheegay inaanu uga dhiman Hanti Maaliyaddeed iyo Guri ay degaan toona, waxaanu sheikh soo jeediyey in Guri loo dhiso qoyska marxuumka. Wixii kale ee la tari karana la taro.
Geesta kale, Abwaan Nimco Gabaydo ayaa xafladaasi ka tirisay laba Gabay oo midkoof Baroor diiq ahaa, ka kalena ay kaga waramayso sida loo marin habaabiyay hanaankii hogaamineed ee uu dalka u jeexay, isla markaana loogu noqday xaaladihii qalafsanaa ee uu dalka ka soo saaray qaarkood oo ay qabyaalada iyo kala qaybsanaantu ka mid tahay.
Abwaanadda ayaa Gabayga Dhaliisha ah ee ay xaflada ka tirisay laga joojiyay, iyadoo aan dhamaystirin tuducyo kooban oo ay ugu talo-gashay inay halkaasi ka shaaciso, iyadoo sida ay sheegtay ku talo-galkeedu ahaa inay gaddaal ka soo saarto gabaygaas oo dhamaystiran.
“horta Gabaygani wuxuu ahaa mid xalay uun aan hal-abuuray oo igu soo dhacay, waxaanu ka waramayaa wacyi-ga siyaasiga ah ee dalku marayo oo aan sawir kaga bixinayo xaaladaha jira iyo waxa isbedelay, markaa maan rabin inaan dhamaystiro ee waxaan doonayay uun inaan in yar oo hordhac ah sii shaaciyo, dabadeed markaan dhowr Eray sheegay ayaa laygu dhegay oo layga codsaday inaan joojiyo.
Kaddibna waan joojiyay markii Mikirifoonka laygu qabsaday, runtiina waa gabay uun xaalada taagan iyo halkuu Marxuumkii inagaga tegay aan isku barbar dhigayo, waxaana Gabayba la yidhaahdaa Wali maan is dhalan rogin”ayay tidhi oo la hadashay Wariyeyaasha Gobanimonews markii Munaasibadda laga soo dareeray.
Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo ah Xaaska Marxuum Cigaal ka Geeriyooday, ayaa suugaanyahanadda ka badh qabatay Gabaygan, iyadoo sida muuqatay u tudhaysa Masuuliyiinta Xukuumadda ee Xafladda buuxayay, taasoo dadkii kale ee marti dharafta ahaa ka biyo diideen.
Xukuumadda iyo Xulafaddeeda
Geesta kale, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo laba xubnood u hadlay Asxaabta Mucaaridka ah ayaa munaasibadaasi kaga waramay Taariikhda AHN Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa madaxweynihii dhidibada u taagay dawladnimada Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, Xildhibaan Muxumed Aw-cabdi oo Golaha Guurtida ka tirsan iyo xubno kale oo xafladaasi ka hadlay, ayaa iyaguna si qoto dheer uga waramay taariikhda Marxuumka, waxaanay dhamaantood masuuliyiintaasi si isku mid ah u beyaamiyeen inay muhiimad qaran tahay xuska AHN marxuum Cigaal.
Waxay intaasi ku dareen inuu Marxuumku u qalmo in loo xuso meeqaam ka sareeya habka hada loo xuso, iyagoo ku taliyay in la qoro, la kaydiyo taariikhdii hogaamineed ee uu waddanka kaga tegay, lana dhowro dhaxalkii siyaasaddeed ee uu taagay, kaasoo ah ka ay Maanta Somaliland wali ku dhisantahay ee laga cunayo Midhihii uu ku beeray.
Mucaaridkii adkaa waa lag waayay Xaflada
Si kastaba ha ahaatee xafladan ayaa caawa waxaan ka dhex muuqan siyaasiyiin badan oo safka hore kaga jiray Xafladihii hore, kuwaasoo lays waydiinayo sababta ay uga maqnaayeen, isla markaana dadka qaar ku fasireen inay ka baaqdeen markii ay xukuumaddu ka dhex muuqatay qaban-qaabada Munaasibada.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com