Caynabo(GNA)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa la sheegay inuu ku tegayo Safar uu Maanta kaga ambo-baxay Caasimada Hargeysa, Deegaamada Buuhoodle, laba sanno ku dhawaad kaddib markii uu halkaasi ka soo tegay.
Xaglo-toosiye ayaa Maanta ka baxay Hargeysa, waxaanu caawa ku hakaday Magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar, sida ay Wariyeyaasha Gobanimo ku soo waramayaan.
Ilo-wareedyo ku dhadhow socdaalkiisa oo ku sugan Hargeysa, ayaa Gobanimonews u sheegay inuu Buuoodle Booqanayo, halkaasoo ay dhaqdhaqaaq siyaasaddeed ka waddaan Maamulka Khaatumo, gaar ahaan hogaamiyeyaasha Nusdambeedka ugu jira kooxda hogaamisa Maamulkaasi.
Lagama hayo war faahfaahsan habka iyo qorshaha uu ku tegayo Deegaankan oo uu siyaasad ahaan ka soo googoostay markii uu dhinaca Somaliland u soo talaabay laba sanadood iyo dheeraad ka hor, balse ilo-wareedyada ayaa sheegaya inuu doonayo inuu ku dhex dhaco hawlaha uu halkaasi ka waddo Dr. Cali Khaliif oo lid ku ah Somaliland.
Xaglo-toosiye ayaa dhalasho ahaan ka soo jeedda Buuhoodle oo ka soo horjeeda Siyaasadda Somaliland, taasoo markii uu xagan u soo wareegay la filayay inay gacanta Somaliland soo gasho, balse aanay wali waxba ka soo naaso caddeyn.
Socdaalka uu hada ku baxay ayaa hadii uu dhab noqdo oo uu Buuhoodle tago guul siyaasaddeed u noqonaysa Xukuumadda uu ka tirsanyahay iyo Somaliland, taasoo hadii uu qorshe cad iyo Maslaxad nabad-gelyo kala kulmo, kana sameeyo isbedel siyaasaddeed wax badan ka bedelaysa xasiloonida Gobolkan oo afar sanaddood colaadi kaga furnayd Somaliland.
Laakiinse arrintan aan wali caddeyni waxay tahay inuu tegayo Buuhoodle ama deegaanada ku dhadhow iyo inuu safarkiisa meel kale u jihayn doono.
Mar aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino socdaalkiisa ayaanay noo suurto gelin, balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa inuu sawir cad yeesho safarkiisa Gobollada Barri ee Ilo-wareedyada aanu helnay dhinaca Buuhoodle u aanneeyeen.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com