Sunday, May 4, 2014

Sii Beero Beerta Aakhiro!!!


Qof haduu beer beerto dabeeto mudan badan daryeelkeeda iyo nidaaminteeda ku gacmo iyo garbo beelo wakhti fara badana ku lumiyo markii ay goosi gaadhayna laga cashayn waayo oo ay khasaarto isla markaana waxba laga soo jari waayo intaana ka shaqaynta uu roobku hahar beel ugu shubaayey waxaa jirta bara ka beele garo waa inaad garataa in wax kaa qaldan yihiin waxaasi uu u baahan yahay in la saxo oo la hagaajiyo si looga badbaado khasaare labaad.




 hadaba sidaa waxa ka dhigan ubadka oo ah waxa ilahay inagu arzaaqo waxa ugu qaalisan waayo waa waxa kaliya ee aan tol iyo qaraabo midna kusiin Karin ilahay mooyaane, ubadaku waa beerta beeraha aduunka ugu qaalisan haday kuu hagaagaana waxaa kuu hagaagaysa aduunyada iyo aakhirada intaba haday kaa xumaadaana waxaa kaa xumaatay aakhiro iyo aduunba.




 sida uu inoo sheegay NABI MUXAMED NAXARIIS IYO NABAD GALYO KORKIISA HA AHAATEE waxaa uu yidhi marka uu qofku dhinto camalkiisii waa la jaraa saddex mooyaane saddexdaasina waxay kala yhiin kuwan hoos ku yaala:




 




1: sadaqo jaari ah oo uu labaxay intuu noolaa sida inuu masaajid dhisay ama ceel biyood iyo wixii lamid ah.




 




2: cilmi naafic ah oo uu ka tagay sida isaga oo muxaadirooyin duubay oo ilaa hada lasii manaafacaadsanaayo.




 




3: walad saalix ah oo u soo duceeya sida isagoo wiil ama gabdh uu dhalay diinta ilahay ku barbaarshay dabeeto ay hadh iyo habeenba ay ducada u soo miisayaan oo dhahayaan ilaahow waalidkayo u naxariiso oo u danbi dhaaf.




 




sidaa awgeed ayey tahay in qofku intuu noolyahay ee uu aduunka joogo sii shaqaysto oo diyaarsado zaadkii aakhiro hadii ilahay ubad siiyeyna ku dadaalo inuu baro diinta islaamka oo iska xil saaro barbaarintiisa iyo daryeelkiisa si uu hadhaw u gurto midhaha macaan ee ducada u badakiisa aduunyada iyo aakhiraba.




 




markaad ubadkaaga diinta islaamka ee qaaliga ah ku barbaariso waxaad arkaysaa intaad nooshay midhahaagii iyo tacabkaagii waayo markastood aragtaba waxaad ka sii qaadaysaa farxad iyo wanaag waxay kugu dhahayaan qawl ama hadal wacan oo kaa farxiya sidaa cagsigeedana wax kaa nixiya arki maysid insha allah.




 




waxaa kale oo iyana mudan inaan ku dadaalo sadaqada jaariga ah oo mid aan waligeed kaa dhamaanahayn ifka iyo aakhiradaba inta u madu manaafacadsanaysana waxaa kuu soconaaya ajar qayra caadi ah oo fara badan.




 




dhinaca kale waxaa iyana labada hore la socota oo lagama maarmaan ah inaad cilmiga sharciga ah ee shareecada islaamka barato dabeetana aad dadka sii barto adigoo ka wada ilahay dartii taasina waxay ku anfacaysaa inta raadkeedu sii jiro ee lamanaafacaadsanaayo.




 




guntii iyo gaba gabadii waxaan leenahay oon ku baaqaynaa walaalayaal aan beerano beerta aakhiro si aan uga badbaadno cadaabka ilaahay ee daran una kasbano janooyinka iyo naxariista ilaalahay ee qaaliga ah.




 




            W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)