Xukuumadda oo Beri Casuuntay Wefti dhaqameedka Muqdisho ka yimi, Dadweynaha oo dareen xaasaasiya ka qaaday iyo Wasiirro Dhaqaale raadis ah oo horboodaya..
Hargeysa(GNA)-Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland ayaa Xukuumadda ka dalbaday inay la kulmaan wefti dhaqameed ku sugan Magaalada Hargeysa oo Koonfurta Soomaaliya ka yimi.
Weftigan oo ka kooban konton Hogaan dhaqameed oo shalay si degen loogu soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa, ayaa ujeedada socdaalkooda ku sheegay inay aqoon korodhsi ay ka doonayaan inay Somaliland ka bartaan nidaamka saldhiga u ah dawladnimada iyo nabad-gelyada, taasoo ay ku tilmaameen inay ka madaxbanaantahay siyaasada labada dawladdood ee ka jira Muqdisho iyo Hargeysa.
Mawqifka Xisbiyada iyo Casuumaada Beri
“xukuumadda waxaanu waydiisanay inaanu la kulano oo waxay u socdaan aanu ka waraysano, markaa kolka aanu waraysano, hadii aannu aragno in waxay u socdaan qaranimada Somaliland ka hor imanayso waxaanu doonaynaa inaanu umadda u soo bandhigno”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay xubin sare oo ka mid ah Xisbiga UCID.
Xisbiga Ucid ayaa sheegay inay Guddi ka kooban labaataneeyo xubnood u saaray kulanka Berri dhex mari doona Odayaasha oo ka dhici doona sida la xaqiijiyay Hudheelka Ambasador.
Xubnaha Xisbiga Ucid ee la kulmay weftiga waxa hogaaminaya ku-simaha Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi Cabdinaasir Yuusuf (Qodax).
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sida la sheegay casuumaadii ugu horaysay oo qaddo ah Hudheelkaasi ugu samaynaysa Weftigan, waxaanay labada xisbi iyo xukuumaddu isku waafaqeen sida la xaqiijiyay in kulanka Mucaaridku la yeelanayaan uu ka hor maro Qadadada loo sameeyay Odayaasha.
Labada xisbi oo dalabkan ku midaysan, ayaan la ogayn inay ka soo wada qayb-geli doonaan iyo in kale,walina xisbiga waddani muu cadeyn arrintaasi.
Doodda Xukuumadda
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa maanta warbaahinta u sheegay inay Odayaasha Reer Muqdisho u socdaan arrimo dhaqan iyo aqoon korodhsi .
“waase markii ugu horaysay ee wefti noocan u abaabulan ay Somaliland u arrimo siyaasad salka ku haya, wajiga ay doonaan ha u yeeleen dawladda iyo Odayaashuye.
“Qolada ka timid Soomaaliya waa kontomeeyo. Waxay ka socdaan Shacabka Soomaaliya. Waxay iskugu jiraan, Oday dhaqameedyo, Ganacsato iyo Odayaal kale iyo Wax garad. Socdaalkooda u jeedadiisu waxa weeye inay arkaan waxa Somaliland qabsatay oo ay ku hambalyeeyaan, in Somaliland ay wax ka bartaan, wixii kale ee ka soo baxana Oday dhaqameedyada dhigooda ah ee Somaliland way is arkayaan, maantana qadada u horaysa waxaa u sameeyay oo casuumay Salaadiinta Somaliland oo isku dhan” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay isagoo sii wada u jeedada socdaalkooda “Laakiin, Kolay inta badan waxay noqonaysaa waxay inaga baranayaan ee ugu muhiimsani inay noqoto sida nabada loo ilaashado iyo sida Somaliland-nimada loo ilaashado. Markaa iyaguna Somalia dooda ayay ilaashan doonaan inana Somaliland-teena ayaynu ilaashanaynaa sida qaranimada loo dhisana way inaga baran”.
Madaxdhaqameedyo Maanta la kulmay
Oday dhaqameedyadan ayaa Maanta kulan ilaa gelinkii dambe jilbaha laysu laabay, la yeeshay Isimadda Somaliland ee Magaalada Hargeysa ku sugan.
Kulankaasi ayaa ahaa mid Majlis iyo Madal qado labada ka dhacay, balse aanay Saxaafaddu goob joog ka ahayn oo laga qariyay.
Dareenka Dadweynaha
“waar haday Midnimo sidaan iyo haday ujeeddo kale u socdaanba dalka dadka ayaa ilaashanaya Siilaanyo-na ka yeeli maayaan inuu Xamar geeyo”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Mustafe Maxamed oo ka mid ah dadka garaadsaday 23-kii sanadood ee Somaliland dhisnayd oo ah kuwa ugu ad adag arrimaha qadiyadda.
Dadweynaha ayaa si aad ah u hadal haya imaanshiyaha Weftigan, waxaana muuqata inaanay bulshadu firkirad cad ka haysan waxa lagu micnayn karo isusocodka abaabulan ee markii ugu horaysay dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya, tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday gooni-isutaaga 1991-kii.
Dadka badankiisa ayaa isweydiinaya cida casuuntay Weftigan ee ay Hargeysa u yimaadeen iyo cida qabaysa Kharashka marti-soorkoodda.
Cida Casuuntay
Ujeeddada ay doonto haka lahaatee, xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa casuumadda iyo Qarashka Odayaashan bixinaysa, isla markaana cid kasta oo la kulmaysaa u sii maraysaa.
Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada ee xukuumadda ayaa horseed u ah kool-koolinta iyo keenida weftigan Muqdisho ka yimi, kuwaasoo farta lagu fiiqayo inuu ka mid yahay Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi.
Xidhiidhka labada waddan ee kala fog
Xidhiidhka labada waddan ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa hada inta laga warqabo ku kooban wadahadalada aan waxba laysla meel dhigin ee ay xukuumadduhu yeesheen labadii sanadood ee la soo dhaafay.
Wadahadaladaasi ayaa hadii labada dhinac metelayaashoodu ay daacad ka yihiin mawqifyada ay kala taaganyihiin, aad u kala fog.
Somaliland ayaa doonaysa Madaxbanaani dawladnimo inay u aqoonsato Muqdisho.
Dawladda Federaalka oo sida muuqata abaabulka Odayaashan dabada ka soo riixday ayaa aaminsan inay Midnimada Soomaaliya Muqdisho lama taabtaan tahay, hase ahaatee wadahadal lagu xaliyo waxa ay Somaliland tabanayaan.
Labadan qodob midna wali lagama wada hadal, laakiinse waxa lagu war wareegayay kulamadii hore wadaaga dhaqaalaha iyo sidii xidhiidh u furmi lahaa.
Wadaagga Dhaqaalaha ayaa u muuqata mid aan qadiyada Somaliland lagu iibsan Karin, balse ay danaynayaan ashkhaas xukuumadda ka tirsani, marka la eego dareenka Bulshada.
Hase ahaatee sida ay aaminsanyihiin dad badan oo ka mid ah indheer garadku waxa soo baxaya in rabitaanka Somaliland ee adag ay shiiqiyeen kulamada dhaqaalaha lagu kala goosanayo ee ay xukuumadda Siilaanyo albaabada u furtay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com