Wasiir Xaashi oo mar kale ku kacay Talaabo Dhiiri-gelinaysa ku tumashada Xuquuqda Shaqaalaha iyo shaqo la’aanta Dhalinyarada…
Hargeysa(GNA)-Siddeed ka mid ah Shaqaalaha qaybta Ammaanka ee Madaarka Hargeysa ayaa la eryay, maalintii shalay, kuwaasoo laga madnuucay inay soo galaan gudaha Madaarka.
Mid ka mid ah Shaqaalahan la eryay oo magaciisa qariyay ayaa Gobanimonews u u xaqiijiyay inay Maalintii shalay warqad shaqada lagaga eryo oo xataa gudaha Madaarka lagaga madnuucay ugu tageen afaafka hore ee Madaarka laga galo, laakiinse aan sabab lagu eryay loo sheegin.
Sarkaalkan hore uga hawl-geli jiray Madaarka ayaa eriga Shaqaalahan ku eeddeeyay Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, kaasoo sida la sheegay Nimankan uu eryay ku bedelay 11 qof oo kale oo ay sida la sheegay wasto lagu keenay.
Shaqaalahan la eryay ayaa waxay ka shaqayn jireen qaybta Ammaanka ee Madaarka oo si wacan loo qalabeeyay sanadkii la soo dhaafay, waxaana maamusha Shirkadda Nasha oo gacanta ku haysa addeegyada Madaarada Somaliland.
Wasaaradda oo is difaacday
Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Duulista Hawada oo Eriga Shaqaalahan iyo Eedaha wasiirka loogu jeedinayo Gobanimo wax ka waydiisay, ayaa ku dooday inay Shirkadda NASHA ee ay u shaqeynayeen erigaday, laakiinse aanay wasaarad ahaan wax shaqo ah ku lahayn.
Sarkaalkan ayaa eeddaha iyo tafaasiisha warkaasi dhinac Shirkadda NASHA uga leexiyay Wasaaradda Duulista iyo Wasiir Xaashi.
Dhaliilo kale
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Shirkaddan Wasaaraddu ku leexisay Eedda, noomanay suurto gelin inaanu helno, hase ahaatee warar kale oo madaxbanaan oo aanu helnay ayaa sheegay in Wasiir Xaashi Shirkadda u gudbiyay Magacyada xubnaha la eryay, kana dalbaday in la caydhiyo.
“meesha waxa ku rakiban Kamaraddo, kamaradaahaasi ayuu wasiirku dib u daawadaa, dabadeed qof kasta oo uu arko isagoo qof soo degay caawinaya wuu eryaa.markaa waa inaanad qofna caawin”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay sarkaal kale oo Madaarka ka hawl-gala.
Dadka Shaqada laga eryay ayaa dhamaantood sida la sheegay ah Dhalinyaro sannado badan ka shaqaynayay Madaarka, kana soo qayb-qaatay horumarinta lagu sameeyay Addeegyadiisa oo wax badani iska bedeleen.
Shaqaalle hore oo la eryay
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa hore loogu eeddeeyay inuu sabab la’aan u eryay shaqaale badan oo qaybaha madaarka shaqeynayay, kuwaaso arrimo khaas u ah Wasiirka shaqadooda ku waayey.
Wasiir Xaashi
Maxamuud Xaashi Cabdi , Wasiirka Duulista iyo Hawadda, ayaa inta badan ku faana in Madaarada dalka laga shaqaaleysiiyey Dhalinyaro badan intii uu xilka hayay.
Sida laga warqabo shaqaale tiro badan ayaa sanadkii hore loo qaatay qaybaha cusub ee lagu kordhiyay Madaarka, sida qaybta amniga oo ay Hay’adda IOM oo gacan ka helaysa Dawladda Ingiriiska iyo Mashaariic kale oo dawli ahi gacan weyn ka geysato shaqaddeed, bixisana Mushaharka dadka ka shaqeeya.
Shaqo la’aanta dhalinyarada
Hase ahaatee Erri Waddareedka Shaqaalaha Madaarka ee soo noqnoqotay, ayaa muujinaysa Maamul xumo iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda Shaqaalaha.
Waxaanay dhiiri-gelinaysaa in si fudud qof Shaqaale dawladdeed ah oo xuquuq ku leh waddanka iyo dawladdaba loo eryo.
Sidoo kale, talaabooyinka noocan ahi waxay sii culaysiinayaan Shaqo la’aanta baahsan ee wali haysata Dhalinayada dalka iyo nolosha adag ee bulshada inteeda badani la daalaadhacayaan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com