Friday, May 9, 2014

Madaxtooyada oo Gawaadhi iyo Lacag Sooryo ah siisay Garaad Jaamac G. Ismaaciil


Siyaasiyiin iyo Odayaal la socday oo shalay Laascaanood u ambo-baxay, markii min gaadhi la siiyay iyo Garaad Jaamac oo ka daba tegaya…




GaraadaHargeysa(GNA)-Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale iyo Odeyaal kale oo qaarkood la socdeen,kuwana Hargeysa kaga biireen marti-gelintiisa, ayaa sida la sheegay xukuumadda Somaliland u siisay Gaadiid tiro badan iyo qadar lacageed oo sooryo ah.




Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo xubno  hore uga tirsanaa Maamulka la baxay Khaatumo ee Bariga Sool iyo Buuhoodle ku sugan, ayaa dhawaan u soo wareegay Somaliland,isla markaana ay dhawaan wasiiro ay ka mid yihiin wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi cali X.xasan iyo Wasiirka Hawlaha Guud C/risaaq Khaliif kasoo galbiyeen Magaalada Jabuuti,halkaas oo ka soo kaxayntiisa  iyo soo jiidashadiisa ay xukuumadu kharash badan ku isticmaashay.




Sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen  Garaadka iyo xubno odayaal iyo siyaasiyiin ah oo maalmahan ku lamaanaa ayaa shalay lagu wareejiyay  gaadiid tiradoodu gaadhayso Toban gaadhi oo nooca qaaliga  ah, lacagtoodana lagu qiyaasay ilaa Boqol iyo konton kun oo Doolar  iyo waxoogaa lacag ah.




Gaadiidkaas oo sida la sheegay weftiga loogu  reebay Madcarada ay  Madaxtooyadu xidhiidhka  la leedahay, isla markiiba uu garaadku u qaybiyay Odayaal iyo Cuqaasha la socday,waxaanu Garaad Jaamac kala hadhay Hal gaadhi oo uu kaxaystay isagu.




 wararku waxa kale oo ay intaas ku darayaan in  garaadku lacagta la siiyay ku ambo-bixiyay Odayaasha oo isla shalayba u baxay Laascaanood, si ay ka sekow dib u noqoshadooda, ugu sii gogol xaadhaan Safar uu ku tegay Magaalada Laascaanood iyo deegaamada kale ee uu hogaan dhaqameedka u yahay oo intii uu  khaatumo hogaaminayay aanu cag soo dhigin.




Garaad Jaamac oo ay isku jifo yihiin Wasiirka wasaarada Hawlaa Guud C/risaaq Kaliif ayaa Beesha ay kasoo jeedaan ee Jaamac siyaad waxay si Mug leh u taageersanyihiin Somalinad.




Doodda ayaa ka dhalatay arrintan Bulshada dhexdeeda.




lama diidana in Qof madaxdhaqameed ah ama Bulshada Somalilan magac ku leh in meeqaam sare lagu qaabilo,laakiin waxay su’aasha is wadiinta lehi tahay ,Bulshada Somaliland calaa qof maw heli kartaa Boqol iyo konton kun oo doolar,maxaa se sababay in hantida intaas leeg la galiyo hal shaqsi maadaama ay garaadka beeshiisu hore u wada taabacsanayd  Somaliland isla markaana uu hore u joogay magaalada hargaysa Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale oo ay walaalo yihiin Garaadka sidan loo kool-koolinayo, kana wayn .




Garaad  Cabdirashiid ayaa dhawaan sheegay inuu Walaalkii jaamac Saldanada ka leeyahay oo uu isagu ka waynyahay, balse  Beeshoodu si  ay lisku khilaafsantahay u caleemo saartay labaddoodaba.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com