Washington(GNA)-Waftigii uu hoggaaminaayay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa gaadhay Caasimadda waddanka Maraykanka ee Washington DC.
Waftigan oo ay xubno ka yihiin Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabilay) iyo Marwo Sacdiya oo ka tirsan guddida qaran ee dhismaha wadada Ceerigaabo.
Waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha, Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf, Guddoomiyaha Jaaliyada Washington Xaashi Ismaciil iyo dad weyne kale oo ka tirsan Jaaliyada Somaliland.
Waftiga oo garoonka lagaga soo galbiyay gawaadhida martida waxaa la dajiyay goobihii loo sii diyaariyay iyadoo marti-qaad qado sharaf ah loo sameeyay, madaama ay ku beegmeen xiligii qadada taasi oo loogu sii talo galay.
Safiirka Somaliland ee waddanka Maraykanka Rashiid Gaaruf oo ka hadlay socdaalka Waftiga wuxuu sheegay inay jaaliyadaha kala qayb gali doonaan xusaska munaasibada qaran ee 18 May.
Wasiirka Madaxtooyada Xirisi Cali Xaji Xasan oo isna geestiisa ka hadlay ayaa u mahad-naqay dadkii ku soo dhaweeyay Magaaladda Washington DC, isagoo ugu bushareeyay inay munaasibada qaranka la ciidi doonaan.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay waftigu ka qayb galaan munaasibado kala duwan oo kuwaas oo lagu kala qaban-doono magaaloyin kala duwan oo ku kala yaala waddamada waqooyiga Ameerika.
Xaflada ilaa hada 17 May loogu sii diyaariyay ku soo dhaweyntooda waxa ka mid ah mid ka dhacaysa Gobolka, Seattle Washington.
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com