Thursday, May 15, 2014

Musharaxnimada Muuse Biixi oo la Taageeray


ARAAR




Aadamuhu wuxuu dabeecad u leeyahay inuu si caadiga uga dareen celiyo is- badalada ku hareeraysan iyo duruufaha cusub ee hadba la soo darsa waayaha noloshooda, sidaasi darteed anagoo ah dhalinyarada Beelweynta Habar-Awal waxaanu jecelnahay in  aanu  ka fal celino waxyaabaha ku cusub suuqa siyaasadda Somaliland oo lagu tilmaamo iney tahay mid ku dhisan dimuqraadiyada ku salaysan beelaha.




 




Sidaad la wada socotaan waxa dhawaan hankiisa Musharaxnimo ka dhawaajiyey Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi kaasoo si cad u sheegay inuu xisbigu kulmiye dhexdiisa iska sharaxi doono si uu ugu tartamo doorashooyin la qorshaysan 2015




 




Mudane Muuse Biixi waxa uu ka gayeysan waayey in hankiisa soo bandhigo isaga oon cidna xagal-daacinayn, waxa uu isku arkay inuu yahay maanta shakhsi ku haboon inuu tartamo, waxa uu garwaaqsaday maadama laba jeer uu isbarbartaagay Siilanyo in isna maanta mudanyahay in labadhi taageero, Muuse hankiisa markii uu shaaciyey waxa uu sheegay in isaga iyo madaxweynuhu tartamayaan quruxbadantahayna gudoomiyihii xisbiga iyo madaxweynihii qaranka oo wada tartamay,  Muuse waxa uu soo bandhigay in wax lawada leeyahay waxna loo wada simanyahay Madaxweynuhuna Ixtiraam leeyahay inay tartamaanna ayna dhibi ku jirin,




 




Hadaba dhawaaqa Muuse Biixi oo inta badan mudanta bulshadu soo dhaweeyeen si gaar ah wuxuu dhawaaqani u saameeyey oo si kal iyo laab ah qoraal iyo qalinba ku soo dhaweyneysa anagoo ah dhalinyaradda Beelweynta HABAR-AWAL ee hoos ku xusan.




 




 




UJEEDO:  BAAQ TAAGEERO MUSHARAXNIMADA BUUSE BIIXI




 




Anagoo ah dhalinyara beelweynta HABAR-AWAL ee magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, waxaanu baaq taagero ah halkan hawada uga marineynaa Musharaxnimada  Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE mudan MUUSE BIIXI CABDI uu isku sharaxay inuu u tartamo jagadda madaxweynenimo ee doorashooyinka 2015 la qaban doono taasoo uu dhawaan gudoomiyuhu ku dhawaaqay, waxaanu leenahay arrintaasi aad baan ugu faraxsanahay runtiina waxay noqotay dhawaaq ilaa maanta dhagahayaga ka sii baxaya oo si weyn loogu diirsaday waxaanan ku balan qaadaynaa inaan taageero hiil iyo hooba kula garab taaganahay insha allah.




 




Waxaan leenahay Gudoomiye Inkastoo aad moodo inuu dhawaaqaagu dareen cabsi leh ku abuuray adnaabta madaxweyne siilaanyo hadana dhalinyaradda beesha HABARWAL waxay ixtiraam buuran u haysaan Madaxweynaha qaranka somaliland waase intuu madaxweynuhuna u hayo ixtiraam kaas la mid (mutual respect).




 




Mar kale waxaanu taageero hiil iyo hooba ah la garab taaganhay gudoomiyaha xisbiga kulmiye sidii uu hankiisaa uga mdho dhalin lahaa waana ku balan qaadaynaa in aanan arrintaa ka seexan doonin




 




 




Magacyada baaqa taageerada ah diraya




 




 




      1.  Aadan Cali  Axmed (Aadan baashe)




       2. C/laahi Cali Maxamed (Yaanyo)




      3. Ayuub bashiir Xasan




       4. Abdimalik xuseen Cisman (nuur yare)




       5. Ismaaciil Jama Maxamuud (Jiiro)




       6. Abdirisaak Cali Nuur (Heeryo)




       7. Deeq Yuusuf Maxamed




       8. Siciid jama warsame




       9. Mubaarak abdullahi Yoonis (Mubo)




   10. Abdisamed yusuf ismail




   11. Mohamoud yusuf bille




   12. Cali Cabdi-nuur Muuse




  13. Axamed abdirahman  ahmed




   14. Mohamed Awcali muuse




   15. Axmed muumin guray




   16. Abdiqadir abduullahi ciise ( ciise diin)




   17. Maxamed Cabdi ayaanle




   18. Keyse mohamed Hussein (kayd)




   19. Faysal Axmed Maxamuud




   20. Axmed Yuusuf maygaag




   21. Muumin maydhane Cali




   22. Kheyre Xasan Jaamac




  23. C/fataax Yaasiin bille (Bullo)




  24.. Cabdi Aar Xasan




  25. Sacad Yuusuf C/raxmaan




  26.Axmed C/raxmaan faarax (madka)




  27.Mowliid Fu’aad Cali




 ALLAH MAHAD LEH:




WA BILAAHI TAWFIIQ