Thursday, May 15, 2014

Xasan Sheekh oo Madaxdhaqameedka ka dalbaday Guddi Xafiiskiisa la shaqaynaysa


Madaxweynaha oo kulan la qaatay madaxdhaqameedkii soo xulay Baarlamanka  iyo darreenada ka dhashay..




vilaMogadishu, 14, May, 2014(GNA)-kulan ayaa galabta ku dhex maray Madaxtooyda Soomaaliya Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  iyo Madaxdhaqameedka dalka.




Madaxdhaqameedka la kulmay Madaxweynaha ayaa ahaa kuwii soo xulay Baarlamanka Dawladda Federaalka, waxaanu kulankani yimi todobaad kaddib markii Boqol Xildhibaan Madaxweynaha ku eeddeeyeen inuu ku fashilmay hawsha Xafiiska, sidaasi darteed uu iscasilo.




Sida lagu sheegay war ka soo baxay kulanka labada Madaxweynaha ayaa marka hore Duubaabka Soomaaliyeed uga warbixyey sababaha uu ugu yeeray islamar-kaana u sheegay in ujeedada kulanka tahay wada-tashi, talo-bixin iyo hiigsiga mustaqbalka dalka.




 “Dalab gaar ah ee uu Madaxwewyni wato ma jiro ee kala warqaadasho iyo talo ayaan idin kugu yeeray gogoshaan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo kulanka furayey.




Ka dib talooyinka ay soo jeediyeen . Duubabka Soomaaliyeed ee galabta kulanka la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ballan-qaadeen inay Dowladda si dhaw ula shaqeyn doonaan .




Madaxweynaha iyo Odayaasha ayaa ka wada hadlay qorshe Xafiiska Madaxweynaha uu waday kaasi oo ahaa in Duubabka Soomaaliyeed loo qaado qaar ka mid ah Wadamada Qaaradda Afrika oo horay dagaallo u soo maray si waayo aragnimo looga soo qaato. Maadaama in ku dhow rubac qarni ay ka soo wareegatay burburkii Dowladdii Soomaaliyeed marka la gaaro Janaayo 2015. Odayaasha Dhaqanka ayaa soo dhaweyeen arrinkan.




Madaxweynaha ayaa yiri. “Dowladdii aad soo dhisteen dhinaca siyaasadda iyo dhinacyo kalaba horumar ballaaran ayey ka sameysay, Mashaakilaad maalintii Dowladdu aad dhiseyseen aanan jirin ayaa hadda jira. Waad og-tihiin Shabaab degaano badan ayaa laga saaray.




 Mar haddii Shabaab degmo am degaan laga saaro mushkilad ayaa meesha ka imaaneeysa, anagu waxaan dooneynaa in Odayaasha Dhaqanka in arrimahaasi Dowlada kala shaqeeyaan deegaanadaasna ka warqabaan”




Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiimad gaar ah Odayaasha Dhaqanka ku leeyihiin Dowlada iyo dib-uheshiisiinta.




 wuxuunna Odayaasha ka dalbaday inay iska soo xulaan guddi gaar ah oo arrimahan kala shaqeeya Xafiiska Madaxweynaha.




Madaxweyne Xasan ayaa tan iyo markii ay Mudaneyaasha Baarlamanka ka tirsani u soo jeediyeen inuu is casilo Olole uu eedeymaha iskaga difaacayo ku foogan. villa villa2 villa3 villas




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com