Sunday, May 4, 2014

Siyaasaddo iska soo horjeedda oo Buuhoodle ku wada sugan


Buuhoodle(GNA)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa gaadhay Magaaladda Buuhoodle, gelinkii hore ee Maanta, kaddib markii uu shalay ka ambobaxeen Hargeysa.




Wasiirka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladaasi sida uu sheegay Wariye Maxamed Cabdi-maalik oo ku sugan Buuhoodle, waxaanu boqolaal qof kula hadlay goob-fagaare ah oo ku taala Magaalada.




Wasiir Xaglo-toosiye, ayaa Magaalada gaadhsiiyay Gaadhi Ambulace ah oo dawladda Somaliland ugu deeqday iyo Mashaariic kale oo laga hir-gelinayo halkaasi, kuwaasoo dhagax dhigayo maalmaha soo socda, sida u ku soo waramayo wariyaha Gobanimonews ee Buuhoodle.




Ma jiraan wax rabshad ah oo ay dadka deegaanka oo ka soo horjeeda siyaasadda Somaliland kala hor-yimaadeen weftiga Wasiirka , waxaanu  u bulshada u balan inay dawladda uu ka tirsanyahay mashaariic badan hir-gelinayso.




Mashaariicda la filayo inuu dhagax dhigo ee uu halkaasi ka sheegay waxa ka mid ah Xarumo Caafimaad oo ay ka mid yihiin MCH-yo, Machad Caafimaadka lagu barto iyo Mashaariic kale.




Dhinaca kale, waxa Magaalada Buuhoodle ku sugan Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo xubno ka mid ah Hogaamiyeyaasha Maamulka Khaatumo, kuwaasoo dhinac ka jooga Magaalada.




Labada dhinac ee Xaglo-toosiye iyo Cali Khaliif ayaa ku wada sugan Magaalada, ilaa hadana ma jiro wax xidhiidh ah oo dhex maray.




Sidoo kale, waxa la hadal hayaa inuu Buuhoodle ku soo jeedo madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camay, kaasoo aad loo hadal hayo inuu dhawaan soo gaadho Magaalada.




Dhamaan Dhinacyadan oo dhan ayaa kala wata siyaasaddo kala duwan oo maamullo iska soo horjeedaa wataan, laakiinse waxay ka soo jeedaan dhalasho ahaan Buuhoodle.




“Cabsi weyn ayaa jirtay ka hor intii aanu Magaalada iman Wasiirku, laakiinse markii dambe wax dhibaato ahi ma dhicin”ayuu yidhi Wariyaha Buuhoodle ee Gobanimonews.




Ilaa lama saadaalin karo waxa xigi doona booqashada Wasiir xaglo-toosiye ku tegay deegaankan saddexdii sanadood ee la soo dhaafay colaaddu ka dhaxaysay Somaliland.




Laakiinse tani waxay muujinaysaa in isfaham iyo isku soo dhawaanshiyo laga gaadho xaaladihii kala fogeeyay Bulshada iyo Dawladda uu ka socdo.




La soco warkan oo dhamaystiran goor dhow..