Thursday, May 8, 2014

Wasiir Cukuse: Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi waa Musharaxiin"


Muuse Bixii iyo Madaxweyne Siilaanyo ma wada socdaan iyo waY kala socdaan?GNA




cukuse afka silanyoHargaysa(GNA)Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay in madaxweynaha somaliland uu mar kale isu soo taagi doono doorashada madaxtinimada ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto sanadka soo socda.




Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa horey u shaaciyay inuu u taaganyahay Musharax Madaxweyne shanta sanadood ee soo socota.




Cabdilaahi Maxamed Daahir, Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo shirjaraa’id qabtay Maanta oo Khamiis ah , waxa   uu xusay in madaxweynaha somaliland uu tartanka ku geli doono waxyaabaha badan ee uu dalka ka qabtay mudadii 4 sano ahayd ee uu xukunka hayay.




 “Madaxwaynaha somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah hogaamiyaheena qaranka maanta talada dalka haya waana aas-aasihii xisbiga kulmiye waxaana uu xilka qabtay 4sanno ka hor xiligii la doortay oo shananno ahna hada waxa ka dhiman 1 sanno,doorashada soo socotan sida uu dhigayo dastuurka jamuuriyada somaliland,waxaana uu xaq uu madaxwaynaha somaliland u leeyahay inuu laba jeer isa sharaxo,madaxwaynaha talada haya waa wax iska dabiiciya hadii uu yahay madaxwayne sida uu maanta madaxwayne siilaanyo kalsoonida shacabka u haysto waxqabadkiisuna muuqa dadkuna way u baahanyihiin inuu talada dalka sii hayo.




Wasiirka wasaarada warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi galinta somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo hadalkiisa sii wat ayaa waxa uu intaasi ku daray”




“Sidaas awgeed maynaan maqal meel uu madaxwaynaha somaliland ku yidhi talada dalka waan ka tanaasulay oo isma sharaxayo,Madaxwaynahuna waa musharax soo socda ee xisbiga kulmiye ee talada dalka shanta sano ee ku xigtay hayn doona.




musharixiinta kale ee hada aynu dhawaaqooda aynu maqalnay ee uu ka mid yahay guddoomiyaha xisbiga kulmiye mujaahid muuse biixi cabdi qaar kood kalena ay iman karaana xaq ayey u leeyihiin”.




Madaxweyne Siilaanyo




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Xisbiga Kulmiye markii labaad Musharax madaxweyne ka ahaa  markii uu talada ku guulaystay, ayaan wali afkiisa laga maqal inuu Musharax yahay.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa haatan wakhtiga Madaxtinimadu kaga dhantahay bisha June ee sanadka soo socda, xiligaasoo aanay caddeyn in doorasho dhici doonta iyo in kale.




Laakiinse mar mar hore Bishii Janaury ahayd ayuu si kooban u sheegay inaanay jirin wax ka maanacaya inuu mar kale madaxweyne isu sharaxo, kana mid yahay madaxda Xisbiga talada haya.




Sidoo kale, sanadkii hore mar uu khudbad ka jeedinayay Goleyaasha Baarlamanka ayaa waxa uu ka feeftay inaanu wax muddo kordhin ah ku darsanayn marka xilku ka dhamaado, hase ahaatee shalay oo uu markii labaad Khudbad jeediyay muu soo hadal qaadin labadan qodob ee musharaxnimadii iyo muddo kordhin midna.




Sidaasooy ay arrimuhu yihiin, ilowwareedyo kale oo Xisbiga Kulmiye ka soo baxay ayaa Gobanimonews u sheegay inay Madaxweyne Siilaan iyo Muuse Biixi isgoyihiin, isla markaana aanu Siilaanyo Musharax ahayn.




Masuul sare oo xisbigaasi ka tirsan ayaa laga soo xigtay in Muuse Biixi si cad ula socdo arrimaha madaxweyne Siilaanyo “Muuse kumuu dhawaaqeen Musharaxnimo, hadii aanu Madaxweyne Siilaayo war sugan ka haynin, oo aanu ogayn inaanu musharax ahayn”ayuu yidhi.




Si kastaba ha ahaatee loolan siyaasaddeed oo ka soo hore maray xiligiisii ayaa waxa muuqata inuu Xisbiga Kulmiye mar kale ka dhex qarxay.




Loolankaasi ayaa hada loogu jiraa Musharaxa Madaxweynaha iyo hogaanka Golaha dhexe oo uu ilaa hada xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilladu musharax isaga soo taagay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com