Thursday, May 1, 2014

Suxufiyiin lagu dacweynayo “Xeerka Ciqaabta Guud” todobaadka dambe Somaliland


Ururka SOLJA iyo Ururrada Xuquuqal-iinsaanka oo dhaleeceeyay, wel-welna muujinaya




Haatuf groupHargeysa, April 30, 2014 (GNA) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegtay in Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf lagu qaadayo dacwada loo haysto xeerka Ciqaabta guud.




Mulkilaha Haatuf Media YuusufGaboobe  iyo Tafaftiraha Wargeysk Afka Soomaliga ku soo baxa Axmed Cali Cigge, ayaa todobaadkan Maxkamaddu muddaysay dhegeysiga Dacwad lagu oogayo oo sida la sheegay qaranku dhibane ka yahay, taasoo ah dacwad ciqaabta guud ku salaysan.




Dacwadda ayaa furmaysa Maalinta Axada ee todobaadka dambe, sida Maxkamaddu sheegtay.




Bayaano lagu dhaleecaynayo Dacwadda




Walaac ka dhan ah dacwadaasi ayaa ka soo yeedhaya Ururrada Saxaafadda iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Aadamaha.




Ururka SOLJA




Gudoomiye ku xigeenka ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed Cabdi Curad ayaa sheegay in xukuumada madaxweyne Siilaanyo cadaawad gaamurtay ay u qabto saxaafada Somaliland, taas oo keentay in saxaafada ay u adeegsado xeerka ciqaabta guud ee Somalia lagana talaabsado xeerka saxaafada Somaliland ee dhaqan-galka ah.




Mr Curad oo maanta u waramay Idaacada Radio Hilaac, ayaa tilmaamay inay ka soo horjeedaan qaab sharciyeedka Dacwadan, iyadoo marka horeba xayiraada wargeysku xaaraan ahayd.




“Arintaa waxaan u arkaa ka SOLJA ahaan hadaanu nahay ururka suxufiyiinta Somaliland khalad labaad oo xukuumadu ama waaxdii fulinta iyo garsoorku ay mar labaad u marayso kiiska Haatuf inuu yahay nidaam sharci daro ah waxay u martay xeerka ciqaabta guud oo ah xeerkii Somalia ee (Indian panel cord) kaasina waa xaaraan saxaafadu xeerbay leedahay dhaqangal ah oo madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale saxeexay golayaashuna ansixiyeen oo dhaqangal ahi.




Xeerkaasi in kiisaska saxaafada loo raaco ayaanu mar walba cod dheer iyo cod gaabanba ku sheegaynaa imikana waxa aanu leenahay waa xaaraan kiiskaasi la mudeeyey iyo dacwadaasi Haatuf ee Axada loo mudeeyeyba ee loo raacayo xeerkii Somalia waa xaaraan, xadhigoodii baa xaaraan ah dacwadooda ayaa xaaraan ah.




Waxa nasiibdaro ah in aan la hayn Kiiska Haatuf cida ama ashkhaasta dhibanaha ka ah lama hayo waa xaaraan arintaasi ayaanu leenahay.




Waxa keenay xeerkan ciqaabta guud ee looga tagay xeerkii saxaafadu waxa weeyi cadaawad ay xukuumada Siilaanyo u hayso saxaafada oo ay doonayso inay god iyo booraan dheer ay ku rido oo kiisaska saxaafada ay ka dhigto kiisas laf-jab ah oo criminal case-kii oo kale ah sida dacwadaha dilka oo kale ah in loola dhaqmo, kiisaska saxaafadu waa madani.




Waxay ahayd in cida dhibanaha ka ahi ay dacwad maxkamada ka furato fee-ga bixiso taasina ilaa iyo hada may dhicini, dacwada Haatuf xeer-ilaalinta guud ayaa soo samaysay cida dhibanaha ka ah ma garanayno. Ta laabaad ee arintani muujinayso waxa weeyi in wali xukuumadu muxubo iyo kalgal u hayso Somalia.”ayuu yidhi curad.




Ururrada Xuquuqal Iinsaanka




Dhinaca kale, Xarunta xuquuqal iinsaanka ee Hargeysa (HRC), oo mar kale war ka soo saartay xayiraadda Wargeyska Madaxa-banaan ee Haatuf, ayaa wel-wel ka muujisay in Saxaafadda loo addeegsado xeerka Ciqaabta Guud.




War-saxaafadeed maanta ay xaruntaasi soo saartay ayaa u dhignaa sidan “Waxay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ka baafisay war-baahinta gudoomiyaha iyo tafatiraha wargayska xayiran ee Haatuf.




Qoraalka Maxkamadda ee la baahiyay wuxuu sheegay in dacwad ciqaab ah oo ay ku eedaysan yihiin Yuusuf Cabdi Gaboobe, gudoomiyaha Haatuf, iyo Axmed Cali Cige, tafatiraha Haatuf, ay hortaal Maxkamadda. Dacwadaas oo ay ku eedaysan yihiin qodobo ka mid ah Xeerka Ciqaabta. Dacwadani waxay ka danbaysay kadib markii la xayiray wargeyska Haatuf 7th April 2014.




Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka welwelsan tahay in saxaafadda loo adeegsado Xeerka Ciqaabta iyada oo la baalmarayo Xeerka Saxaafadda, Xeer Lr. 27/2004.




Saxaafaddu waxay leedahay xeer u gaar ah oo maamula saxaafadda. Mana aha in lagu qaado saxaafadda xeer kale iyada oo uu dhaqangal yahay xeerkii saxaafaddu. Xeerka Ciqaabta waxa la sameeyey 1962dii. Sida ku cad qodobka 130(5) ee dastuurka, Somaliland waxa lagaga dhaqmayaa xeerarkii hore ee aan ka hor imanayn xuquuqaadka iyo xoriyaadka asaasiga ah. Sidaasdarteed, maadaama oo qodobada Xeerka Ciqaabtu ay yihiin kuwo aan la jaan qaadi karin xoriyaadka aasaasiga ah, waxay tahay in loo raaco dacwadaha ka dhanka ah saxaafadda Xeerka Saxaafadda.




Xoriyadda saxaafadu waa mid dastuurku damanad qaaday sida ku cad qodobobka 32 (3) oo reebaya fal kasta oo lagu cabudhinayo saxaafadda. Xeerka Saxaafaddu waa xeer gaar ah oo ka leh mudnaan xeerka guud.




Sidaasdarteed, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladda Somaliland:




    1.     In dacwadda loo haysto gudoomiyaha iyo tafatiraha wargeyska Haatuf loo raaco Xeerka Saxaafadda




    2.     In xayiraadda laga qaado wargeyska Haatuf




Mulaho Mohamed Ali




Af-hayeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka.




Dacwaddo hore oo Ciqaab ah




Dacwadaha ku lidiga ah Saxaafadda ayaa inta badan lagu saleeyaa xeerka Ciqaabta Guud.




Wargeyska Waaheen ayaa sanadkii 2011-kii Maxkamaddu u dhegeysatay dacwado tiro badan oo Ciqaab ah.




Dacwadahaasi ayaa waxa ka mid ahaa kuwo ay dhibaneyaal ka ahaayeen Masuuliyiin dawladda ka tirsan.




Dadka sharciga Tacliiqiya ayaa ku tilmaamay u adeegsiga waxyaabaha warbaahinta lagu dacweeyo, xeerkan, Gef Dastuuriya.




 




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@hotmail.com