Thursday, May 1, 2014

Somaliland:Qurba-joogu Sideebay u arkaan Shirweynihii Kulmiye?


Dad badan ayaa Dhaliilay shirweynaha Kulmiye, Laakiinse qurba-jooga qayb ka mid ah ayaa bogaadiyay.."Akhri waraysi Muj. Caydaruus




caydWashington(GNA)-Qurbo-jooga Somaliland ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay qaabka uu u dhacay Shirweynihii Kulmiye.




Qaar badan oo ka mid ah dadka dibada ku sugan ee Somaliland u dhashay, lana socda arrimaha siyaasadda ee gudaha waddanka ka socda, ayaa qaar bogaadiyeen habka uu xisbigu shirka u qabsaday qaarna way dhaleeceeyeen.




Hadaba Muj. Caydaruus Maxamuud Yuusuf oo ka mid ah hormuud Qurbo-joogta Somaliland ee degen dalka Maraykanka, ayaa waraysi kooban oo uu siiyay Gobanimonews, waxa uu kaga waramay sida ay dadka qurbaha joogaa, khaasatan dalka maraykanku u arkaan Shirkaasi.




Caydaruus ayaa  ugu horayn  Hambalyo u diray hogaanka xisbiga Kulmiye ee la doortay iyo Xukuumadda “Ilaahay baa mahadleh




waxaan halkan hambalyo diiran uga dirayaa  Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi oo ah geesi hawl kar ah oo halgankii adkaa ee la soo marayna qayb libaax ka qaatay.




waxaan leeyahay ilaahay hakuu fudeeyo xilka culus eed hogaanka u hayso.




Waxa kale oo aan hambalyo u diyaraa madaxweynaha jamuuriyada soomaalilnd Mudane Axmed m.m.siilaanyo iyo marwadiisa iyo madaxweyne ku xigeenka c.raxmaan .saylici iyo dhamaan xubnaha kale ee dowlada ee kaalinta muuqata ka qaatay qabsoomida shirweynaha Kulmiye”ayuu yidhi.




Intaasi kaddib waxa la su’aalay “Idinku hadaad tihiin Qurba-jooga sidaad u aragtaan Shirku siduu u dhacay?




J: Walaahi walaal waxaan u arkaa shir lagu dhamaan oo xigmad iyo aqoon waliba sharaf lagu dejiyey.




S:Dadka gudaha qaar badan ayaa ku tilmaamay inay khaladdaad badan oo Dastuuri ah ku jireen, qabiil lagu soo xulay ergada, arrintaas siddaad u aragtaan iyo guud ahaan shir?




J: Fikradaa anigu ma qabo waxaan u arkaa dhaleecayn la dhaleecaynaayo xisbiga iyo nidaamka dowladeed oo aan ahyn wax qabiil lagu tilmaami karo.




Markaa si qurux badan oo cadaalada iyo shuruucda Dastuurkaba waafaqsan ayuu u dhacay baan leeyahay qarana qabiil lama odhan karo.




S:dadka dibada jooga khaasatan waddankan aad joogto sidaa ma u arkaan?




J:Aad iyo aad isku fikrad baanu ka aaminsanahay isku meela waanu ka taaganahay anaga oo wararka taako taako ula socona mujaahidiintuna tii ay duurka u galeen maanta cid ku dulmiyimaayaan




S: maxaad ka rajeynaysaan hogaanka cusub?




J:Kolay waxaan qabaa halkii hore inay ka badiyaan mooyaane inaanay wax ka dhimidoonin ilaahayna haku asturo xilkaa culus.




Fadlan aragtidaada ka dhiibo.