Sunday, May 4, 2014

Suldaan Bad-Madow oo Bogaadiyey Badhasaabka Saaxil


saxilHargeysa (GNA) -  mid ah Madax-dhaqameedka reer Somaliland, Naasir Cabdi Cige iyo Faysal  Xasan Muuse  oo ka mid ah waxagaradka gobolka Hargeysa, ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray badhasaabka cusub ee gobolka Saaxil uu u Magacaabay Madaxwaynaha Somaliland.




Axmed Maxamed Xasan  (Suldaan Bad-madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka reer Somaliland, Naasir Cabdi Cige iyo Faysal  Xasan Muuse, ayaa badhasaabka cusub ee gobolka Saaxil loo Magacaabay, Fahmi Cabdi Bidaar, u rajeeyay inuu Alle u fududeeyo xilka qaranka ee loo dhiibay, iyaga oo ku dardaaray inuu xilkiisa uga soo baxo sida ugu wanaagsan, iyaga oo sidoo kalena bulshada gobolka Saaxil u soo jeediyay inay la shaqeeyaan Badhasaabka cusub ee loo soo Magacaabay Fahmi Cabdi Bidaar, kaasi oo ay sheegeen inuu yahay masuul xil kasta oo caan ku ah xilkasnimo iyo dedaal.




Suldaan Bad-madow Naasir Cabdi Cige iyo Faysal  Xasan Muuse, ayaa Madaxwaynaha uga mahad-celiyey Magacaabidda Fahmi Cabdi Bidaar, waxayna sheegeen in Madaxwaynuhu uu gobolka Saaxil u xulay masuul ay hubaan inuu shaqadiisa ka soo baxayo, haddii dadka gobolka Saaxil ay gacmaha isku qabsadaan sidii ay gobolkooda u horumarin lahaayeen, ulana shaqeyn lahaayeen guddoomiyaha cusub, Mr. Fahmi.




Suldaan Bad-madow, Naasir Cabdi Cige iyo Faysal  Xasan Muuse, ayaa dhankooda ballan qaaday inay la shaqeynayaan Badhasaabka cusub ee gobolka Saaxil.




DHinaca kale, Qaar Ka Mid ah Aqoonyahanada Deegaamada Gobolka Saaxil Ayaa Maanta Waxaa Ay Ka hadleen Isku Shaandhayntii uu Madaxweyne Silanyo Ku Sameeyey Habeenkii Xalay Golahiisa Xukuumada Isla Markaana uu Xil Ka Qaadista Iyo Magcaabista Ku Sameeyey Waxaana Ay Mahadnaq Iyo Taageero Ku Sifeeyeen Isku Shaandhayntaasi




Baaqan Oo Kasoo Baxay Aqoonyahanada, Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Dhalinyarada, Haweenka,Cuqaasha,Qurbajoogta Iyo Dhamaanba Inta BAdan Shacabka Kasoo Jeeda Gobolka Saaxil Ayaa Ay Halkaasi Waxaa Ay Hanbalyo Iyo Bogaadin Aan Lasoo Koobi Karin Dusha Ka Huwiyeen Cali Maxamed Cilmi oo Ahaa Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Saaxil.




Waxaana Ay Halkaasi Hanbalyo iyo Bogaadin uga Soo Jeedinayeen Xilka Loo Magcaabay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi oo loo Igmaday Inuu Ahaado Wasiir Ku Xigeenka Amniga Ee Wasaarada Arimaha Gudaha




Cali Maxamed Cilmi Ayaa Ay Waxgaradkani Ku Sifeeyeen Inuu Yahay  Siyaasi Ruug Cadaa Ah,Waayarag Ah Isla Markaana Xilkiisa Uga Soo Baxaya Sidii Loogu Doortay Wuxuuna Ku Caana Maalay Awoow Ka Awoow Talada Iyo Hogaaminta Maadaama uu Ka Soo Jeedo Reer Samotalis ah




Cali Maxamed Cilmi Waxaa Ay Ku Sheegeen Inaanu Ahayn Nin Looga Bartay Xaalad Abuur Iyo Kicin Dadweyne Wuxuu Damiyo Mooyaane Waxaana Taasi Gartay Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo Asiibay Xil Magcaabista Cali Maxamed Cilmi Isagoo Ku Soo Beegmay Waqtigii Loo Baahnaa Isagoo Masuulkani Buuxin Doona Booskii Wasiir Ku Xigeenka Amniga Ee Xilkaasi Laga Eryay Markuu Gudan Kari Waayay Waa Siday Sheegeene.




Ugu Danbayntii Waxaa Ay Ilaahay Uga Baryeen Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi Inuu U Fududeeyo Xilkaasi Loo Igmaday Ilaahayna Ku Garab Galo




Magacyada Waxgaradka Baaqan Soo Saaray




Eng Cali Maxamed Xoorxoor        Maareeyaha Dekeda Berbera.




Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye      Agaasimihii Hore Cashuuraha Beriga.




Cali Axmed Kooshin




Cumar Cali Xuseen Buraale




Cabdirisaaq Cali Xuseen




Xildhibaan Siciid Cartan




Xildhibaan Waysacade




Xildhibaan Dable




Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble




Xildhibaan Cawl Cabdilaahi Beegsi




Cawil Cawl Cabdilaahi Beegsi




Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh




Suldaan Cabdilaahi Ismaaciil Aaden Dirays




Caaqil Jaamac Muuse Geedi




Maxamed Cali Cumar Halaasi




Sheekh SaLeebaan Maxamed