Mombasa(GNA)-Ugu yaraan siddex ruux , ayaa ku dhintay qaraxyo kala duwan oo caawa ka dhacay Magaalada Mombasa ee ee gobolka Xeebta Waqooyi-galbeed ee waddanka Kenya, halkaasoo ay Muslimiinta Kenya ku badan yihiin.
Dadka ayaa ku dhintay ilaa saddex qarax oo kala duwan oo midkood ka dhacay meel Basaska laga raaco.
Qaraxa ayaa burburiyay qeyb ka mid ah xarunta ay ka baxaan Basaska Shirkadda Chania ee isaga goosha Mombasa illaa magaalada Thika ee isla waddanka Kenya.
Qarax kale ayaa ka dhacay Huteel ku yaalla Xeebta Nyali, kaasoo aanay caddeyn baaxadda khasaarihiisu .
Ma jirto cid sheegatay qaraxyadan illaa iyo hadda, waxaanay imaanayaan iyadoo Kenya ay ka socdaan howlgalo ballaadhan oo lagu xoojinayo amniga sida ay dowladda dalkaasi sheegtay.
Dhaqdhaqaaqa Ururka Al-shabaab.
Ururka Al-shabaab ayaa hore wacad ugu maray inay weeraro aan dhamaad lahayn ka geysanayaan dalka Kenya, kaddib markii ay Ciidamaddeedu ku soo biireen hawl-galka amisom sanadkii hore.
Alshabaab ayaa hore weerar khasaare badan geystay uga fulisay xaru Ganacsi oo ku taala Magaalada Nairobi, taasoo ay degenaayeen dad badan oo ajaanib ah oo dalxiiseyaal iyo diblomaasiyiin isugu jiraa.
Bishii la soo dhaafay ayay qaraxyo kale oo ismiidaamin ah ka fuliyeen Magaalada Nairobi, khaasatan meello ay dadka soomaalidu ku badanyihiin.
Boqolaal ka mid ah Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa la aaminsanyahay inay gudaha Kenya ku soo galeen si dhuumasho ah, kuwaasoo jihaad doon ah.
Magaaladda Mombasa ee caawa saddexda qarax ka dhaceen, ayaa ah goob istaraatiijiya oo ay Muslimiinta Kenya ku badanyihiin.
Ciidamada amaanka ee Kenya ayaa labadii sanadood ee ugu dambeeyay la tacaalayay dhaqdhaqaaq Diimeedyo isku uruursanayey oo laga shakiyay inay abaabul hubaysan ka bilaabayaan halkaasi.
Bilayska ayaa albaabada u xidhay dhowr bilood ka hor Masaajid weyn oo sida la sheegay dhalinyarada lagu bari jiray fikirka Xag-jirnimada.
Weerarada Alshabaab iyo Saameynta Qaxoontiga Soomaaliyeed
Si kastaba ha ahaatee weerarada Ururka Al-shabaab ayaa saameyn ku yeeshay qaxoontiga Soomaaliyeed ee degenaa dalka Kenya, khaas ahaan Caasimada Nairobi iyo Magaalooyinka kale.
Boqolaal looga shakiyay inay xidhiidh la leeyihiin Al-shabaab ayaa Ciidamada amaanka ee dalka Kenya xabsiyada ku gureen, qaarna u soo tarxiileen dalka Soomaaliya.