Thursday, May 1, 2014

Kulmiye markii hore siduu ku ababay ayaa qaldanayd..


Xisbi ku sheegga kulmiye waxa la odhan karaa in  markii ugu horeyseyba sida uu ku ababay ayaa khaldaneyd. Kooxda hogaamineysey ayaa u badneyd Callancas. Doorashooyinkii ugu horeeyey ee Madaxweyneheeni  Maxamed.X.I.Cigaal qabto waxa wadankan Somaliland ka jirey koox askar ah oo cadheysan oo markaa dhowr sano ka hor madaxweyne cigaal uu kaga adkaadey siyaasada. Isaga oo Doorashadii ka horeysey tan xisbiyada badan ee cigaal suurtogeliyey  ay u codeeyeen suldaanada iyo hogaamiye dhaqaneedka wadanku. Ka dib kooxdii askarta ahayd ee calancasta la odhan jirey waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen  in aan doorka dambe doorashada kolka ay gaadho laga suldaan badan. Waxay muruq iyo maalba geliyeen iney sameyaan  suldaano  magac u yaal ah oo midba gees laga soo caleemo-saarey  iyada oo ujeedada ugu weyn ee kooxdani ahayd iney tartanka doorashada ku galaan. Hase yeeshee madaxweyne cigaal oo rug cadaa xagga siyaasada ahaa, wuu badaley buugii hore ee ay garanayeen kooxdani waayo wuu la socdey dhaqdhaqaaqooga siyaasiga ah ee daaladhaca ahaa. Waxanu bilaabey oo uu horseed ka noqdey nidaamkan aynu maanta haysano ee nidaamka asxaabta badan. Mar qudha ayey afkala qaad ku noqotey kooxdan nidaamkan cusubi kadib markii uu ku dhowaaqey xisbigii ugu horeeyey ee UDUB. Kooxdani markaa raali kamay ahayn in habkan siyaasada qaranka loo dhigo. Hadaba iyada oo xilligii loo mudeeyey ay u hadhsan yihiin waxaan gaadheyn labaatan habeen  xisbiyada qaarkoodna ay sameysan yihiin sanad iyo lix billood ayey kooxdani mar kaliya  ku war heshey geeridii madaxweynaha. Kolkaas ayey hambaabireen oo sameysteen xisbigan KULMIYE. Kolkiiba waxay bilaabeen caadifad iyo qabyaalad iyo arimo ka baxsan  anshaxa wadaniga oo ay ku kaceen. Inkasta oo ay ku jireen rag wanaagsani,hadana waxa meesha xiimayey kuwii canbaarta lahaa. Waayo waxa isugu yimi raggii ay ka taalaabsan weydey xukuumadii  ugu horeysey  ee SNM ama Cabdiraxmaan Axmed Cali . waxay ahaayeen raggii uu madaxweyne Cigaal uu dhamaantood ka dhigey wasiirada ee markiiba dabka ka dhex huriyey dadkii walaalaha ahaa ee ka soo doogayey diiftii iyo darxumadii  qoxootinimo ee ay dibadyaalka ku ahaayeen.




 


 





Hase yeeshee Madaxweyne Cigaal daaqada ayuu ka wada tuurey markaas ayuu maahmaahna sii daba dhigey isaga oo waxyar ka dib xilligii uu magacabey  ku khudbadeeyey waxad I leedihiin callancas ayuu wasiiro ka dhigtey. Waxanu idin tusi anaga oo baalasha ka rifney oo suuqa ku sii dayney isla markaa ay duuli kari waayeen. Sidii ayaanu dhabaha qaniinsiiyey. Waayo Madaxweyne Cigaaal muu jecleyn askarta. Xilligiisii askarta ayaa inqilaabtey waxa jeelka ku hayeyna waxay ahaayeen xukunkii askarta ee afgembiyey dowladiisii. Hadaba ka sifeynta maamulka ee kooxdan callancas waxa kow ka ahaa kooxdii mukhaabaradka ee NSS oo dhinaca kooxdan calancas ugu qornaa dambiilayaal gacan ku lahaa burburkii wadankan ayaa Madaxweyne C igaal uu soo dhoweeyey oo uu hawlgeliyey . waxay markiiba u sheegen in sababta lagu inqilaabey waaggii hore ay ahayd isaga oo baabiiyey hayadihii xuuraanka iyo wardoonka isla markaa imikana leysku dayayo in la inqilaabo. Waa kolkaas goorta khadka uu ka saarey kooxdan callancas. Hadaba xilligii Madaxweyne Daahir Riyaale dowlad dadku jecel yihiin ayey ahayd, waxaaney mucaaridadu ku bilaabantey markuu lix sano hogaanka u hayey qarrankan, halka xukuumada iyo xisbigeedan Kulmiye lagu nacay lixdii billood ee ugu horeeyey. Hadaba xisbigan KULMIYE  mar dambe ayuu  hadana damcay in uu qarankan ka dhex huriyo dab iyagoo ujeedadooda ugu weyni tahay ku xumeynta Madaxweyne Daahir Riyaale Kahin. Waxay garan laaayeen wadada ay u marayaan kursiga waxaney sameeyeen koox loo xidhey direyska dawlada oo gashey wadada u dhaxaysa gebiley iyo boorame kuwaas oo ku diley dad shicib ah oo ganacsadayaal ah. Arinkaas oo looga danlahaa in laba qollo oo walaalo ahi is disho. Intaas kumey joogsan markii ay sheekadoodu socon weydey. Waxay billaabeen in dumarka iyo carruurta ay ku yidhaahdaan  aqalka Madaxtooyada shiida oo dhagaxa la dhaca. Waxay khalkhaliyeen nidaamkii ay ku doodayeen ee doorashada in diiwaan gelin la aan lagu gelin. Iyagoo markii dambana yidhi la jiifiyaana banana. Imikana waa markayagii oo waxa lagu geleyaa bilaa diiwaan gelin. Wixii aad shaley taayirada ugu gubesey wadooyinka sided uga tagi kartaa marka xisbigaagu hantiyo kursigii ugu sareeyey. Taasi waxay ka dhigan tahay qiyamka bulshada waxba nagama gelin ee waxaanu eegeynaa sida anaga xisbi ahaan noo wacan. Waxyaalaha kale ee ugu la yaabka badan ayaa ahaa in uu magaca uun xisbi ka yahay ee wax kastaa uu kooto u ahaa. Hogaanka xisbiga lama ogoleyn in leysla sharaxo. Waxa markii ugu horeysey musharaxnimada xisbiga ku dhowaaqey Axmed  Xuseen Ciise isaga oo markiiba ogaadey  kana tanaasuley markii uu ogaadey in aan xeer qeexanba aaney haysan . sidoo kale ayaa hogaamiye Siilaanyo uu shirkii Burco yidhi ku xigeenkiisii C/raxmaan aw Cali anigana kursigeyga  tartan doorasho looma geleyo ka ku xigeenkaygana ha lagu tartamo. Waxad halkaa iska cad in xisbi ku sheegani iska leeyahay sharciyo wax qoran aan ahayn ee jeebka kolba bog lagala soo baxo. Waa sii socotey gudoomiye ku xigeenkii koowaad C/Raxmaan C/qaadir ayaa gollaha hortiisa inta askar la soo kireystey xoog iyo qabyaalad lagaga saarey madashii iyada oo telefishanada laga wada daawanayo. waad arkeyseen Xasan Gaafadhi iyo Dr Carabeyto miyaaney xaq u lahayn iney is sharixi karaan. miyaan laf jab ku ahyn mabaadida aasaasiga aha dastuurka somaliland in qofka la dooran karo isna wax dooran karo. Waa maxay xisbiga aan KULMIYE ahayn ee qarnigan 21aad sidaa u dhaqmayaa. Meedey dadnimadii iyo dimuquradiyada shacabkan reer S/LAND ku faanayeen. Meedey aqoontii kala arkeysey wixii sax ah iyo waxa khaladka ahi. Ugu dambeyn shirkweynahan saddexaad ee Xisbigan waa maxay sababta keentey in hab qabiil dadka lagu soo ururiyo? Maxaase loo leeyahay waa shir leysku dooranayo iyada oo leyska sii wada ogyahay kursiga ugu sareeya qofka la siinayo. Iyadoo oo aanu jirin doorasho xor ah oo xisbiga dhexdiisa ka dhacaysaa oo kursi kastaa kooto uu yahay. Hadiise qabyaaladba lagu qaybsadey waa maxay sababta kuraasta ugu sareysaa ay qollo keliya oo beel keliya lagu tiriyaa isugu taxdey? Maxaa loo qorsheeyey beelihii kale ee reer Somaliland? Dhamaan arimahaasi waa ceeb dul hoganeysa xisbiga kulmiye mana aha markii ugu horeysey ee sida ay ku ababeen kuna soo raad qaadeen kooxdani ayaa ahayd cadaalad darro,collaad abuur iyo jaguugnimo. Ugu dambeyna waa la arki halka ay ku dambeeyaan kooxda calancas iyo maamulkooda kulmiye.




 




 




WACAYS AXMED MAXAMUUD




 




BARRE ADDUUNYO




 




Germany Frankfurt




 




bareadunyo@gmail.com