Gabiley(GNA)-Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa booqasho ku tegay Magaalada Wajaale ee xuduudka ku taala.
Lama maalmood ka hor ayaa waxa Magaaladan ka dhacay Mudaharaad Khasaare nololeed sababay, kaasoo ka dhashay xadhiga guddoomiyihii hore ee Degmada Wajaale, waxaana Bilaysku ku dileen qof rayid ah, laba kalena wa lagu dhaawacay.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa furay Waddada laamiga ah ee isku xidha Wajaale iyo Kala-baydh oo 18km dhererkeedu gaadhayo, taasoo ay xukuumaddiisu door weyn ka qaadatay dhismaheeda.
Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Masuuliyiin kala duwan oo Goleyaasha dawladda ka socda ayaa weftiga madaxweynaha ka mid ah, waxaanay dadweynaha reer wajaale kala hadleen goob-fagaare ah.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegay inay xukuumaddiisu ka shaqaynayso horumarinta dalka iyo dadka.
Xubno ka mid ah Bulshada deegaanka oo hadlay, ayaa iyaguna soo dhaweeyay dhismaha Mashruucan waddada ee la hir-geliyay.
Wadada Madaxweynuhu furay ayaa halbowle u ah isu socodka Magaallo Ganacsiyeedka Wajaale iyo dalka intiisa kale, khaasatan Caasimada Gobolka Gabiley iyo Hargeysa.
Jidkan ayaa ahaa mid raf ah oo marka roobku da’o ay gaadiidku dhibaatooyin dhanka socodka ah kala kulmi jireen.
Gobanimonews
Gobanimonews
Gabiley Office