Friday, May 23, 2014

Shirka Khaatumo3 oo Sabtida Taleex ka furmaya iyo Garaad Hargeysa ka tegay oo gaadhay


taleexTaleex(GNA)-Wararka ka imanaya Degmada Taleex, ayaa sheegay inuu halkaasi xalay gaadhay wefti uu hogaaminayo Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale oo ay walaallo yihiin Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo dhawaan Hargeysa lagu soo dhaweeyay.




Labada  Garaad ee Walaalah ah ayaa isku haysta Isinka dhaqan ee Beesha Jaamac Siyaad, wallow Guddida Beeshaasi ay Caleemo saareen Garaad Jaamac.




Garaad Cabdirashiid ayaa tan iyo markii la caleemo saaray ku sugnaa Somaliland, isla markaana xulafo la ahaa xukuumaddii la bedelay ee Daahir Rayaale.




Hase ahaatee waxa isinimadiisii Somaliland ee xaga garaadnimadu meesha ka baxday, kaddib markii ay bil ka hor Xukuumadda Siilaanyo Heshiis miisaan leh la gashay Walaalkii oo ay isku haystaan Saldanada.




“Runta hadaad doonaysaan Garaad Jaamac waa walaalkay, waxaana saldanada kaga xaq leh anigoo ah walaalkii oo ka weyn, laakiinse dad dano gaar ah wata ayaa ka dambeeyay talaabada uu qaaday”ayuu yidhi dhawaan isagoo ka hadlayey mu’aamarad uu sheegay in loo dhigayo markii walaalkii dawladda Siilaanyo lacag adag ku soo xero gelisay.




Garaad Jaamac ayaa isagu ka mid ahaa aasaaseyaashii Maamulka Khaatumo la baxay.




Dhawaan Markii uu Somaliland yimi waxa si weyn u soo dhaweeyay Isimadda dhaqanka , dawladda iyo shacbiga qaybo ka mid ah, kuwaasoo niyad wanaag iyo soo dhaweyn diiran ugu lamaaneeyay Casuumaddo isdaba jooga ah oo loogu sameeyay Hargeysa.




“afarta Inan ee Ilma Garaad Ismaaciilba waa garaaddo, mid mid ka duwani ma jiro ee waxaan ku talinayaa in laysu keeno oo la heshiisiiyo, oo gacanta laysu saaro”sidaasi waxa Xaflad lagu casuumay Garaad Jaamac ka sheegay Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo ah Odayga Somaliland.




Keenista Garaad Jaamac oo u muuqata arrin siyaasaddeed oo Xukuumadda xubno ka mid ah ay wataan, ayaa waxa hormuud ka ah Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, kaasoo ladqabaynta Garaad Jaamac gartay, balse aan Ninka kale ee ay walaalaha yihiin wax qiimeyn ah u bandhigin.




Wefti tegay Taleex




Sidaasoo ay xaaladuhu ahaayeen Garaad Cabdirashiid ayaa xalay guurre ku galay Magaalada Taleex oo ay ka socoto qabanqaabada ugu dambeysa ee Shirka Maamulka la baxay Khaatumo uu ku qabsanayo halkaas.




Inkasta oo aan xubnaha kale ee weheliya la caddeynin, magacyadooda iyo miisaankooda siyaasaddeed ama dhaqan, hadana waxa Gobanimonews loo xaqiijiyay weftigaasi soo gaadhay Degmada Taarikhiga ah ee Taleex.




Tegitaanka Garaad Cabdirashiid ee Taleex ayaa muujinaysa inuu ka googoostay Somaliland, isla markaana ka soo jeesanayo dhanka Khaatumo.




Shirka Khaatumo3




Shirka Khaatumo3 oo la filayo inuu furmo Maalinta sabtida oo hal maalin inaga xigto , ayaa marka laga tago siyaasadaha daaha dabadiisa ka hagaya , waxa wajigiisa hore ku sawiran inuu yahay shir ay beelaha Dhulbahante ayaahooda mustaqbal kaga tashanayaan.




Tani waa laba aragtiyood oo ay kala wataan kooxda qaban qaabinaysa laftooda oo uu hormuud u yahay Maamulka Khaatumo la baxay .




“Shirkani waa mid u furan qof kasta oo ka soo jeedda Deegaamada Khaatumo, maaha mid loo diiyo waa mid u furan dhamaan cid kasta oo beesha ah oo danaynaysa, haday siyaasi tahay iyo haday Madaxdhaqameed tahayba”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay xubin sare oo ka mid ah Khaatumo.




Maxamuud Sheikh Cumar ayaa Arbacadii shalay Gobanimonews u xaqiijiyay in Shirka khaatumo3 uu furmi doono Sabtida soo socota.




Maxamuud oo ka mid ah Agaasimaha Arrimaha Gudaha ee Khaatumo ayaa sheegay “Shirkan waxa lagu dhisayaa Maamul rasmi ah oo Khaatumo yeelanayso, waayo maamulkii hore wuxuu ahaa ku meel gaadh”ayuu yidhi.




Labadan aragtiyood ayaa ah kuwo isdiidan oo aan is waafaqeyn, sababtoo ay tahay “Shirku wuu u furanyahay Dhulbahantaha jooga hargeysa iyo ka Garoowe joogta”sidaas ayuu yidhi masuul Taleex ku sugan.




Duruufaha ku xeeran




Duruufo badan ayaa ku xeeran kulanka la saadaaliyey inuu ka furmayo Taleex.




Duruufta dhanka ammaanka ayaa ugu xoog badan waxaase jira khilaafyo hoose oo u dhexeeya hogaanka Khaatumo ee hada iyo siyaasiyiinta Daaha dabadiisa ka maamula oo uu hormuud ka yahay Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh.




Sidoo kale gacan tugaaleyn kaga imanaysa dhinacyada Garoowe iyo Somaliland,kuwaasoo saameyn badan ku leh madasha shirku ka socdo.




Somaliland iyo Puntland ayaa isku haysta oo kala sheegta Deegaamada Khaatumada shiraysaa degentahay oo ay ka mid tahay Degmada Taariikhiga ah ee Taleex.




Saameynta Garaad Cabdirashiid tegitaankiisu ku yeelanayo Somaliland




Inkasta oo aannu garaad Cabdirashiid saameyn sidaasi u culus ku lahayn Somaliland intii uu joogayba, isla markaana aanu taageero laysku raacsanyahay ka heysan Deegaanka uu isinka u yahay, hadana waxa uu noqonayaa shakhsigii ugu horeeyay ee Mansab xambaarsan ee ka soo goosta Somaliland, kuna biira nidaamka aan wali saldhigan ee Khaatumo.




Taasi waxay saameyn cad ku yeelanaysaa istaraatiijiyada Siyaasaddeed ee Xukuumadda Siilaanyo, iyadoo dhinaca kale marka la qiimeeyo duruufta Hargeysa taala ee ku waajahan Beelaha uu ka soo jeedaa uu xogogaal badan u yahay.




Xogogaalnimadiisa arrintaas ayaa dibada soo dhigi karta waxyaabo badan oo dahsoon oo aanay bulshadu inta badan sawir badan ka haysan.




Taasoo ah caqbaddo badan oo haysta Siyaasiyiinta Deegaamadaas metela xaga siyaasadda ee Somaliland ku sugan, kuwaasoo xagaas looga yaqaano Daba-dhilifyo xoogsi tegay.




Gobanimonews




Laascaanood  Office




Email: editor@gobanimonews.com