Thursday, May 22, 2014

Saylici oo Suuqyada Boorama ku booqday Saaxiibo Kursigu kala Irdheeyay.Daawo


BorramaMadaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa dib u milicsaday ammaanka Magaaladii laga soo doortay ee Boorama, kaddib afar sanadood oo aanu wali suuqyada dadku ku kulmaan si caadi ah u dhex marin.




Muuqaal laga sameeyay socdaal uu ku tegay 18 May Magaaladaasi, ayaa muujinaya inuu ku faraxsanyahay inuu suuqyo Mashquul ah isagoo lugaynaya oo aan askar badan wadan uu kula kulmo dad badan oo ay asxaab ahaayeen.




Halkan ka Daawo:




Taariikh hore




Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ka hor intaanu Siyaasadda ku soo biirin wuxuu ahaa Nin Ganacsadde ah, isla markaana Shirkaddo dhinaca Dhismaha ka shaqeeya ku lahaa Magaaladan.




Tani waxay ku tusaysaa inuu indhaha ku qabanayo markasta oo uu booqdo goobihii uu Siyaasadda uga soo gudbay, saaxiibeyaal badan oo wakhtiga iyo Kursigu kala irdheeyay..