Hargeysa(GNA)-Liiska Golaha Dhexe ee Xisbul-xaakimka Kulmiye iyo Guddida fulinta ayaa lagu dhawaaqay Caawa.
Shir-guddoonka Shirweynihii Xisbigaasi ayaa ku dhawaaqay Liiska Guddida fulinta ee Xisbiga oo ka kooban afar iyo afartan xubnood iyo Golaha dhexe oo ka kooban 364 xubnood.
Guddoomiyaha Guddida Shir-guddoominaysay Shirka Xisbiga ee 27 bishii April qabsoomay Axmed Cali Xaaji Cadami ayaa ku dhawaaqay Magacyada dadka Golaha dhexe ku soo baxay iyo xubnaha guddida fulinta.
Soo xulida xubnaha Golaha dhexe ayaa lagu saleeyay nidaamkii beelaha ee Ergooyinka Shirka ka qayb galay.
Golaha dhexe ee cusub ayaa bedeli doona Gollihii hore.
100 xubnood oo lagaga kordhiyay Shirweynihii Xisbiga ayaa lagu daray.
Loolan loogu jiray soo xuliddooda oo u dhaxaysay hogaanka Xisbiga iyo xubno doonaya inay saameyn ku yeeshaan ayaa socday tan iyo markii uu dhamaaday shir-guddoonka.
Guddida fulinta ayaa lagu kordhiyay xubno tiro badan oo uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda.
La soco Magacyada