Sunday, May 4, 2014

Saddex ka mid ah Ardaayada Beesha Habar-jeclo oo Shiraya


bayaanBurco(GNA)- Guddiga Bah-weynta Bah Faadumo (Habar-jeclo) ayaa kulamo dhowr ah oo muddo u socday kadib, waxay Shalay baaq Wargelin ah kasoo saareen Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, kaasoo ay ku iclaamiyeen Shirweyne iyo guddi farsamo.




Baaqaasi waxa ka saxeexnaa Cuqaasha saddex Jifo oo ku bahoobay bah-wadaagta Bah-faadumo, waxaana nuxurkiisa lagu shaaciyay laba qodob oo loo kala diray dhamaan Bulshada gudaha iyo dibada ee beelahaasi.




Baaqaasi oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay Xafiiska Gobanimonews ayaa u dhignaa sidan”




"Anaga oo ah Beelaha bah-waynta bah Faadumo (Habar-jeclo) oo kala ah; 1. Muuse Abokor. 2.Samane Abokor. iyo 3.Cumar Jibriil, kadib markii aanu galnay shirar goo-goos ah oo muddo dheer socday, shirarkaas oo lagu lafa gurayay danta guud ee bah-waynta bah Faadumo, waxa ay bah- wayntu go'aansatay:-




In la magacaabo guddi qaban-qaabo oo ka kooban Saddexda beelood oo isugu jira Cuqaal iyo wax-garad oo tiradoodu tahay 13 xubnood.




Waxa kale oo ay go'aansatay Shir guud, Sidaa daraadeed waxa ay bah-wayntu ugu baaqaysaa wax-garadka Saddexdaa beelood ee debedda iyo gudaha ku kala nool in ay kasoo qaybgalaan Shirka guud ee ay iclaamin doonaan guddida qaban qaabada bah-waynta bah Faadumo (Habar-jeclo)".




Magacyada Guddida;




Beesha Cumar Jibriil;




Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Cilmi, --------------Xubin




 




    Chief Caaqil Maxamed Cawaale Axmed --------------Xubin




    Cabdikariim Abokor Axmed --------------Xubin




    Cabdi Adan Cismaan --------------Xubin




    Beesha Muuse Abokor;




    Jaamac Xaaji Maxamed Ducaale (Foos)------Xubin




    Faysal Abokor Xasan Dhunkaal,   -------------Xubin




    Cali Goodhi Mire                        --------------Xubin




    Siciid Muuse Geelle,                   --------------Xubin




    Xasan Caabi,                             --------------Xubin




 




Beesha Samane Abokor;




Cabdicasiis Kaahin Xaaji Ibraahim --------------Xubin




 Cali Yaasiin Maxamuud                --------------Xubin




    Xasan Siciid Axmed,                      --------------Xubin




    Aadan Cabdi Xaaji Xasan               --------------Xubin




 




Cuqaasha Goob-




 Chief Cabdi Cabdilaahi Maxamed Cabdi Carab




 Caaqil Maxamed Xaaji Ibraahim Maxamuud




 Caaqil Siciid Cawl Cabdile




Caaqil Maxamed Kaarshe Ooda-kore.