Sunday, May 4, 2014

Pogba: Manchester United Imay Ixtiraami Jirin


Waxa lagu amray inuu kalidii tababarka sameeyo, xarunta jimicsiga jidhkana uu tago, sababtoo ah kooxdiisu waxay u malaynaysay inuu doonayo inuu ku biiro naadi kale.




Ciyaaryahanka khadka dhexe uga ciyaara Juventus, Paul Pogba ayaa sheegay inuu dareemay ixtiraam darro markii ay kooxdiisii hore ee Manchester United ku amartay inuu kalidii tababarka sameeyo ka hor intii aanu ka tegin Old Trafford, waxaanu kooxda u saftay hal kulan oo kaliya bishii January 2012, markaas ayaanu go’aansaday in aanu cusboonaysiinin heshiiskii uu kula joogay kooxdaas.




Kooxda ayaa markaa kadib ku eedaysay inuu doonayo inuu iskaga tago Manchester United, laakiin laba sannadood kadib waxa hadda afka kala furtay Pogba, waxaanu soo faqay sababtii uu uga tegay naadiga “Meel cidlo ah ayay igaga tageen sababtoo waxay yidhaahdeen wuu naga tegayaa, taasina waa ixtiraam darro” ayuu yidhi Pogba oo u waramay idaacadda BBC, waxaanu intaa ku daray “Waxa laga yaabaa in aanay u malaynaynin in ay khalad samaynayaan”.




Tababarihii hore ee Manchester, Ferguson oo markaa maamulayay kooxda ayaa ku andacooday xilligaas in Pogba uu ku guuldaraystay inuu ixtiraamo kooxda, laakiin waxa hadalkaas beeniyey Pogba oo sheegay in la takooray.




“Manchester United waa koox weyn, laakiin waa inaad naftaada ka fikirtaa, waana in aad ciyaarto. Tababaruhu wuxuu ii sheegay in lay ciyaarsiin doono laakiin maan ciyaarin. Kaliday ayaan tababaranayay muddo hal toddobaad ah, waxay igu amreen inaan tago xarunta jimicsiga jidhka (Gym), aniguna waxaan ku idhi ma ihi ciyaartooyada jidhka dhisa, waxaan ahay nin kubadda cagta ciyaara” ayuu yidhi Pogba.