Burtinle(GNA)-Roobab lagu qabowsaday ayaa ka Da’ay Maanta Deegaamo ka mid ah Goboladda Nugaal iyo Mudug, halkaasoo muddooyinkii u dambeeyay baahiyo dhanka biyaha ah ka taagnaayeen.
Roobabka ayaa ka da’ay degmada Burtinle iyo deegaamo hoos yimaada, kuwaasoo ka mid ahaa meelaha biyo yaraantu ka jirtay.
Dadka Deegaanka ayaa Gobanimonews u sheegay inay gelinkii hore ee Maanta roobku ka curtay Burtinle iyo agagaarkiisa, si wanaagsana uu u biyo dhigay.
Maxamed Cabdiraxmaan oo ka mid ah Bulshada Degmada Burtinle ku dhaqan, ayaa Gobanimonews u sheegay in Roobkaasi biyo dhig wanaagsan dhigay deegaanka uu ku suganyahay oo wax yar ka baxsan Magaalada Burtinle.
Maxamed ayaa intaasi ku daray inuu roobku da’ayay ilaa abaaro labadii duhurnimo ee maanta.
“roob wanaagsan oo lagu qabowsaday ayuu ahaa ilaa hada dhibicdiisu way na sii haysaa, laakiinse si wanaagsan ayuu noo biyo dhigay”ayuu yidhi.
Biyo yaraan baahsan oo hore
Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay biyo yaraan aad u baahsan soo food saartay bulshada iyo xoolaha deegaaamada Gobolka Mudug, gaar ahaan Burtinle, waxaanay intaasi ku dareen qiimaha biyuhu cirka isku shareeray todobaadyadii la soo dhaafay.
Qiimaha Jirikaanka labaatan litir qaadka ah ayaa la sheegay inuu gaadhay lacag gaadhay 15000 Shilinka Soomaaliga ah “qiimaha Jirikaanka biyaha ah wuxuu marayay maalmihii ugu dambeeyay $0.5, taasoo u dhiganta dhawr iyo toban kun oo shillin”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay Cabdiraxmaan Axmed oo ka mid ah Bulshada deegaanka.
Kaliisha oo daba dheeraatay
Roobabka Guga oo ahayd inay curtaan bishii March ee la soo dhaafay horaanteedii ayaan wali ka di’in deegaamo badan oo ka mid ah Geeska Afrika.
Cimiladda ayaa inta badan kulul meelaha aanay wali roobabku ka di’in.
Gobanimonews
Gaalkacayo Office
Email: editor@gobanimonews.com