Hargeysa(GNA)-Madaxweyneha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta qasriga madaxtooyada kula kulmay xubno ka socday Ururada Bulshada iyo kuwa aan dawliga ahayn ee Somaliland.
Xubnaha uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa badankoodu ka socda Ururrad Haweenka, waxaana Munaasibadda kulanka shahaado lagu guddoonsiiyay Madaxweynaha iyo Marwadiisa.
Haweenka oo Dalbaday Kuraas siyaasaddeed oo Kooto ah
Haweenka ayaa uga mahad naqay Madaxweynaha doorka wanaagsan ee uu ka siiyay xukuumaddiisa, waxaana ka dalbadeen in Goleyaasha Sharci dejinta ee la soo doorto laga siiyo Kuraas kooto ah.
Madaxweynaha ayaa isna uga mahad naqay haweenka taageerada ay la garab taaganyihiin Xukuumaddiisa.
Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee dhex mara madaxweynaha iyo Ururadda u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ee Maxaliga ah.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sanadkii hore Goleyaasha Baarlamanka ka dalbaday inay meel mariyaan Xeer Kuraas Kooto ah oo Haweenka loogu sameynayo.
Laakiinse Goleyaasha Sharci dejinta ayaan wali arrintaasi meel dhigin
Waxaana muuqata inay Madaxweynaha ka doonayaan Haweenku inuu Khudbad sanaddeedkiisa labada Aqal Baarlamaan la filayo inuu ka jeediyo Goleyaasha ku adkeeyo inay xeerkaasi hir-geliyaan, si loo soo afjaro cabashada Haweenka iyo Beelaha la guur-sooco ee dhanka Siyaasada.
Haweenka Somaliland ayaa Doorashadii goleyaasha Deegaanka si weyn uga dhex muuqday, laakiinse nasiib daro kumay guulaysan Kuraas badan, waxaana ka soo baxay laba gabdhoodoo qudha Haween badan oo iska sharaxay dhamaan Degmooyinka doorashadu ka qabsoontay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com