Sunday, May 4, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo Booqday Kaalin Shidaal iyo Dhisme Ganacsi oo gubtay


KaalinsHargeysa(GNA)-Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Booqday Dhisme Ganacsiyeedka Kaah oo gelinkii ee Maanta uu dabqabsaday.




Madaxweynaha ayaa halkaasi gaadhay abaaro Todobadii iyo Afartan daqiiqo saacada Geeska Afrika, waxaanu ku sugnaa muddo rubuc saac ah.




Wariye Gobanimonews ka tirsan oo goobta gaadhay wax yar ka dib markii madaxweynuhu ka soo laabtay xaruntan Ganacsi ee gubatay.




Ugu yaraan Afar qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen dabka oo ka dhashay Bom Shidaal oo qaraxday, sida ay goob-joogeyaal sheegeen.




Saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyay in la baadhayo sababta dabkaasi ka dhalisay.




Ma jiro wax war ah oo dawladdu ka soo saartay booqashada Madaxweynaha ee Kaah Business Center, balse waxa la sheegay inuu Madaxweynuhu dareen ahaan la qaybsaday argagaxa dadkii halkaasi isugu yimi iyo Mulkileyaasha goobtan Ganacsi, kana tacsiyadeeyay Khasaaraha soo gaadhay.




Wasiiro ay ka mid yihiin Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada, Taliyaha Bilayska iyo Masuuliyiin kale oo laamaha dawladda ka tirsan ayaa Madaxweynaha ku wehelinayay booqashada halkaasi,




Dadka ku dhaawacmay ayaa goobtan ayaa u badan Shaqaalihii meesha ka shaqaynayayay.




Gaadiidka Dab-damiska ayaa goor dambe gaadhay xarunta gubatay oo isugu jirta Kaalin Shidaal iyo Supar Market.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa xaruntan gubatay sanadkii 2011-kii xili Galabnimo ah booqday, isla markaana halkaasi kula shaaheeyay dadka shacbi ah oo badan.




Hudheelka Kaah ayaa ka mid ahaa goobihii Xisbiga Kulmiye shirarka iyo Xaflada ku qabsan jiray xiligii uu Mucaaridka ahaa, iyadoo wakhtiyada qaar Xukuumadii Rayaale mar ay ka madnuucday inay Hudheelada shirar ku qabsadaan uu Hudheelka u ogolaaday.