Sunday, May 4, 2014

Qarax ka dhashay Gaadhi Shidaal Siday oo ku Qalimay Xaafadda Shacabka "Hargeysa"


Hargeysa(GNA)-Shil gaadhi ayaa ka dhacay Xaafadda Shacabka ee Magaalada Hargeysa, kaddib markii gaadhi Booyad ah oo Shidaal siday jiidhay Guryo buushash ah iyo meheraddo Ganacsi, goob-joogeyaal ayaa sidaa Gobanimo u sheegay.




Khasaare xoogan ayaa la sheegay inuu ka dhashay, sida ay goob-joogeyaal ku waramayaan.




Qiiq iyo uuro ayaa cirka isku shareertay halkaasi , ka dib markii ay qaraxday Booyada Shidaalka siday oo muddo jibaaxaysay dhismeyaal iyo guryo yaryar oo Buulal ah.




Shilka ayaa ka dhacay waddada isku xidha Shacabka iyo Xero-awr ee If iyo Akhiro, halkaasoo sida ay goob-joogeyaal ku waramayaan Gaadhigu marayay agagaarka Guriga Faadumo Siciid.




Gaadiidka Gurmadka deg deg ah oo isugu jira Ambulace iyo Dab-damis ayaa la maqlayaa dhawaaqooda,kuwasoo ku sii jeeda goobta shilku ka dhacay.




Goob-joogeyaal ayaa sheegay in waxyeello nafeed ka soo gaadhay tiro dad ah.




Laakiinse wali lama xaqiijin tiro sugan oo dad iyo duunyo ku waxyeeloobay shilkaasi argagax badan dhaliyay.




Shilkan Gaadhi shidaalka sidaa sababay, ayaa yimi maalin kaddib markii uu shalay dab qabsaday kaalin shidaal iyo dhisme Ganacsi oo dhinaca Bari ee Magaalada Hargeysa ku yaala.




Khasaare Maaliyadeed oo culus iyo dhaawacyo dad soo gaadhay ayaa ka dhashay shilkaasi shalay.




La soco wixii ka soo kordha