Sunday, May 4, 2014

Qarax ka dhacay Muqdisho oo Masuul hore iyo dad kale lagu laayay


Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya oo si kulul u Cambaareeyay  Qarax oo Al-shabaab sheegatay..




SARKAAL HORExMuqdisho(GNA)-Ugu yaraan Lix Ruux ayaa ku dhintay, tiro kalena waxa ka soo gaaray dhaawacyo, qarax Ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4.




Dadka ku dhintay qaraxaasi waxa ka mid ah  Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan oo dhawaan Ciidanka amniga ku biiray iyo  tiro ka mid ah ilaaladiisa khaaska ah .




Goob-joogeyaal ayaa xaqiijiyay in qaraxu uu ahaa mid gaadhiga uu la socday Sarkaalku lagu rakibay.




Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida ayaa goobta xiray, waxaana wadada aheyd markii qaraxa dhacay mid mashquul ah, oo gawaari kala duwan ay marayeen.




Al-shabaab oo sheegtay




 Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxan, waxaana qoraal lagu baahiyay baraha Internet-ka Al-Shabaabka lagu sheegay in C/kaafi oo horay u ahaa Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir uu la shaqeynayay waxa ay ugu yeereen Shirkadaha calooshood u shaqeystayaasha fadhigooda yahay Xerada Xalane.




Reysal-wasaareha oo cambaareeyay weerarka




Reysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed  Maxamed oo gelinkii dambe warbaahinta la hadlay ayaa si kulul u dhaleeceeyay weerarka.




C/wali Sheikh ayaa sidoo kale tacsi u diray dadka ku geeriyooday qaraxaasi.




“Waxaan ka tacsiyaynayaa dhammaan dadkii ku dhintay qaraxii maanta magaalada Muqdisho loogu gaystay shacab Soomaaliyeed ee an waxba galabsan. Waxaan sidoo kale tacsi u dirayaa qoysaskii ay ka tageen marxuum CabdiKaafi Hilowe Cismaan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisii khaaska ahayd oo sidoo kale ku dhintay qaraxii maanta. Marxuumku wuxuu ahaa nin aan shakhsiyan u aqaan oo dadaal badan ku bixiyay u adeegidda shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.




 “Waxaan weynay dad qiimo ku leh bulshada oo ka qayb qaadanayey horumarka iyo dadaalka aan ugu jirno in waddanku ka baxo xaaladda adag ee uu ku jiro. Weerarrada noocan ah waxa ay xoojinayaan go’aanka aan mar kasta ku taagannahay ee ah ciribtirka nabad-diidka dhibaatada ku haya dadka iyo dalka Soomaaliyeed




 “Daadinta dhiigga shacabka aan waxba galabsan waa arrin aan raad ku lahayn diinteenna Islaamka iyo dhaqankeenna Soomaaliyeed. Kuwa ka been sheegaya diinteenna suubban ee dadkeenna laynaya waan ka guuleysan doonnaa haddii Alle idmo.”




Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka hadlayey qarax lala damacsanaa xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay tallaabada geesinimada leh ee muwaadin Soomaaliyeed uu ku fashiliyay yoolkii ay lahaayeen argagixisada. Muwaadinka Soomaaliyeed ee fashiliyey qaraxan ayaa ku wargeliyey xildhibaanka in gaarigiisa qarax loogu xiray , iyadoo tallaabadaasi ay badbaadisay xildhibaanka iyo labo xildhibaan oo kale oo la socday.




 “Waxaan ammaanayaa tallaabada uu qofka muwaadinka ah ku wargeliyey xildhibaanka. Tani waxa ay inoo muujineysaa in dadkeennu ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan sugidda ammaanka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.




Al-shabaab ayaa mar kasta wacad ku mara inay khaarajinayaan saraakiisha dawladda ee la shaqeeya waxay ugu yeeraan gaalada ku soo duushay dalka.