Sunday, May 4, 2014

Boobe: Xukuumadda laga baryi maayo Xoriyadda Saxaafadda Maanta.Daawo


BOOBEHargeysa(GNA)-Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa si adag uga hadlay xayiraada Wargeysyada Hubaal iyo Haatuf, maanta oo Sabti ah.




Boobe Yuusuf oo khudbad ka jeediyay Munaasibad lagu xusayay Maalinta Xoriyadda Saxaafadda oo Hargeysa lagu qabtay, ayaa sheegay inaan Xukuumadda talada haysa laga baryeyn madaxbanaanida Saxaafadda  oo uu tilmaamay in dariiq halgan iyo hayaan adag ka soo gudbay loo soo maray.




Boobe ayaa tan iyo markii xilka laga qaaday sanadkii 2012-kii qalinka u qaatay, tebinta qaloocyada siyaasiga ah ee Xukuumadda Siilaanyo.




waxaanu Xadhiga labada wargeys ku tilmaamay xad-gudub aan xeer iyo sharci jideynayaa jirin, gabood fal ah, kaasoobuu yidhi aan sidan ku sii waareyn ee go'aan laga qaadan doono.




Halkan ka Daawo:


http://www.youtube.com/watch?v=_0gAeKHDNN8


Xaflada xuska 3 May, ayaa waxa ka qayb-galay masuuuliyiin isugu jira Mucaarid iyo Xukuumi, kuwaasoo uu ka mid yahay Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir iyo xubno kale.