Sunday, May 4, 2014

Maraakiib Jiriif ah oo Taagan Xeebta Saylac


Untitled.AVI_0001Saylac(GNA)-Laba markab oo ah nooca loo yaqaano jiriifka ee xaalufiya ug xanta kalluunka ayaa waxa lagu arkay xeebta Salayla.




Dadweynaha deegaankaasi ayaa sheegay in maraakiibtaasi fasax ka  haystaan wasiirka wasaaradda kaluumeysiga iyo khayraadka badda Cali buureed oo ogolaansho siiyey labadaasi markab ee badda taagan.




Wararka ka imanayaa maagal xeebeedka saylac ayaa sheegaya in labadan markab ay taagan yihiin meel u dhaw bariga badda oo ay soo dhawaadeen isla markaana ay xaaluf ba’an ku hayaan badda Somaliland.




Inkasta oo uu madaxweyne siilaanyo hore xeer lagu magacaabay xeer madaxweyne uu ku joojiyey maraakiibta jiriifka ah ee bada Somaliland hore uga xaalufisay ug-xaanta kaluunka ayaa hadana talaabadan uu qaaday wasiirka kaluumeysigu u muuqataan inay tahay mid baal marsan xeerkaasi lagu magacaabay xeer madaxweyne ee madaxweyne siilaanyo hore u soo saaray.




Dadweynaha deegaankaasi ayaa qaylo dhaan iyo walaac weyn ka muujiyey labada markaad ee hada taagan xeebata saylac waxayna dad deegaankaasi sheegeen in ay u baahan yihiin warbaahinta xorta ah ee madaxa banaan inay la soo xdihiidhaan dadka deegaankaasi si umadda loogu soo bandhigo xaalufka maraakiibtaasi ku hayso badda Somaliland.




Mudo dheer ayaa waxa laga cabanayey  marakiibta jiriifka ah oo khatar ku ah badda Somaliland oo ay ka xaalufiyaan ug xaanta kaluunku ku dhalo,taasi oo keeni karta in kaluunka laga waayo badda Somaliland,arintana ayaa waxay dhabar jab ku tahay guud ahaanba khayaradka dalka iyo kaluumeysatada oo khaati ka taagan maraakiibta uu wasiirka wasaaradda kaluumeysigu u fasaxayo inay xaalufiyaan badda Somaliland.




QORE:C/shakuur Cumar  Xuseen




Email:ccxuseen12@gmail.com