Tuesday, May 6, 2014

Masar: “ma sii jiri doonaan Ikwaannu Muslimiinku”


Masar




Qahira(GNA)-Taliyihii hore ee Milateriga Masar Cabdicasiis Sisi ayaa sheegay inuu dhamaaday wakhtigii Ururka Ikhwaanu Muslimiinku.




Waraysi uu bixiyay markii ugu horaysay tan iyo markii uu isu sharaxay Madaxweynaha masar ayuu ku sheegay in dadka reer Masar diideen Ururka Ikhwaanu Muslimiinka.




Cabdicasiis Sisi ayaa muddo dheer hogaaminayay Milateriga Masar, waxaanu wasiirka difaaca ka noqday dawladdi Maxamed Mursi,ka hor intaanu xukunka ka tuurin Madaxweyne Mursi badhtamihii sanadkii hore.




Doorashada Masar ayaa lagu wadaa inay qabsoonto saddexda todobaad ee soo socda, waxaana ku tartarmaya Sisi iyo Nin kale ka tirsan Asxaabta qunyar socodka ah.




Dalka Masar ayaa wali waxa ka sii socda magaalooyinka qaar qul-qulatooyin laga soo horjeed ridista Madaxweynaha Xabsiga ku jira ee Maxamed Mursi.




Ururka Ikhwaanu Muslimiinka  ayaa ka mid ah Ururrada ugu awoodda weyn dalalka Carabta, waxaanay wali haystaa taageero bulsho oo ku filan.




Dadka ka faallooda arrimaha siyaasada ayaa aaminsan in Sisi si fudud ugu guulaysan karo Madaxtinimada dalka, laakiinse walaaca muuqda ayaa ah in isku dhac kale yimaado hadii uu isku dayo inuu awood ku muquuniyo Ikhwaanka.




Su’aasha lays weydiinayaa waxay tahay Doorashada Sisi salka ma u  dhigi doontaa xaaladaha sii xumaanaya ee Masar ka jira hadiise laga guulaysto muxuu yeeli doonaa.