Xoghaya guud ee Qaramada midoobay Ban Ki-moon ayaa booqday Koonfurta,maalin ka dib Dagaallo dalkaasi ka dhacay Shalay.
Booqashada Ban Ki Moon ayaa salka ku haysa dedaal la doonayo in lagu soo afjaro colaadda ka taagan halkaas.
Ban Ki-moon ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxwayne Salva Kiir oo oggolaaday in uu wadahadal la yeesho hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar.
Dagaallada wadanka Sudan ayaa waxaa ku barakacay dad ka badan hal milyan oo ruux.
Dagaallo qadhaadh ayaa shalay ka dhacay Magaalada Shidaalka Qaniga ku ah ee Bentiu, kaddib markii ay ciidamda dawlada isku dayeen inay mucaaridka ka qabsadaan halkaasi.
Isku dayga ciidammada dawlaladda ee ahaa in ay dib u qabsadaan magaalada Bentiu ee qaniga ku ah saliida, ayaa noqday mid aan suuragelin, kaddib markii ay iska caabin kala horyimaadeen fallaagada.
Xoghaya Arrimada Dibedda ee dowlada Maraykanka ayaa ka digay in cunaqabatayn lagu soo rogi karo labada kooxood haddii ay ka qeybqaadan waayaan wadahadallada ammaanka ee la qorsheynayo.
Balse mid ka mid ah weriyayaasha BBC-da ayaa sheegay in kooxda Machar aanay oggolayn wadahadallao fool ka fool ah.