Doorasho diyaar ma u yahay 13 bilood,kaddib inuu qabto?Warbixin
Hargeysa(GNA)-Fadhi wada jir ah oo ay yeelanayaan beri labada Aqal ee Baarlamanka Somaliland ayaa lagu wadaa inuu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ka jeediyo beri Khudbad sanaddeedka Dastuuri oo uu sanadkiiba hal mar ka jeediyo Baarlamanka hortiisa.
Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa maanta Warbaahinta u xaqiijiyay warkan.
“Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ayaa maalinta berri ah labada gole ee guurtida iyo wakiilada khudbad sanadeedkiisii dastuuriga ah u jeedin doona, waxaana wakhtigu uu noqon doonaa Hadii alle idmo 8:30 subaxnimo” ayuu yidhi.
Khudbada Madaxweyneha oo ay ahayd inuu labadii Bilood ee horaanta sanadka jeediyo, ayaa timi, kaddib markii ay todobaadkan furmeen Kalfadhiyadda Golle.
Dib u dhaca ku yimi Khudbada ayaa dhalisay dareenno u muuqday inuu sanadka iska dhaafayo, laakiinse Bulshada dhexdeeda arrin si weyn loo tebayo may ahayn.
Khubadbaddi bilaa xalad ah
Khudbadda ayaan inta badan lahayn xalad sidaasi u sii ridan, sababtoo ay tahay inta badan xildhibaanada fursad looma siiyo inay Madaxweynaha Su’aallo la waydiiyaan arrimaha dalka ka taagan iyo waxay tabeyaan toona.
Waxaanu Madaxweynuhu Khudbadan ku soo qaataa guud ahaan xaaladaha waddanka , guulaha siyaasaddeed ee ay xukuumaddiisu gaadhay sanadka laga soo gudbay iyo qorsheyaasha u yaala.
Khudbada sanadka
Khudbadda Sanadka ee Madaxweynaha ayaa dadka la socda siyaasadda xukuumaddu ku tacliiqinayaan inay ku jiraan qodobo dhawr ah oo Guulaha xukuumadda lagu tilmaamayo, kuwaasoo ay ka mid yihiin:-
Dhismaha Waddooyinka Ceerigaabo ilaa wajaale.
Dhagax dhiga laba Dekeddood oo uu dhagax dhigay dhawaan Magaalooyinka Laasqoray iyo Lughayaha, isagoo qodobadaas ku sharixi doonaa waxyaabihii uu safarkiisii Xeebaha ku soo arkay iyo mashaariicdii uu dhagax dhigay.
Kama maqnaan doonto Khudbadda Madaxweynaha derejo siinta Ciidamada Qalabka sida, hir-gelinta Mashaariic lagu horumarinayo amaanka iyo dhaqaalaha dalka.
Qorshaha Sahaminta Shidaalka iyo Macdanta ee ay xukuumaddiisu heshiisyada kula gashay Shirkadaha Ajaanibka ah sanadkii la soo dhaafay ayaa ka mid ah waxyaabaha la filayo inuu Madaxweynuhu kaga hadlo.
Inta badan dhacdooyinka guulaha lagu tilmaami karo ee uu madaxweynuhu ka hadli doonaa waa kuwo laga dheregsanyahay, hase ahaatee xiisaha ugu badan ee ay xambaarsantahay waa qorshe siyaasaddeedka sanadkan socda oo bishii shanaad lagu jiro.
Kaasoo wixii saddexda bilood ee hore loogu talo galay tageen, laakiinse todobada bilood ee hadhay laga dheehan doono qorsheyaasha yaala.
Dhaqaalaha
Wasaaradda maaliyadda Somaliland ayaa horaantii sanadkan markii ay dhaqan gelisay Miisaaniyada, waxay hakisay Mashaariicda dhismeyaasha ah ee ku jira Miisaaniyada ilaa bisha lixaad ee sanadka oo aan wali la gaadhin.
Sidaasoo ay tahay Dhismeyaal badan oo dawladdu leedahay ayaa sanadkan iyo kii hore la dhisay, kuwaasoo ay dhaqaalaha ku baxay dawladdu badh bixisay, inta badanse ay qaadhaan bixiyeyaashu maal-geliyeen.
Siyaasadda Gudaha
Wax badani iskamay bedelin siyaasadda arrimaha gudaha sanadkan iyo kii hore toona.
Hase ahaatee Wasiiro ka socda xukuumadda iyo Ciidamada Qaranka Somalilnd ayaa markii ugu horaysay gaadhay deegaamo ka maqnaa gacanta Dawladda.
Deegaamadaas waxa ka mid ah Buuhoodle iyo Taleex.
Dhinaca kale, Dawladdu waxay ku guulaystay daminta shaqaaqooyin Maxali ah.
Siyaasada iyo Nabadeynta.
Laba qodob waxaan ka badnayn ayaa ugu waaweyn siyaasadda nabadeynta deegaamada colaaduhu ka jireen sanadkii hore, kuwaasoo u badan dhanka Bariga.
Qodobadaas ayaa kala ah qaramaynta Maleeshiyaad sanadkii hore ka soo galay Puntland iyo wadahadalada guulaystay ee xubno ka mid ah Madaxdhaqameedka Sool, kuwaasoo sanadka taariikh ahaan raacaya.
Siyaasadda Dibada
Siyaasadda Arrimaha dibada ayaa lagu tilmaami karaa inay ka mid yihiin meelaha ugu liita ee aanu Madaxweyne Siilaanyo guulo badan kaga sheegan Karin khudbadiisa, taasoo marka dib loo jaleeco khudbadii uu 2013 jeediyay aan wax badan laga qaban arimihii uu balan qaaday.
Laakiinse lama dafiri karo inuu Madaxweyne Siilaanyo sanadkii hore la kulmay markii ugu horaysay Reysal-wasaaraha Ingiriiska David Camaroon.
Qorsheyaasha
Si kastaba ha ahaatee waxyaabaha ugu waaweyn ee Madaxweyne Khudbadiisa beri laga filayaa waxa weeye qorshaha uga meel yaala hir-gelinta Mashaariicda sahaminta Shidaalka, wadahadaladii u dhexeeyey Somalia, Doorashooyinka is-daba yaala ee sanadka dambe ku mudaysan, dalabka Haweenka iyo Beelaha la hayb-sooco ee Kuraasta Kootada ah iyo kor u qaadista Dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka Dhalinyarada.
Arrimaha Doorashooyinka ayaa ah kuwa ugu xiisaha badan ee Madaxweyne Siilaanyo khudbadiisa looga dhegtaagayo.
Sababtoo ay tahay 26 Bisha June ee Sanadka 2015 ayaa xilka Madaxweynenimo kaga eegtahay, isla markaana sharciyan shantii sanadood ee la doortay kaga dhamaatay, taasoo ay dadku rabaan inay markaas wixii ka dambeeya Madaxweyne cusub doortaan.
Saleban Cabdi Cali
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com