Axmed Xaashi Oday, Ramaax iyo Mustafe Shiine oo xilal loo magacaabay
Wuxuu xilalkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Warfaafinta, saddex Badhasaab iyo masuuliyiin kale.
Hargeysa(GNA)-Madaxweyne Siilaanyo ayaa soo saaray goor-dhaweyd soo saaray Wareegtooyin tiro badan oo isugu jira xil ka qaadis, isku shaandheyn iyo Magacaabis Masuuliyiin cusub.
Shan Masuul oo hore ayuu xilalkii ka qaaday waxaana ka mid ah Wasiir ku-xigeenkii Amniga, Cabdilaahi Cismaan Abokor, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdirashiid, Badhasaabkii Gobolka Gabiley, Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada, iyo Agaasimihii Wasaaradda diinta iyo Awqaafta.
Sidaa waxa lagu sheegay 7 warsaxaafaddeed oo goor dhaweyd oo abaaro kowdii ahayd ka soo baxday madaxtooyada.
War-saxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-2455/052014 xilalkii ay hayeen uu kaga qaaday Wasiir Ku-xigeenkii Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Gudoomiyeyaashii Gobolada Saaxil, Gabiley, Sanaag, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka,
Xilka Qaadista
1. Mudane, Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
2. Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Gabiley
3. Gaashaanle, Faysal Kaamil Ciise, Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL
4. Mudane, Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
5. Mudane, Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Mudanayaal,
Waxa aan aad idinku mahadinaqayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hannan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka u hayseen.
Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan xilalkaasi cidaan u soo igmaday”ayuu lagu yidhi.
Magacaabisyo
Sidoo kale wareegtooyin lagu magacaabay Masuuliyiinta lagu bedelay xubnaha la eryay iyo kuwo cusub oo xilal cusub loo magacaabay ayaa lagu magacaabay masuuliyiintan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2448/052014 uu isku bedel iyo magacaabis ku sameeyey Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradahan hoos ku qoran.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Aadan Cabdilaahi Cabdille, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL.
2. In Mudane, Maxamed Cilmi Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL.
3. In Mudane, Abiib Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Cadaalada)
4. In Mudane, Khadar Axmed Diiriye, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, (hore Tacliinta Sare)
5. In Mudane, Maxamed Cilmi Aaden, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Kalluumaysiga)
6-In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.
7-In Mudane, Fahmi Cabdi Bidaar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.
8-In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.
9- Mudane, Axmed Cali Maygaag,
10-In Mudane, Axmed Muxumed Geelle (Dacar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee JSL.
La soco wareegtooyin kale…