Saturday, May 3, 2014

Magacyada Wasiir ku-xigeenka Amniga iyo 12 Masuul oo kale oo la magacaabay


 


Ramaax iyo Axmed Xaashi Oday oo sanad kaddib Madaxweyne Siilaanyo dib u magacaabay iyo Wasiir ku-xigeen shirqoollo ku eeddeysnaa oo seeftu ku dhacday, Maxaase sababay? Akhri Magacyada kuwa xilka laga qaaday???.





GE DIGITAL CAMERAHargeysa(GNA)-Wareegtooyin lagu magacaabay 13 Masuul, shan-na xilalka lagaga qaaday ayaa caawa saqdii dhexe ka soo baxday Qasriga Madaxtooyada Somaliland.




Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Somaliland Axmed Xaashi Oday, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleban Ramaax iyo Guddoomiyihii hore ee Ururka Saxaafadda Somaliland ayaa Mustafe Shiine, ayaa xilal kala duwan oo ilaa heer Badhasaab Gobol Gaadhsiisan loo magacaabay.




Sidoo kale, Madaxweyne Siilaanyo oo xilkii ka qaaday Wasiir ku-xigeenkii Amniga Cabdilaahi Cismaan Abokor, ayaa xilkaasi u magacaabay Masuul magaciisa lagu sheegay Cali Maxamed Cilmi oo Saaxadda Xukuumadda ku cusub.




Digreetooyinka Madaxweynuhu soo saaray ee xilalka lagu magacaabay, qaarna isku bedelka lagu sameeyay, kuwona xilalka lagaga qaaday, ayaa goor dambe warbaahinta soo gaadhay.




Magacyada 13 Masuul ee laga magacaabay ayaa kala ah




1-In Mudane, Cali Maxamed Cilmi, laga bilaabo taariikhda waxa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL




2-, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.




4.Mudane, Fahmi Cabdi Bidaar, waxa laga dhigay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.




5. Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.




6. Dr. Axmed Xaashi Oday, waxa loo magacaabay  Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland




7.            Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Doodi,waxa  loo magacaabay  Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.




8-Axmed Cali Maygaag, waxa oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.




9-Mudane, Aadan Cabdilaahi Cabdille, waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL.




10-Mudane, Maxamed Cilmi Xuseen waxa loo bedelay  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL.




11-Mudane, Abiib Axmed Cali, waxa loo bedelay Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Cadaalada)




12-Mudane, Khadar Axmed Diiriye, waxa loo bedelay  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, (hore Tacliinta Sare)




13-Mudane, Maxamed Cilmi Aaden (Ilka case) waxa loo bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Kalluumaysiga)




 




Masuuliyiinta Xilalka laga qaaday Qaaday.




 




1.            Mudane, Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha  




2.            Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Gabiley




3.            Gaashaanle, Faysal Kaamil Ciise, Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL




4.            Mudane, Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta




5.            Mudane, Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Warfaafinta,  Wacyigelinta iyo Dhaqanka




Filasho hore..




Isku shaandheyntan iyo xil ka qaadistan caawa soo baxday oo hore loo hadal hayay ayaa dadka siyaasadda xukuumadda u dhuun daloolaa ku tilmaamayeen mid intan ka miisaan culus.




Ilaa wakhti hore oo shirweynihii xisbiga Kulmiye qabanqaabadiisu socotay ayaa la hadal hayay.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa Badhtamihii sanadkii hore isku shaandheyn ku sameeyay Goleyaasha xukuumadiisa, oo ay agaasimeyaasha iyo Badhasaabadu ku jiraan.




Badhasaabadda Saddexda Gobol  uu hada ka bedelay, ayuu xiligaasi magacaabay.




Maxaa loo eryey Masuuliyiinta ?




Masuuliyiinta la eryay ayaa qaarkood cabashooyin badan iyo dhaliilo laga soo jeediyay shaqaddooda.




Laakiinse Badhasaabkii Gobolka Gabiley, ayaa isaga muddoba shaqo ka joojin lagu sameeyay, kaddib markii  wax laga waydiiyay sababta ka dambeysay fal lagula kacay Diblomaasiyiin Itoobiyaan ah oo lagu baadhay bar kaantarool oo ku taala Magaalada Kala-baydh, kuwaasoo la sheegay in laga qaaday qalab macluumaad sir ahi ku jireen.




Wasiir ku-xigeenka amniga ayaa lagu eeddeeyay falal amni daro oo lagu weeraray Masuuliyiin, isla markaana dad rayid ah waxyeelo loogu geystay.




Fal dhawaan Nin Askari ah ku dilay qof dumar ah Magaalada Berbera iyo weerar xildhibaan ka tirsan Golaha wakiilada askarigaasi u geystay ayaa labadaba lagu xidhiidhiyay inuu ka dambeeyay.




Sidoo kale dhacdooyin kala dambeeyay oo Gobolka Saaxil siyaasad ahaan u sameeyay ayaa lagu dhaliilayay.




Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa isaga lagu dhaliilayay shaqada wasaaradaasi muddo dheer.




Si kastaba ha ahaatee isku shaandheyntan iyo xil ka qaadistan Madaxweyne Siilaanyo sameeyay ayaan dadka badankiisa saameyn ku yeelan.




maxaa yeelay ?dadka ka faalooda arrimaha siyaasaddu waxay sheegayaan in wax ka miisaan culus oo dhanka wasiirada saameysa laga filayay.




Fadlan Aragtidaada ka dhiibo Isku shaandheyntan:-




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@hotmail.com