Saturday, May 3, 2014

Ethiopia:Ciidanka Ammaanka oo Dilay 47 qof "Gobolka Oromia"


Mudaharaadyo ka bilaabmay Gobolka Oromadu degto ee Itoobiya iyo dawladda oo xaqiijisay dhimashada tiro aad u yar...




ItoobiyaAddis-ababa(GNA)-Ugu yaraan 47 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Mudaharaadyo dalka Itoobiya,kaddib markii ay Ciidamaddu rasaas kala hortageen Mudaharaadeyaal magaalada Ambo ee Gobolka Gobolka Oromia.




Sidaa waxa sheegay goob-joogeyaal, laakiinse dawlada ayaa sheegtay inay Sagaal qof dhinteen.




dibad baxyada , ayaa ka bilaabmay Ambo  oo 125km (80 miles) dhinaca galbeed ka beegan Magaalada  Addis Ababa  jimcihii, kaddib markii dadka Gobolkaasi ka soo horjeesten qorshe ay dawladdu ku gaadhsiinayso caasimada gobolka Oromia.




Dadka degan Ambo ayaa sheegay in afar ardayda lagu dilay Isniintii la soo dhaafay Mudaharaad kale, kaddib markii bandhig weyn oo ay ku jiraan dad badan oo aan ahayn ardayda rasaas lagu furay.




Tan iyo markaas waxa la sheegay in jidadka magaalada  la cidleeyey,sida la sheegay, Bankiyada iyo dukaamada ayaa la xidhay, Gaadiidkana waa la joojiyey.




Bayaan, dowladda ka soo baxay  ayaa sheegay in sideed qof ku dhinteen intii lagu guda jiray mudaaharaadyo rabshado keenay  oo ay wadeen "Ciidamada nabad-diidka ah" ee magaalooyinka  Amb, Tokeekutayu, iyo sidoo kale Meda Welabu University ee Gobolka Oromia.




Gabadh Magaceeda qarisay sababo ammaan dartood ayaa BBC-da u sheegtay "In ka badan 20 ruux oo Mayd ah waxaan ku arkay waddooyinka," ayay tidhi.




"Waxaan ku dhuumanaynaa guriga sababtoo ah waxaan na haysa  cabsi ."ayay intaa ku dartay.




Dawladda Itoobiya ayaa Mudaharaadyadan ku eeddeysay inay dabada ka riixayaan Dagaal-oogeyaal  faafinaya borobogaande iyo been abuur.




Itoobiya ayaa hore loogu eeddeeyay inay talaabooyin bino-aadannimada ka baxsan kala hortagtay dad mudaharaad dhigayay, xiligii Melen Zenawi uu dalka xukumayay.




Boqolaal ayaa wax la dilay, wax xabsiyada lagu guray laga yeelay dalkaas, kaddib markii ay ka baxanaan baxeen arrimo siyaasaddeed oo doorashooyinka ka dhan ahaa 2008-dii.




Hay’addaha Xuquuqal-iinsaanka iyo dawladdaha taageera Itoobiya ayaa xasuuq ku tilmaamay talaabadaasi.